Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Dareen

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen

Waa Cayaarihii Olambigga 2012. Boqortooyada Midaysan ayaa marti loo yahay.

Degmada lagu qabanayaa waa Stratford, Bariga London. Dawladdu kharash malaayiin gini ah ayay gelisay, si nabad iyo habsami ay dhacdooyinka tartanku ugu qabsoomaan. Wax kale kuma garatid ee magaalo cusub ayaa meesha laga dhisay. Xilliguna waa Xagaa. Waa marka quruxdu ay magaalada London dhinac walba ka doojiso ee loo dalxiis yimaaddo. Adiguse waxaas oo dhan uma jeeddid. Waa lagaaga daran yahay oo meel kalaad ku maqan tahay.

Mo_Farah_2
Maxamed Faarax

Shaadh kasta ha xidho, calan kasta ha wato ee markaad wejigiisa ka bogatid, magaciisana akhrisatid, ayaad garataa inu Soomaali yahay. Waa MO FARAX. Orodkii 5000 mitir ayaa la isu taagay. Dhallinyaro la soo carbiyay, oo buuro iyo bannaan, qabow iyo kulayl, tababar adag ku soo qaatay ayaa goobta isugu yimid.

Marka orodka laga dhagac siiyo, ayaa wadnuhu ku fugfug leeyaa aad is tidhaa:

‘ Tolow, lambarkee ayuu geli doonaa?!’

‘ Tolow, xagguu idinku furi doonaa, oo idin dhigi?!’

Dhawr wareeg ayaa la soo maray. Waa laysku jiraa. MO ragga dambe ayuu ka dhex muuqdaa. Dunidu siday u dhammayd, garoonka hortaada iyo ragga orodka ku tartamaya ayay ku soo ururtay. Dareenkaagii halkaas ayuu isku shubay. Adduunka intiisa kale waxa ka dhacaya, inaan waxba kaa gelin ayaad u qabtaa.

800 mitirkii laysku reebayay ayaa la soo galay. Kooxdii isu soo hadhay, ayuu MO FARAX badhtanka kaga jiraa. Sidii qof maxkamad saaran oo ka sugaya in xukunkii lagu dhawaaqo, ayay neeftu kugu dhegtaa. Shaadhka MO xidhan yahay iyo meeshuu marayo ayaad indhaha iyo maankaba la raacdaa. Waad la jaanqaaddaa, adoo isu malaynaya inaad orodka wax kaga jirtid.   « Ma intaasay kaga egtahay?» Saluug ayaa si yaryar ku soo galaangala. Welise quus ma joogtid.

Wareeggii u dambeeyay – 400 mitir – ayaa tartanka ka dhiman.   Si fiican ayaa loo kala baxay.

In yaroo mintid ah mooyee, intii kale ee tirada badnayd meel cidla’ ah ayaa lagu soo dhaafay.

« Ma laga yaabaa inu kan kowaad galo oo billad dahab ah qaato?!”,  ayaa kugu dhalata, adigoo weli biciidsanaya inay taasi rumoobi karto.

MO FARAH dhawr ayuu durba gadaal mariyay. LABA fadallo cadcad oo ka kala socda Itoobiya iyo Kiiniya ayaa weli ka horreeya. Saddexdaba nolol cusub ayaa ku dhalatay. In orodku imminka u bilaabmay ayaad mooddaa. Mid waliba wuu u jeedaa inta ay guushu u jirto. Waxaan badnayn ayaa u laaban.

Itoobiyaankii ayuu MO ka soo baxay. Khadkii dhammaadka ayaa sanka ka soo galay. Si dardar ba’an ayaa MO Kiiniyaankii ugu shiday oo cagta cagta u saaray. Tallaabooyin dheemanka dunida ka qaalisan ayuu ka hor maray oo xarriiqdii u dambaysay madaxa la galay.

Sidii qof dil iyo daldalaad loo haystay, oo mar qura lagu dhawaaqay: « Kiiskaagii – dembigii laguu haystay, waa   ka-kac iyo wax-kama-jiraan! (Dismiss) ayaa neef Ilaahay ogyahay kaa soo booddaa. Kursigaad ku fadhiday ayaa lagaa dhuftaa, aad isaragtaa adoo hawada sacabtun iyo qaylo isku daraya: ‘ MO BAA BADIYAY !! ‘

Inu Ingiriis u ordayay oo billad dahab ah u soo hooyay, ayaad iska illowdaa. Adigoo keligaa fadhiya ayaad isla hadashaa ( una qabtaa dunidan kugu wiirsataa inay ku maqlayso) « Ma arkayseen wiilkii Soomaaliyeed waxa uu sameeyay!!»

Daqiiqado in lagu qiyaaso, ayaad samada dhexe, laydha guud ee macaan, shimbiraha lalaya kula leexaysataa. Maskaxduna ka yara xorowdaa magac-xumidii dalkaagu tobannaan sano adduunka kaga tilmaannaa.

DAREEN caynkaas ahi dhif ayuu, sebenkan inkaaran, ku soo maraa.

WW.Q. Siciid Jaamac Xusee
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.