Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Opinion
  • Slideshow

Xorriyadda

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen

siciid1“Inta aanan gudagelin maqaalkan bal marka hore aan waxyar ka idhaahdo munaasabadda 10 guurada degelka WardheerNews. Ammaanta uu degelka WardheerNews mudan yahay iyo xilalka uu ka soo dhalaalay muddadii uu ifkan u soo baxay toban sano ka hor, qorayaal saaxiibbaday ah ayaa si fiican uga hadlay. Ku-celcelinina xiise-dil mooye wax ma soo kordhiso. Sidaas darteed, ayaan baal kale u marayaa hambalyayntayda muaasabaddan ku aaddan 10-Guuradiisa.

Hawlahaas uu degelka WardheerNews soo gutay ilaa sannadkan uu 10-jirsaday dhinaca wartebinta, dood-wadaagga, falanqaynta arrimaha adduunka ka aloosan, dhammantood ujeeddada aan ka lumin waxay ahayd mar walba kaalintuu ku leeyahay ilaalinta iyo hodonaynta xorriyadda qofka Soomaaliyeed ku nool yahay. Sannadkan cusubna sidii uu ugu sii qalab urursan lahaa in guulihii la gaarayna dhidibbada loo sii adkeeyo, inta dhimanna wax looga qaban lahaa ayuu u guntaday. Maamulka tifatirka oo qorshe-dejintu xilkiisa tahay ka sokow, waa qorayaasha iyo akhristayaasha kuwa yoolkaas ka qaadanaya qaybta ugu weyn ee la’aantooda aan WardheerNews maanta magacaa bilan ku yeesheen.

Tasoo hadafkeeda durugsani yahay sida qofka Soomaaliyeed XORRIYAD buuxda u gaadhi lahaa. Halkaa waxaa ka furmaya su’aalo badan oo xorriyadda la wada xiriira – micnaynta ereyga laftiisa iyo wejiyadeeda faraha badan iyo sida loo kala fasirto. Badweyntaa ayaan rabaa in aan inoo yara saafo si halkaas looga sii wado qoraallada xorriyadda la xirrira oo kun weji yeelan kara, anigoo maqaalkan kooban.. aad u kooban, WardheerNews uga dhigaya hambalyo iyo deeq laygu leeyahay gudashadeeda, saaxiibbada kalena ugu baaqaya inay halkaas ka sii wadaan.” SJX

XORRIYADDA

Xorriyaddu waa erey macaan, mug weyn, dhalaal badan oo lagu wada dhaato, lagu hadaaqo, loo halgamo oo nafta loo huro.

Haddaba Xorriyaday maxaad tahay?

Xorriyaddu waa cucubka iyo ciriiriga sidii looga bixi lahaa, oo loo hanan lahaa nolol astaamaheeda dhinac walba ka hareeyaa ay yihiin nabad, sareedo iyo nafaxaad la mahadiyo. Midka maadiga ah ee taabashada iyo tusidda leh sida cuntada, huga, hooyga, caafimaadka iyo midka macnawiga ah ee dareenka maanka lagu garto sida aqoonta, cilmiga, suugaanta, fanka, oo muujiya naruurada lagu nool yahay. Marka sidaa kooban loo tilmaamo xorriyadda, waa tan qof kasta oo bani’aadmiga ka tirsan meel kasta ha ka joogee uu u heellan yahay. Haddii cid waliba rabto oo sidaas ugu heellan tahay, maxaa keenaya wareerka, colaadaha iyo dagaallada dunidii ka dhaammaan waayay?

Qofku markiisa horeba waa bulsho ku nool ; waana bulsho u nool. Xorriyad iyo sareedadeeda qofku keligiis ma gaari karo bulsho la’aanteed mana ilaashan karo ee waa in loo wada hawlgalaa. Si loo hawlgalo waa in ‘xeer’ loo dejistaa? Xeer-dejintaas, ayaa fasiraado badan oo kala duwan yeelanaya iyadoo fasiraad waliba ku andacoonayso inay habkii ugu qumanaa iyadu ku talinayso.

Bulshada marka la soo dhexdhigo xorriyadda fasirkeeda iyo sidii loo ilaashan lahaa iyo xeerarkii lagu dhaqan gelin lahaa, ayaa muranku bilaabmayaa. Sababtoo ah dadka, ayaan marna isku garaad, isku dan, isku awood, isku aqoon ahayn ee cid waliba iyadoo ammaanaysa xorriyadda ayay misna rabtaa in loo dejiyo xeerarka sida iyada u dan ah. Taas oo salka ku haysa in markiisa horeba uu qofku labada dhinacba wato. Kan samaha iyo kan xumahaba.   Waxaad qofka guntiisa ugu tegaysaa damaca, nin tooxsiga, kibirka, xadgudubka, awood-sheegadka, ismadaxmarka, hawaawiga naftiisa oo si loo xakameeyaa ay ka adag tahay bela kasta oo dibedda ka iman karta – bahalo iyo dabaylo waalanba. Tan gaar buu ka jecel yahay tan guud. Sawirkaas oo weyn ayaad ugu tegaysaa reerkana.

Reer kasta oo Soomaaliyeed cudurkaas aan qofka ku sheegay ee birta ka adag, ayuu qabaa. Sida qofku uu bulsho xakamaysa hawaawigiisa ay tahay laga ma maarmaan, ayaa reerkuna u baahan yahay qaran xakameeya is-manfuukhintiisa iyo dhoohanaanta uu cidlada la taagan yahay. Qaranka oo aynu ka wadno dowladda iyada lafteedu haddaanay xeerinayn xuquuqda bani’aadmiga ummadaha addunka ka dhexeeya oo hor iyo horraan ku dhaqayn shicbigeeda ka dibna kula dhaqmayn dunida inteeda kale, qabso oo waa xaanshad meyd ah oo meel iska taal. Dowladdaasina waxba kama duwana qofkii kibirkiisa ku sakhraamay ee jar-iska-xoornimada u bareeray.   Caanseernimada lagu jiro iyo caalwaanimaduna halkaas, ayay ku jirta oo waa waxa shaaggu innoogu rogmi la’yahay.

Bulsho kasta oo jirta iyo marxalad kasta oo la marayo, waxay leedahay waayaheeda oo ummadaha addunka ku nooli iskuma wada sar-go’na.   Halka xorriyadda aynu soo carrabaabnay laga garan karo heerka aynu ka joogno, waa in la eego labadii qaybood ee kala ahaa tan maadiga iyo tan macnawiga halkee laga marayaa iyo intee ayaynu gaarnay oo ku guulaysanay. Qorshaha horumar kasta loo dejiyaa dowlad qarameed ama maamul gobeleed waa sidii xorriyadda la higsanayo loogu la sii dhowaan lahaa iyadoo lagu talo gelayo itaalka iyo hantida la haysto iyo cidda laga kaashan karayo adduunka.   Wejiyada ay xorriyaddu leedahay ee faraha badani way is-buuxinayaan, ee ma aha kuwo marna is-diidi kara. Haddaan soo qaadno qofka xorriyaddiisa dhinaca jiritaankiisa, dhinaca dhaqdhaqaaqiisa, caqiidadiisa iyo fekerkiisa, dhinaca siyaasaddiisa, iww marna ma aha kuwo liddi ku noqon kara bulshada uu ku dhex nool yahay horumarkeeda.   Bulshada horumarkeeduna wuxuu u adeegayaa qofka iyo qoyska horumarkiisa.

Had walba guusha iyo sareedada la soo hooyo ee dadku wada dareemo inay noloshoodii taabatay, ayaa sida xabagta isku tosha ummadda wada nool laabteeda iyo laxamkeeda oo midnimadeeda adkaysa. Bursiga iyo gacan sarraynta faanka laga deyayaa ee xorta la isku modayaa waa daleel. Waa meel cidla’ ah. Waa hungow iyo habaas wixii laga dheefaa. Waxaan haba yaraatee la garan, inta ka kale uu xaqiisu maqan yahay, kaad haysataa ama moodaysid inaad haysatid ee ku faanaysaa waa qunbulad muddaysan oo mar aanad ogayn kugu qarxaysa ee ogsoonow!

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.