Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Afka Soomaaliga iyo isbeddelka waayaha

W/Q Farad Sharmaarke

Aqoonta ummad iyo adeegsiga afkeedu waa ay isku lammaan yihiin, waana arrin muuqata in ummadaha adeegsada afkooda ay had iyo jeer ka nolol sarreeyaan kuwa adeegsada af ayan lahayn xakameyntiisa iyo tixraac u sameyntiisaba.

Taas micnaheedu maaha in uu jiro af isagu isaga filan dhan kasta oo aan afafka kale waxba kasoo qaadan, ee waa in ereyada iyo adeegsiga sahlanba ay aasaas iyo sal u noqdaan ereyo aan lasoo amaahan.

Sancada iyo teknolojiyada cusubi waxay keentaa ereyo iyo halheysyo aan horay loo maqal, amaba haddii horay loo maqlay macne kale loo adeegsado, tusaale ahaan ereyga computer qarni ka hor waxa loola jeeday iyo waxa aynu haatan u garaneyno waa kala duwan yihiin.

Muddadii yareyd ee dowladnimadii Soomaaliyeed ay jirtay, waxyaabaha ugu weyn ee raadka wanaagsan reebay waxa ka mid ahaa Soomaaliyeynta ereyo badan oo afka qalaad lagu oran jiray sida darajooyinka kala duwan ee maamulka shacabka amaba ciidan lahaa, sida hoggaan, agaasime, maareeye, xoghaye, gaashaanle sarreeye guuto, sarreeye gaas, dhamme, iwm.

Si taa la mid ah waxa iyana jirtay adeegsiga ereyo badan oo adeegsigoodu yaraan lahaa amaba ku ekaan lahaa degaan gaar ah amaba gobol gaar ah oo lagu daray manhajkii waxbarasho ee dalka, noqdayna erey bixin hirgashay sida walax, cuf, iwm.

Sagaashameeyadii kaddib waxa yimid howlo cusub siiba teknolojiyadii oo sii fidday gaartayna meel kasta loona adeegsaday wax kasta, nasiib darrose waxaa xilligaa ay Soomaalidu ku jirtay burbur baahay, afkii Soomaaliguna qayb ayuu ka noqday burburkaas oo waxa lumay tixraacii iyo halkii laga hagi lahaa oo ay ugu horreeyaan idaacadaha iyo qoraallada. Si gaar ah tixraac la’aantaas waxa looga dareemi karaa teknolojiyada iyo waxii la xiriira.

Anigoo ah engineer sameeya Software-ka khibraddeyda iigu dhib badneyd inaan Soomaaliyeeyo ereyo aad u sahlan oo dadka badankoodu garan karaan micnahooda hase yeeshee Soomaaliga aanba lagu fahmeyn, ayaa waxa ay ii noqotay inaan ereyo badan oo ingiriis ah ka daba tuuro GARAYN (add-garee, edit-garee, delete-garee, download-garee) iyo inaan Soomaali ku beegan doondoono oo xitaa qofka Soomaaliga maahirka ku ah aanu horey ka garanayn adeegsigooda oo ku cusub dartood. Waxaase taa kaba sii daran haddii uu ereygu yahay isku kabid laba erey iyo ka badan sida UPDATE (UP + DATE) waxay noqotay howl  dheeri ah, inaan anigu isu sharraxana oo nafteyda ku qanciyana waqti iga qaadatay.

Haddaba waxa habboonaan lahayd qalinleyda afka Soomaaliga inay fiiro gaar ah u yeeshaan ereyada cusub ee ay noloshu wadato, oo aanay ku koobnaan oo qura ilaalinta kuwii hore.

Ereyada aan anigu illaa hadda adeegsado iyo dhiggooda ingriisiga ah, hase yeeshee aan ka jeclaan lahaa inaan helo kuwo dhammaan dadka mihnaddan ku jiraa isla garanayaan:

Add Biiri
Edit Doori
Delete Tir
Download Deji
Upload Rar
Update Goortan
Background Dibyaal
Foreground Foolyaal
Share Wadaag
Mention Xus
Follow Raac
Link Suran
Network Xiriir

 

Farad Sharmaarke
Email: [email protected]

facebook.com/adeegkaal


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.