Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

“DADKA LAGA TIRADA BADAN YAHAY” – BEEN FAKATAY!

W/Q Cabdixakiin M. Maxamuud “Marayare”

Waxa jira beeno badan oo fakaday oo runtiina gaadhi kari weyday. Midda ugu darani waa middan: ”Beelaha laga tirada badan yahay…”.

been-fakatay1Si wacan loo ma yaqaan beeshaas laga tirada badan yahay tan ay tahay.Waxa kale oo aan iyana la ogayn cidda tirada badan iyo ciddan labada kooxoodba tirakoobtay ee natiijadan soosaartay iyo halkan laga soosaaray! Haddii laguugu celceliyo inaad “DOQON” tahay waxa suurtagal ah inaad doqon ismooddo amma aad doqommowdoba!

Magacan “Beelaha laga tirada badan yahay” waxa aad loo ga adeejiyaa Hargeysa, halka Muqdishona laga yaqaanno wax “4.5” layidhaahdo oo marmarna loo dhigo “Minority”. Horta waxa qaladba ah in dawladnimadu dadka magacyo ukala bixiso. Tan dadkeeda naanaysaha u bixinaysa sidii Maafiyada dawlad ba ma ahan ee Budhcad-dawladeed ma ugu yeedhnaa? Bishan September 11.2016 madaxtooyada Soomaaliland waxa kasoo baxay go`aanno  qodobka labaadi sidan u yaallay:

“ In dib-u-eegis iyo dib-u-qaybin lagu sameeyo Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobollada,iyadoo tixgelin wayn la siinayo deegaanada Awdal, Sool, Sanaag Bari, Dumarka iyo Dadka laga tirada badan yahay”.

Beealaha laga tirada badan yahay ee halkan lagu sheegay waa qolo wax laga leeyahay oo cid kale oo tiro badani awood u sheegaynayso. Waxa ay ugu daran tahay kolka cid xilkaaga sheeganaysaa dacaayado iyo magaco aan ahayn ka aad isu taqaanno kuula baxdo!  Ma ogi in magaca “Beelaha laga tirada badan yahay” yahay magac abtir leh sida beelaha kale, waxan se ogahay inaan beelaha Soomaalidu istarakoobin.

Haddii “Beelaha laga tirada badan yahay”loola jeedo reeraha Gabooyaha, Tumaallada iyo Yibraha waa been cad.Sababta oo ah beelahan Gabooyaha,Tumaallada iyo kuwa kaleba degmo walba oo Soomaaliyeed waa ay ku dhaqan yihiin oo ku noolyihiin,waligoodna way ku noolaayeen. Beelaha kale ee tirada badnida sheeganayaa sida beelaha Gabooye magaalo walba ma deggana,mana la soo helayo reer Soomaaliyeed oo Saylac iyo Ilaa Kismaanyo wada deggan sida Gabooyaha. Ciddan haddaba tirakoobtay waa ay xisaab badowaysey ee dib ha ugu noqoto.

Anigu waxa aan ka badin waayey inay tahay uun beenaha badan ee fakaday intii dawladdii dhexe ee Soomaalidu duntay.

Cabdixakiin M. Maxamuud “Marayare”
Email: [email protected]

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.