Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Degi Waaye Reerkuye Maxaa Loogu Dawgalay?

W.Q. Axmad S. Aw Muuse

Garaadka Rabbi aadanaha ku mannaystay, waxtar kasta ha lahaadee, ma aha mid ku filan in xilli walba lagaga gudbo mashaqooyinka nolosha haddii aanu saddex arrimood mid ku tiirsanayn: Shareecada qabyada tiran ee Rabbi soo dejiyey, aqoonteeduse inaku gaaban tahay in badanna aynnu garab marno, xeer dhaqameed guun ah ama dastuur la lafaguray ee heshiis lagu yahay. Male’awaalka, dadka qofba tiisu la qumman tahay, wax ku ool ma aha kolka lagu hawllanyahay dhisme dawlad macne leh iyo daryeel qaran dumay ururintiisa.

Xiiqda, tawaawaca iyo qaylada maanta loogu jiro abaabulka dawlad goboleedyada ayaa waxay muujinayaan, aragtidayda, dhiillo la sii kala xiriir furanayo ee aad mooddo in tuulo waliba rabto in ay iskeeda dawlad u ahaato, madaxweyne iyo calan u gaar ahna yeelato, iyo tiro lala amankaago ee wasiirro lagu magacaabo. Dawladnimo magac keliya kuma hanaqaaddo, innaguse malaha sidaas beynnu damacnay.

Kalsoonida shacabka waxa lagu hantaa waa sharci aan lahayn la-jiifshaana bannaan, iyo maamul adeege ah ee hufnaantiisu muuqato, kuna xadgubin hantida ummadda iyo xeerka garsoorka. Waxaa xusid mudan, sagaalkii sano ee dawladihii rayadka ahaa (1960-1969) waxaa loogu dawgalay oo cod dheer lagu eedayn jirey eex mug weyn iyo musuqmaasuq, waxayna ku magacweynaayeen in ay ahaayeen dimoqaraaddi. Ood rogashadii waxay noqotay ciiddamadu in ay majaraha xukunka cudud kula wareegaan, caalamkana mar labaad u sheegaan in Soomaaliya tahay dimoqaraaddiyad hanti-wadaag ku dhisan; shacabkuna wuxuu dhacdadaas ku soo dhoweeyey xiiso, xamaasad iyo taageero xad dhaaf ah.

Sagaal iyo labaatankaas sano ayey ku kooban tahay dhismaha dawlad iyo qaran Soomaliyeed oo dhab ahaan isku-xiran iyo waaya-aragnimada aan u leenahay maamul dimoqaraaddi la inoogu sheegay. Si kasta ha u kala macne iyo muuqaal duwanaadeene, ugu dambayntii gabbalku wuxuu ugu dhacay burbur.

Waxaan qabaa qaranka dumey iyo leeleelka Soomaalida ragaadiyey ee la cillad-bixin waayey, siday rabaan iyagu ha u qaybsadeene, waxay goonni ku tahay nin walba ee lagu tilmaamo inuu yahay siyaasi, (janan iyo gaashaanle raalli ha ahaadeene!) iyo mid isagu iskiis isu-caleemo saaray oo aan waxba doorin daydayga, garaadkiisu ku eg yahay beel si gaar ah loogu doodo, iyo hal-abuurrada rasan ‘hilbo-qaybsi’, ee maamul iyo siyaasadba u ekaysiiyey kawaanka raqda xoolaha lagu qalo!

Waxaa iyaduna in la tilmaamo mudan kuwa aqoon kororsiga waxbarashada ugu raagey ee qaarkood jaamacado macne iyo magac leh barayaal ka yihiin ama ka ahaayeen dalkana ku sugan ee, siday ila tahay, ka gaabiyey in ay si wadajir ah iyo garaad midaysan ku horseedaan tubta saxa ah, si dadka iyo dalkuba u yeeshaan maamul ka samatabixiya jaahawareerka. Ma mooggani in eeyan hawl fudud ahayn, luggooyo badan iyo dhagar maldahan ee cid waliba dan gaar ah ku ilaashaneysona ku dhexjiraan arrimaha Soomaaliya; yeelkadeede waa lama huraan aqoonta dhabta ah (ka hadlimayo aqoonyahannada mintidka ah) ee mutacallinka Soomaaliga ah in uu noqdo mid loo aayi karo, waxaanna ku rajo weynahay haddey iyagu bahoobaan, in ay helayaan dad badan oo hiil u muujiya dan gaar ahna lahayn.

Riyadii Doorashada 2016 (ee hadda laga dan baxay)

Si malaha loo meelmariyo habka ugub ee Federaalka qabyada ah, ayaa labadii sano ee ina gudbey waxaa la hadal hayaa abaabul axsaab siyaasadeed iyo doorashooyin la rajaynayey in ay xalaal iyo dimoqaraaddi noqdaan ama loo ekaysiiyo. Ma yahay damac la meel marin karo? Maxayse kaga duwanaan doonaan doorashooyinkii la’ye dimoqaraaddi xalaal ah bey ahaayeen intaan qaranku dumin, ee inaku dambaysiiyey qax soohdin walba iyo badaha la dardaro. Anigoo soo koobaya, waxay ila tahay:

1- Sooyaalka “hayb” sheegashada Soomaalidu ma ahayn mana aha wax la qoonsado oo huwan xumaan iyo ujeeddo la sharaysto ee waxay ka mid ahayd tixgelinta, xogta iyo war-kala-qaadashada iyo is-barashada sida martida soo hoyata, barashada baadidoonka iyo socotada, xogta maddada ceelka xilliga jiilaalka, wardoonka roobka iyo daaqa, haasawaha iyo guur dayashada, isu-baadi guurka xilliga roob-waaga ee noloshu adkaato ee daaqsatadu degaan durugsan u gudbaan iyagoon welwel iyo baqdin midna qabin. Beenta, eexda iyo godobta geedka, garta waayeelka oo lagu gacan sayro, martida laga seexdo, dumarka la qadfo….dhammaan waxay ahaayeen wax laga ufoodo reer walibana, aalaaba, ka fogaado in lagu naanayso, ninkii lagu helona awrka gurgur laga gawraco. Hannaankii iyo xarragadii xeerarkaa waxaa laf-dhabarta ka jebiyey colaaddi doqonninada ee qabqablayaasha dagaalka, lagamana quusan karo ee waxaa ina hurran in dib loo dhayo lana kabo.

2- Si kasta ha u kala hanti badnaadeene, xoola raacatadu waxay ahaayeen welina yihiin dad ku filan maaraynta noloshooda, ahna laf-dhabatrta dhaqaalaha dalku ku naalloodo ee la mahadiyo. In la loodin waayo qabkooda xornimo ee shisheyihii ina qabsaday ku guul darraysto in Soomaalida la gumeeyo ee la dhalan rogo waxaa sabab u ahaa hantida xoolaha iyo isku filnaanshaha Rabbi ku mannaystay.

3- Gaatin socodka raacatadu ku soo galeen magaalada wuxuu ku abuurmay shaqo askari iyo adeege, taas oo horseedday xiriirkii ugu horreeyey ee af qalaad u dhega nuglaantiisa lagu dallaco. Haddaynu dib wax u eegno, maadaama eeyan jirin waxbarasho taxane ah xilligii la inoo talinayey, way ku adkayd waayeelkii xornimo doonka ahaa in la oddoroso mashaqada ka imaan karta is-waafajinta daryeelka xorriyadda qofka, xeerka dimoqaraaddiyadda oggolaanayey ururro ama axsaab aan tiradoodu xadaysnayn iyo xeerka qaab nololeedka bulshada raacatada u badan ee qudhiisu lahaa astaamo dawladnimo reer miyi. Dastuurkii la anssixiyey maalintii xorriyadda kana koobnaa 105 qodob, ayaa u ekaa mid loogu talagalay shacab dareen qarannimo oo dhammays ah gaarey, u bisil inuu wax ku doorto, wax ku qiimeeyo garaadka iyo aragtida siyaasadeed ee xisbiyadu ku kala tagsan yihiin markay fagaarayaasha ku soo bandhigayaan ballan qaadyadooda ay ula fal geelayaan una maaraynayaan arrimaha horumarinta dalka iyo tubta ay la marayaan oo dhab ahaantii ah macnaha doorashada loo qabto. Intaan xoola raacatada geeddi iyo hawl ujoogga ahba la gaarin, maba jirin axsaab ku hawllan, wax kaleba daayo, bal in ay muujiyaan sababta ay xisbi u yihiin.

Gunaanad:

Aadanuhu uma hoggaansamo lagumana muquunin karo, jajuub iyo xoog mooyee, wixii garaadkiisu ka biyo diido. Dimoqaraaddiyadda aan xuduudda lahayn ee reer galbeedku sida joogtada ah u hadal hayaan ma aha miro duuduub lagu leqi karo. Garaadka Soomaalidu sabool kama aha xeerka habsami-ku-wada-noolaashaha iyo xogogaalnimada dhibaatada xadgudubka. Waxaynu u baahannahay sharci xanaf leh ee teed adag kala dhex dhiga maamulka iyo haybta ina ku gaamurtey, xoog u darban ka hortagga shaqaaqooyinka iyo ilaalinta nabadda, iyo waayeel dhaqameedka oo doorkoodii hore ka qaata, iskana ururiya xogta shaqo maalmeedka xafiisyada, haddaan loo baahan.

Taa haddi lagu guuleysto wax kale ee aynnu hadba qolo kaga dayanno uma baahi qabi donno, Alle idanki, waayo waxynnu leennahay diin ina ku filan oo mudan in sida ay tahay loo barto lagana daayo jabhadaynta, iyo dhaqan hufan una baahan in la dabaqabto. Waxaa shardi ah keliya in la helo niyadsami iyo kalsooni wixii ba’sama la toosin karo. In aynnu taa ku meel mari karno, waxaan faallaheeda u deynayaa akhristaha.

Axmad S. Aw Muuse
Email: garmaal09@gmail.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.