Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Opinion
  • Slideshow

Dawladnimo Aan Daacad Loo Ahayn‏!

W.Q. Ibraahim M. Deeq

Muddo dheer oo qalalaase colaaddeed iyo deganaansho la’aan siyaasadeed oo baahsan ay Soomaaliya ku soo jirtey; waxaa iminka jirta dawlad aan awoodda dalka si buuxda gacanta ugu wada hayn haseyeeshee  aqoonsi buuxa caalamka ka heshay. Taas oo talo midnimo hageyso oo Soomaalinimo ku salaysan lagu sii xoojin karo, laguna meel-marin karo.

Waxa aan marnaba, qarsoomi karin daacad la’aanta ay dadkeenu ku abbaaraan ilaalinta qawaaniinta sharci iyo daryeelka dawladnimada ay u haraadan yihiin.

Waxaa maqan oo aan la’aanteed, jiritaanka qaranimo hanaqaad iyo taabbo-gal noqon karin,  dhawrista wax kasta oo dan guud ah oo ummadda ka dhexeeyey oo ay cid waliba goonideeda wax u gaar ah ka door bidayso.

Dawlad kastaa, marka ay dhalanayso cid waliba kuraasta ay ka helayso waa loo wada xusulduubaa; balse hir-gelinta nidaamka dawliga ah; fulinta awaamiirta maamul; taageeridda iyo isu-dhiibka sharciyeed intaba, waa la garab maraa oo markiiba saar qabiil oo fidmaysan iyo sunuun hunguri oo lagu solanayo ayey ummaddii dawlad la’aanta dhibka badan ka tirsanaysey la saloolataa.

Waagii kululaa ee dhibaatada badan ee colaaddaha sokeeye kilkilaasayeen, badiba duqayda Soomaaliyeed kolka ay hagardaamada iyo aafada culus ee innagu habsatay faalaynayaan, waxay hoosta ka xariiqi jireen aragti beryahaas caan baxday oo ahayd: “dawlad xumi, dawlad la’aan bay dhaantaa” . Taas oo sida muuqata lagu tilmaami karo nadariyad aqoon gaamurtey ku salaysan oo mushkiladdii waayahaas dhacday lagu soo gocday.

Haddaba, haddii wax magac dawladdeed ah oo si, raali laga wada yahay loo dhistay la helay, maxaa loogu ciyaarayaa?. Maa la dhawrto oo lagu mintido..si dawlad la’aantii lagu rafaaday ee nolosha dad badan iyo burburka hanti badan galaafatay looga magansado!. Maxaa marba, madaxweynaha iyo xukuumadda markaa joogta dadka loogu diraa ee fidmada iyo qalalaasaha loogu kiciyaa?.

Dadkani miyeysan kuwii shalay silica dawlad la’aanta ka cabanayey ahayn?. Ma hadday khaldan yihiin mise shalay bay saxnaayeen?.

Haddii wax la dhaliilayo soow in dhaliilsha cabirkeeda la le’ekaysiiyo maaha. Wixii daw darro shacabka ku ah iyo wixii gaabis masuuliyadda saaran ah ee ay dawladda markaa jirtaa la timaado, waxaa waajib culus ah in aan xukuumadda loogu sacabbin ee waxaa habboon in si nabdoon looga soo horjeesto oo loo toosiyo. Dadkuna in ay dawladdooda xumaan iyo samaan la xisaabtamaan waa xeer jira oo xalaal ku qotoma.

Saddex madaxweyne oo xiliyadan bur-burka ee bidhaanta dawladnimo la haystey, maamulka dalka isu bedeley. Mid kasta kuwa mucaaradayey marka aad la dooddo kuuma sheegayaan wax maan-gal ah oo ay dawladnimada curdanka ah u curdan dhadhinayaan. Waxa keliya ee aad diidmadooda ka fahmaysaa waa uun xumaan iyo xiqdi madaxweynaha markaas talada haya loo hayo oo cidda Illaahay ka dhaliyey lagu colaadinayo.

In aan madaxweynayaashii bur-burka, kuwii ugu tug-tugta roonaa ee wax ka tegey, la wada adeecin waa mid si muuqata u qeexan oo cid kasta oo dhacdooyinka Soomaaliya u dhuun daloosha u cad.

Cabdillaahi Yuusuf fulinta waajibkiisii laguma wada caawin ee waa tii la caariday. Sheekh Shariif gudashada masuuliyaddii saarayd laguma wada ayidin ee waa tii lagu sharaystay. Xasan Sheekha iminka xilka hayana waa loo jeedaa mawjadaha xooggan ee xukunkiisa diiddan.

Raggaas iyo maamulladoodu, dhaliilo ha iska jireene, wax la arko oo ay qabteen ayaa muuqda. Haddii inta badani, garab geli lahaydna wax ka sii badan baa u qabsoomi lahaa. Laakiin carrab iyo ficil weecsan oo saxariir aynu isa sudhnay ah sida looga samata baxaa, wax sahlan ma aha!.

“Hebel waa hoggaamiye dawladnimadii la helay haybtiisa ka hiraabiyey oo waa dawlad reer hebel ka haqab beeleen. Meesha waxba ma jiraan oo lagu kala huleel”. Mid hadhsan waayey oo dhibaatada dawlad la’aantu luuf-luufisay, ayaa isagoo afmiinshaaraya hadalladaas meel walba la taagan. Bal muxuu helayaa haddii lagu kala tago?

“Hebel waxba ma hoggaamin karo oo hawshaba ehel uma aha. Dunidu taageeradii way kala hadhay”. Bal haddii ay wax waliba hallaabaan muxuu isagu ka helayaa?

Maxay haddaba, dadkeennu ka dheefaan in ay ku hamiyaan fashil dawlad Soomaaliyeed ku yimaadda?. Ma waxay ku qanacsan yihiin in ay weligood mugdi iyo jaah wareer ay is maamul la’aani keentay–ummaddu ku jirto oo sidaas jiritaanka Soomaalinimo ku dhaawacmo!.

Cidina siyaasad qabiil iyo maamul cunsuriyad iyo caadifad jaban ku dhisan horumar guud iyo higsi qaranimo kuma taabi karto. Balse kala qaybsanaan, cududda Soomaalinimo kala dhambasha iyo in la kala yohoomo ayey inoo tabcaysaa.

Mar qudha oo maamul inoo dhashay aynu taageeradiisa iyo taabba gelintiisa isugu tagno ayeynu guul qaranimo iyo nolol sacaado leh oo aynu ubadkeena dhaxal siino ku haleeli karnaa. Mar keli ah oo aynu diidmo qayaxan danaha liita ee qabaliga ka amar qaata ku hor gooyno ayaa dariiq ka mid ah waddooyinka guusha iyo horumar nabadeed inoo soo dhoweyn kara.

Dookha qaabka daran ee dib-u-dhaca dadkiisa dhaxalsiiya, waynu ku daaley oo dan-darro iyo inaga oo is-duudsina buu inoo dhalay ee soow in aynu diidno oo afkaar heer Soomaalinimo waafaqsan oo aayatiin wacan horseed u ah malookayno maaha?

Wax kasta oo heer ummadnimo inooga khaldan shaki kuma jiro in, habka aynu u fekeraynaa lug weyn ku leeyahay. Sidaa awgeed, hannaanka aynu u fekereynaa haddii uu khalad joogta ah inoo horseedayo soow in aynu beddelno oo qaabab kale ku dayno maaha?.

Sida runtu tahay, innaga oo aan jiritaanka dawladnimo dhaawacayn, ayaan cid kasta oo khaldan sixi karnaa. Dhirif la’aan ayaan dhabbada toosan ee cad maamulkii ka leexda ku soo duwi karnaa.

Wax dumin oo qudha talo meel mar ah laguma gaadho ee wax tusaalayn iyo turxaan bixin baa wanaagga lagu tilmaansadaa oo nidaam qaran lagu toosiyaa.  Maxaynu haddaba, tashiga midka ugu halaagan ee u cidhib xun ugu sii indho adag nahay?.

Bal dhugo inta dumiye aan dan kale oo uu door bidayo hayn ee wixii dhismaba Dubbe culus oo aan waxba cayminayn la dul taagan!. Bal eeg inta wabiin, wadaad sheeganaya ee dab iyo holac dalka iyo dadka la daba taagan. Goor walba-na dhaqan maan gaabnimo, ummadda u horseedaya ee weliba dadkii jiif iyo joogba u diidey.

Xummaan aayeheena u daran inta aynu had iyo goor ka talinayno oo hoosiis hadh moodayno, waxaa dhab ah in aynaan ummad jirta oo qaramada jira la jaan qaadda, noqon karin.

Soo af-meeraye, nuxuusta is colaadintu waa nuqdo, cuqdad xun oo liidata ka uuman oo in ay niyadda dadka kala disho oo wixii horumar u keenaya ka naafayso u taagan. Dadkuna in ay naruuro nololeed iyo nabad-waarta ku naaloodaan nabaad guurisa oo u daran.

Nabad ku wada noolaanshuhuna, waa nidaam aan wax nuqsaan ah lahayn oo ummadaha dawladnimo nool iyo naq doog leh oo nafta lagula eerto iyo horumar lagu negaado u horseeda.

Ilaysku waa iftiin inoo daaran oo mugdi himse-himse ah oo hankeena iyo horumarkeena u daran aynaan ku doorsan karin.

W.Q. Ibrahim M Deeq
Boston MA
[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.