Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Opinion
  • Slideshow

Af-Soomaaliga Tolow Yaa Qareen u Ah?

Qore: Cabdimajiid Nuur Cisman, PhD, Professor – Medical Genetics
Linköping, Sweden

Waxaan si weyn ugu riyaaqay maqaal uu dhowaan wargayskan WardheerNews ku daabacay Cabdullaahi Xasan Maxamuud (Spanish). Kaasoo uu qoraagu jawaab uga dhigay qoraal hore oo nin Soomaali ah qoray kuna baxay af qalaad. Ma jecli, ujeeddadayduna ma aha inaan dhex galo muranka ka aloosan arrimaha deegaannada SSC. Hadafka qoraalkaygu waa ka culus yahay arrinkaa. Waxaan doonayaa inaan wax ka iraahdo qoddob weyn oo asaas u ah jiritaanka iyo aayaha ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan aad ugu faraxsanahay inay weli jiraan dad fara ku tiris ah oo uu ka mid yahay Cabdullaahi Xasan oo ka harsan indheer-garadkii beryahan laga waayay bulshada Soomaaliyeed. Cabdullaahi wuxuu inoo iftiimiyay sida ay lama huraan u tahay in la dhawro oo la hanto waxa inaga wada dhexeeya oo inaku mideeyay Soomaalinimada.

Maxaynu haddaba Soomaali ku nahay? Ma muuqaalkaa, ma diinta Islaamkaa, ma midabka madaw baa? Waa marka horee muuqaal inoo gaar ah oo aynu dunida inteeda kale kaga soocan nahay ma jiro, waxaana jira dadyow kale oo inoo eeg, oo ay ka mid yihiin xabashida , Suudaanta qaarkeed, Oromada iyo Canfarta. Labadan dambe si gaar ah ayaynuba isu xignaa oo ehel dhow ayay inala yihiin. Diinka Islaamkuna inoo gaar maaha oo dunida oo dhan ayaa laga haystaa. Midabka madawna sidoo kale weeye oo hadakiisaba daa.

Soomaali haddaynu nahay waxa qura oo aynu leenahay, dadka kalena kaga soocannahay waa hiddaheena, suugaanteena iyo afkeena hooyo. Iyadoo sidaa laga wada dheregsan yahay, ayaa haddaba labaatankii sano oo u dammaysay, intii uu dumay qarankii Soomaaliyeed, waxaa xoogaysatay dabar-goynta iyo cirib-tirka astaamahii aynu ku ahayn Soomaali. Bal in yar oo tusaala ah aynu hoos ku eegno duulaanka wayn ee lala galay astaamihii Soomaaliyeed sannadihii dambe iyo sida dad sheeganaya ”aqoon yahan”, ”Skiikh”, ”Dr”, ”Professor”, ”Injineer”, ”Siyaasi” iyo ”qurbajoog” ay uga qayb qaateen dumista iyo sal-jarista wixii Soomaali lagu ahaa.

Laga bilaabo bartamihii 80-aadkii ilaa maanta, waxaa Soomaaliya ku xoogaystay niman u janjeera dhanka Wahaabinimada oo badankood wax lugu soo baray dalalka dibadda. Raggasoo iyaguna wixii la soo faray ku baahiyay bulshadii Soomaaliyeed. Beeshii Soomaaliyeed ee 1000 sano iyo dheeraad muslimka ahaydna waxaa laga dhaadhiciyay ”berigii hore waxaa jiray jahli, dadkuna diinka ma aqoon ee sidan yeela”. Fikradahaas gurracan ee Wahaabiyiintu keeneen waxay curiyeen waxa hadda ka aloosan geyiga Soomaaliyeed ee laga wada dheregsan yahay. Hase yeeshee arrinka aan badanaa laga hadlin oo ay fikradahaas gurracan ee xag-jirka ahi keeneen waxay tahay dagaalka ay raggaasi ku qaadeen afkii Soomaaliyeed. Intiina gu’yaal badan jira ayaa xasuustee berigii hore waxay laba qoys oo deris ahi aroortii isku salaami jireen ”maxaa lagu beryay” ama ”nabad ma sheegteen”. Erayadaas iyo kuwo kale oo badan oo af-Soomaali ahi maanta maba jiraan. Waxaa laysku salaamaa oo keliya ”asalaamu calaykum”. Tan dambe waa salaan Islaam oo waa sax, laakiin kuwa kor ku qoran oo Soomaaliga ahi iyagu ma xaaraam baa? Goormaa Alle iyo Rasuulkiisu xaaraam ka dhigeen salaamaha af-Soomaaliga?

Soomaali waxaa berigii hore diinka lagu bari jiray ”alif wax ma leh” iyo afkooda hooyo. Maanta af-Soomaaligii waaba ”xaaraam” oo ”shiikh” walba oo diin ka hadla hadalkiisa waxaaba u badan Carabi. Waxay ka mid tahay duullaan la soo abaabulay oo loogu tala galay in af-Soomaaliga lagu cirib tiro.

Waxyaalaha kale oo Soomaali ku soo kordhay 20kii sano ee u dambeeyey waxaa ka mid ah rag sheegta ”aqoon yahan”, ”Dr”, Professor”, iwm. Raggani iyaguna waxay la mid yihiin Wahaabiyiinta oo waxay aad u jecel yihiin inay ku hadlaan ama wax ku qoraan afaf qalaad, sida af Ingiriiska”, iyagoo og in cidda ay la hadlayaan ay yihiin Soomaali kale. Waxaa raggan ka mid ah siyaasiyiin imminka haya talada dadka Soomaaliyeed, sida Madaxweynaha federaalka Xasan Skiikh, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo wasiirrada hoos taga raggan. Puntland, oo ah meesha aan ku dhashay, waxaan dadkeeda ku ogaa dad af-Soomaaliga iyo murtidiisa meel weyn ka jooga. Maxaa sababay in madaxweynaha Puntland uu hadalkiisa ingiriis ugu barxo? Waxaa la yaab leh raggan mas’uulka ahi waa odayaal ku soo koray af-Soomaali oo sida aniga oo kale wax ku soo bartay farta Soomaaliga toddobaataneeyadii. Waxaa iyaduna murugo leh in raggan uu wax soo baray qarankii Soomaaliyeed oo maanta abaal ugu leh inay ururiyaan wixii ka dumay oo uu ugu horreeyo afkii hooyo.

Waxaan boogaadin iyo xusid gaar ah u dirayaa Soomaalidii boqol sano ka hor degganaan jiray England iyo Cadan. Dadkaasi iyagoo tiradoodu yar tahay ayay qurbaha ku hayeen af-kooda hooyo. Waxaan muddo 27 sano laga joogo kula kulmay England nin waayeel ah oo Soomaaliyeed. Waxaan la yaabay ninkaas af-Soomaaliga sida qumman oo quruxda leh ee uu ugu hadlayay. Waxaan u maleeyey inuu dhowaan ka yimid miyigii Soomaaliya, wuxuuse ii sheegay inuu ku dhashay Wales. Wuxuu ii sheegay in carruurtiisuna sidaa oo kale ay af-Soomaaliga ugu hadlaan. Sidoo kale, dadkii Soomaaliyeed ee Cadan degganaan jiray af-Soomaaligoodu wuxuu la mid ahaa sida kan miyigii Soomaaliya looga hadli jiray. Waxaa ka mid ahaa dadkaa awoowayaashay oo midi ku dhashay Makalla, Yemen.

Maxay haddaba Soomaalidii degganayd Wales (UK) iyo Cadan boqol sano horteed kaga duwanaayeen madaxweynayaal Xasan Shiikh iyo Cabdiweli Gaas? Kuwii hore waxaa ku jiray hanwayni iyo qiimayn ay u hayeen dhaqankooda iyo hiddahooda. Waxaa la waynaa afkooda oo kala qiima badnaa mid kasta oo kale. Madaxweynayaal Xasan iyo Cabdiweli waxaad u malaysaa in af-qalaad oo lagu hadlo uu qiima la leeyahay. Arrinkani wuxuu isoo xusuusiyay heeskii ay wada qaadi jireen Xasan Diiriye iyo Magool ee ahayd ”Af-qalaad aqoontu miyaa? Maya maya, maahee af-qalaad aqoontu miyaa….”

Gunaanadka qoraalkaygu waa sida Cabdullaahi ”Spanish” sheegay oo ah in aynu wax ku nahay afkeena hooyo oo uu waajib innaga saaran yahay inaan ilaashano si uusan u lumin oo aynan u cirib tirin faraceena iyo dhaxalkeena.

W.Q. Cabdimajiid Nuur Cisman, PhD, Professor – Medical Genetics
Linköping, Sweden
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.