Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

DIILLINTA DHIMASHADA (Q.2AAD)!

W/Q Cabdixakiin M. Maxamuud “Marayare”

Weli waxan ordayaa diillinta dhimashada ee magaalada Muqdisho!  Shan bilood iyo dharaaro dhankayga uga dhigmaya shan sannadood iyo dheeraad baa laga joogaa ayaantii layga soo afduubtay Isgooyska Dabka. Handadaad,jidhdil iyo ciqaabo kale ayaa joogto ii ahaa muddodii aan halkan ku sugnaa.

Waxa laygu qasbayaa dhimasho aanan iminka diyaar u ahayn! Waxyaalaha hareerahayga ka socda iyo sida wax loo wado oo dhammi waxa ay igu dirqinayaa inaan xaaladdan kamid noqdo oo aanan lahayn doorosho kale!

Waxa maalin badhkeed layga warsan jirey, cid inaan ka aqaanno shaqaalaha Dawladda, Ciidan, Suxufiyiin iyo shaqaale kale oo hay`adaha Qaranka ka tirsan.

Magacyadooda, taswiirtooda iyo wixii kale ee la xidhiidha inta lay tusiyo ayaa lagu amraa inaan faahfaahiyo. Tilifoonkooda iyo goobaha hoygoodu ku yaalliin ayaa iyaguna kamid ah macluumaadka la rabo.

Ma ahan wax layga baryayo inaan war bixiyo, ee waa amar.maalin dhaweydna waanigii iilka agtiisa fadhiyey ee inta banbooyin laygu rakibay, baabuurna lagu riday si aan usoo tuso Mujaahidiinta guryo iyo xafiisyo la danaynayey.

Waxa lay faray haddaan juuq idhaahdo inaan jidhkayga xinjiri ka hadhayn!

Waxaan marnay anigoo dabaysan oo gaadhi nooca raaxada ah gudaha ugu jira, goobo badan oo magaalada Muqdisho kamid ah. Waxa kaliya oo ii furnaa indhahayga iyo afkayga, si aan tilmaan u bixin karo. Jidhkayga intiisa kale waxa ku xidhnaa agabka qarxa.

Lugaha iyo gacmahana waxa iiga giijisnaa katiinado bir ka samaysan, oo aad ii dhibtay! Lix saacadood oo aan iilka fadhiyey ayey ahayd. Waxa lay baray amma iskay baray dad aannu muddo ismoogayn oo aannu wada shaqayn jirrey, oo iyagana lagu qasbay sidayda inay dhabbada geerida ordaan! Taasi waxa ay iga yeeshay xitaa haddii aan halkan ka baxsado, inaanan hubin inaan geerida ka baxsaday iyo inaan u baxsaday dhankeeda!

Daqiiqaddii kaste oo wakhtiga aan joogo kamid ahi waa ii cabsi. Sanqadhii walba ee aan maqlaana waxa ay iiga dhigan tahay Qarax! Waxa aan afkooda ka maqlo iyo inta guriga iiga muuqataaba waa qarax, dhimasho iyo cadaab!

Gurigani waa hoog iyo kadeed, dadka joogo oo dhammina waxa ay ka shaqeeyaan sida dadka loo hoojiyo! Argagax awgii naftu ilbidhiqsi kaste waxa ay usii nuglaanaysaa mugdiga cabsida badan ee lagu qasbayo inaan ku oroddo.

Halkan waxa si taxane ah laygu meeriyaa duruus walbahaar, geeri iyo halaag miidhan ah oo ku aaddan waxa naftaydan yar lala damacsan yahay. Siyaalaha qof nool loogu dulleeyo geerida ayaa hortayda sidii filimka laga daraa, deetana anigoon seexan baan sasaa, oo qayliyaa. Kolkaas baa haddana jidhdil laygu aamusiiyaa!

Jidh dilku waa nuglayn iyo bahdilaad qofku kolka uu cusub yahay uu kala kulmo Mujaahidiinta halkan joogta. Waxaa se hanuuninta kale dadka aragtiyahooda lagu dooriyo kamid ah fadwooyin la diimeeyey, oo qofku dad, dawlad duniba nacayo. Waa fadwooyin abaabulan oo sidii dabinka qofku ku dhacayo!

Al Shabab

Ciidammada shisheeye ee magaalada Muqdisho jooga iyo dawladaha Kenya, Israa`iil iyo Denmark ayaa aad looga faalloodaa khataraha ay dhulkeenna ku hayaan amma la damacsan yihiin.Waa muuqaallo Afcarbeed ah oo qofka si-araggiisa geddinaya. Illaa uu gaadho heerka la doonayo oo ah in qofku si kaste oo uu dunidan kaga tagaa aanay macno la samaynayn! Ubu Cubeyd,waa ninka gurigan Cadaabta ah ugu sarreeya.Waa nin dheer oo indhacascas oo wejigiisa dhiig ka muuqdo. Shantaa bilood iyo dheeraadkaa aan meeshan ku jirey, afar jeer buu hortayda yimid isagoo wata dad masaakiin ah, taswiirtooda iyo magacyadooda. Inuu qasho ayuu rabey.

Lugtayda bidix oo nabarro caabuqay ixanuujinayeen buu iiga istaagay, deetana indhihiisa cascas buu igu soo ganay sida gammuunno afaysan. Hal su`aal buu I weydiiyey: dadkan waad garanaysaa sow ma ahan,waxa ay qabtaan iyo halka ay joogaan?
Anna dadkaas oo aan qaarkood si wanaagsan u garanayo, waxa ii darnaa inuu lugtayda ka dhaqaaqo. Haa.. haa ayaan ugu jawaabey. Deetana kuwo I dul tumnaa ayuu canaantay! Axmed Diini, oo aanan xasuusan karin xilli iigu dambeysey ayaa isna kamid ah dhawr qof oo aan u qaadan waayey inaan halkan ku arko. Axmed Diini waxa uu ka xamaalan jirey magaalada Muqdisho oo uu Bakhaar raashinka gada ku haystay.

Halkan waxa loo ga yaqaannaa Mujaahid Abu Muxsin. Si walba waanu isku garanaynaa oo mar waa Seeddigay oo Ooridayda Ilma adeer ayay yihiin, markalena isku xaafad baanu ku wada kacaanay. Si wacan uma ogi shaqada uu halkan ka qabto. Shiikh Cali,isna waxu ahaa Macallin Dugsi Quraanka carruurta bara. Waxa laga soo qafaashay Masaajidka xaafaddeenna oo uu Kutub ka meerin jirey. Halkan buu iminka isna ka hawl galaa.

Waxa iyana jira ciidamo, shaqaale dawladeed iyo dadka kale oo dhammaantood halkan ka shaqeeya oo fududdeeya waxyaalaha la qabanayo ee geerid ah. Weli waxan ordayaa Diillinta Dhimashada!

W/Q Cabdixakiin M. Maxamuud “Marayare”
Email:[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.