Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

AL-SAADICUUN BIL XAQ: MA URUR DIIMEED CUSUB BAA?

W/Q. Cabdiraxmaan Cilmi Xaashi

Dhawaan waxaa Soomaaliya aad looga hadal hayaa urur diimeed isku magacaabay Al-saadicuun bil xaq. Waxaan isku dayey inaan xaqiiqada raadiyo .Waxaan dhageystey cajalad nin ayaga ka tirsani internetka soo dhigay, kaasoo ku faahfaahinaya waxa ay yihiin iyo ujeeddadooda. Waxaa hadalka ninka kasoo baxay in ururkani yahay wahaabiyada qolo ka mid ah, iyaga iyo Al-shabaabna waxa keliya ee ay ku kala duwan yihiin tahay waqtiga la bilaabayo jihaadka ay sheeganayaan. Wahaabiyadu waxay fiqiga ka qaataan mad-habta Xanbaliyada inkastoo ay ku andacoodaan inaysan mad-hab gooniya raacin ee ay xaqa raacaan. Haddaba bal marka hore aan fiirino Wahabbiyada iyo waxa ay soo kordhiyeen oo ah;

  1. Inay gaalaysiiyaan cid kasta oon ayaga ka mid ahayn, dhiiggoodana bannaystaan.
  2. Inay si hubaysan ku raadiyaan qabsashada talada siyaasaddeed,iyagoo aan marna oggolayn inay wax la qaybsadaan dadka intiisa kale. Waxay aaminsan yihiin si xukunku islaami u noqdo inay lagama maarmaan tahay in keligood xukunka hayaan. Maadaama ay dadka intiisa kale gaalo u arkaan wax la qaybsi suuragal uma arkaan. Labadaas qodob waxay meesha ka saarayaan in nabadgelyo lagu wada noolaado.

Siyaasadda iyo islaamka:

Siyaasaddu waa maareynta arrimaha bulshada, waxayna ka billaabataa sida loo xulayo cidda hoggaanka qabanaysa.Nidaam kasta oo siyaasaddeed waa inuu xal u helaa ugu horrayn sida bulshadu u xulanayso hoggaankooda. Lagama hadli karo maamul haddii aan su’aashaas xal loo helin. Markii hoggaan iyo maamul dhismo waxaa ku xigta qawaaniinta/xeerarka bulshadu isku xukumayso. Guud ahaan siyaasadda wuxuu islaamku si guud u farayaa ;

    1. Wadatashi (Shuuraa)
    2. Musuqmaasuq la’aan.

Wadatashiga waxaa shardi u ah in dadka kala fikradaha duwani xaq u leeyihiin inay codkooda dhiibtaan iyo inuusan jirin cid codkoodu khasab ku yahay inta kale inay aqbasho. Wadatashi ma jiro haddii labadaas arrimood midkood maqan yahay. Nebi Muxammed(NNKH) waxaa la faray inuu siyaasadda dadka kala tashado. Wixii diinta ku saabsan nebigu ninna kalama tashan jirin oo dadku cod kuma lahayn. Waxa nebiga lagu amray inuu dadka kala tashado waa arrimaha bulshada (siyaasadda) loo maaraynayo. Nebiga (NNKH) hoggaanka laguma haysan, diintuna uma qaybsanayn ururro iyo mad-habado. Maanta dhibta ugu weyn caalamkoo idil xagga siyaasadda waa sida loo taagayo hoggaanka. Dadku waxay u qaybsan yihiin qabiillo, gobollo,  qawmiyado, diimo iyo mad-habado. Fikir iyo mabda’ kastaa waa inuu xal u helaa arrintaas, islaamkuna wadatashi ayuu sal uga dhigay. Sida wadatashigaas loo abbaarayo wuxuu ku xiran yahay nooca bulshadu u habaysan tahay. Xukun marna xaq ma noqon karo, islaamina laguma sheegi karo haddii talada qolo xoog ku marooqsatay.

Musuqmaasuq la’aantu waa caddaalad,sinnaan iyo in hantida guud si hufan loo maareeyo. Caddaaladdu islaamka waa hadaf (meel la higsado), waana in qofkastaa helo wuxuu xaq u leeyahay ama uusan qofna helin wuxuusan xaq u lahayn,ha ahaato nafac ama garsoor.

Wahaabiyadu waxay xukun islaami ah u taqaan marka xudduudaha la hirgeliyo (qisaasta, xukunka Zinada,tuugada iyo khamrada). Ma kala jecla sida xukunka lagu qabsaday ama jiritaanka/maqnaanta caddaaladda iyo xorriyadda fikirka. Waxay duminayaan oo baabi’inayaan dal dhan si afartaas xukun loo fuliyo, taladana ayagu u qabtaan. Islaamka ma yaqaan in hadafku banneeyo waddada loo marayo. Haddii hadafkaagu islaami yahay waa in aad u martaa waddo islaami ah. Sidaa awgeed xukunka loo maray in kumannaan qof qoorta looga jaro, dad iyo duunyana dab la qabadsiiyo ma noqon karo xukun islaami ah. Wadatashi iyo caddaalad xukunkaan ku iman marna islaami ma noqon karo, ciddii isku dayda inay dadkoo idil xoog ku muquunisana waxaa hubaal ah inay guuldarraysaneyso. Asaaskii boqortooyada Sacuudiga ayey wahaabiyadu higsataa, laakiin duruufihii sahlay dhalashada boqortooyadaas meel kasta iyo mar kasta lama heli karo.saasoo ay tahayna in ka badan 130 sano ayaa u dhexaysay dhimashadii Sh.Maxamed Cabdiwahaab iyo asaaskii boqortooyada.

Tan iyo dilkii foosha xumaa ee Khaliif Cismaan Bin Cafaan (RC) waxay muslimiintu u qaybsantay ururro iyo mad-habado. Sida caadada ah qolo kasta ayadaa isla qumman, Alle qura ayaana og kuwa saxsan. Haddaad adigu mad-habtaada u qabto inay tan keliya ee saxda ah tahay,ogow isku kalsoonidaadu daliil ma aha. Sidaa awgeed in Wahaabiyadu isu aragto inay yihiin Muhaajiriin iyo Ansaar dadka kalena u arkaan gaaladii Qureysh waxba ka beddeli mayso kala qaybsanaanta iyo kala duwanaanta fikirka. Sidaa awgeed waa in wanaag iyo nabadgelyo lagu wada noolaadaa, qolo kastana loo daayaa waxa ay aaminsan tahay. Dadka talada iyo degaanku ka dhexeeyana si wadjir ah arrimahooda guud uga wada tashadaan. Alle waa diiday in la is qasbo, wuxuuna sameeyey meel aakhiro la yiraahdo oo lagu kala baxayo.

Aan usoo laabto ururkan magaca cusub la baxay, laakiin aan isagu cusbayn. Waxaa muuqata inay Alshabaab xaq u arkaan laakiin qabaan inaysan marin waddadii Nebiga (NNKH). Waxay sheegteen inay 40 sano sugayeen la dhiirrashada dacwadooda, taasoo ay ka wadaan in nebigu 40 jiray markii uu dacwada bilaabay. Waxay sheegeen in hawshu waqti u baahan tahay, waxayna u egtahay in ayagoo ka duulaya waqtigii nebigu (NNKH) Makka joogay ay 13 sano wadayaan dacwada. Haddii xisaabtaasi sax tahay, waxay dagaal hubaysan billaabi doonaan abbaaraha 2030 taariikhda miilaadiga. Hadda waxay isu arkaan inay iyagu metelayaan nebiga (NNKH) iyo saxaabadii rumaysay ee Maka , dadka intiisa kelana mushrikiintii Qureysh. Ninka ururka uu hadlayey wuxuu sheegay in muslimiintu dawlad lahaayeen balse ay reer Yurub baabi,iyeen. Wuxuusan ogeyn ama isdhaafinayaa in wahaabiyadu ayagoo garab socota Ingiriiska ay dawladdii muslimiinta boqna jareen. Waxaan Alle ka baryeynnaa inay 13ka sano ee aan soo sheegnay  ka hor maskaxdu u furanto oo ay dadkooda wax la qaybsadaan,dhammaanteenna na hanuuniyo.

Ilama aha inay qumman tahay in la mamnuuco ama la xirxiro inta addinkooda laga nabadgelayo sida hadda wararku sheegayaan. Khasab iyo jajuub weligiis ma beddelin waxa dadku aaminsan yahay.

WA BILLAAHI TWAFIIQ

W.Q. Cabdiraxmaan Cilmi Xaashi
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.