Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Radio Wardheer
  • Warar

Dr Baadiyow”dowlada Soomaaliya waxay ka carootay inaan la kulmo Shiikh Shariif”

Dr Cabdiraxmaan Macalim C/llahi Baadiyow oo ka mid ahaa siyaasiyiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif ku booqday magaalada Kampala ayaa waxaa uu ka warbixiyay safarkii ay ku tageen Uganda iyo waxyaabihii uu ku saabsanaa.

Baadiyow ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay sida uu sheegay Prof,Cali Maxamed Geedi iyo C/wahab Ugaas Khaliif oo labaduna xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii KMG ee Soomaaliya soo maray iyo xubno kale oo siyaasiyiin ah.

Dr Baadiyow ayaa sheegay in magaalada Kampala ay u tageen in ay salaan sharafeed gaarsiiyaan madaxweynhii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo dalka Mareykanka ka yimid xilligana ku sugan magaaalada Kampala.

C/raxman Macalim ayaa ku eedeeyay xubno ka mid ah maamulka dalka ka jira in ay siyaasadeeyeen oo ay ka badbadiyeen booqashadii Shiikh Shariif ay ugu tageen Uganda, taas oo salaan un ku koobneyd sida uu sheegay.

“Waxaan u tagnay Kampala inaan soo salaano Shiikh Shariif oo ah shaqsi ku weyn umadda Soomaaliyeed lakiin waxaan been abuur iyo mas’uuliyad xumo ku tilmaamayaa in siyaasiyiinta qaar ay booqashadeena u micneeyaan sameynta isbaheysi siyaasadeed oo dowlada kasoo horjeeda”waxaa yiri Baadiyow

Dr C/raxamaan ayaa sheegay in Shiikh Shariif aysan ka wada hadlin wax la xiriira qorshe lagu mucaaradayo dowlada Soomaaliya ama arrimo quseeya siyaasadda dalka guud ahaan.

“Waxaan la yaabanahay in dowlada Soomaaliya ay ka xumaato in siyaasiyiin ay booqadaan Shiikh Shariif, waa siyaasad qaldan oo dhalin karta kala fogaansho in siyaasiyiin caan ah laga been abuuro” waxaa Jowhar u sheegay Baadiyow

Mudane C/raxmaan ayaa qeexay in isaga iyo siyaasiyiin kale ay marar badan dowlada federaalka siiyeen talooyin badan balse madaxda dalka aysan dhag jalaq u siinin,waxaase uu cadeeyay in wali ay diyaar u yihiin in dowlada ay talooyin kale siiyaan si ay ugu guuleysato maamulka dalka.

Siyaasigan ayaa waxaa uu siweyn u dhaliilay dadka qaar oo uu sheegay in qaab qabiil ay kaga soo horjeedaan ama ay u difaacaan dowlada, taas oo uu nasiib darro ku tilmaamay.

“Arrinta la xiriirta kicinta qabyaalada waa sababihii dalkeena dagaal qabiileedka ka abuuray, ma haboono in qaab qabiil lagu difaaco dowlada ama looga soo hojeesto,ceebna maahan in dowlada ay mucaarad yeelato”C/rambaan Macalin ayaa markale yiri

“waa laga soo horjesan karaa dowlada waana la noqon karaa mucaarad iyadoo anan hub la qaadanin oo aan shacabka la dilin,waa loo baahanyahay mucaarad iyo muxaafid” sidaas ayuu ku dhawaaqay Baadiyow

Ugu dambeyntii Baadiyow ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalada sokeeye ee marar badan ka dhacay Jubbooyinka gaar ahaan Kismaayo isgaoona qabiilada dega Jubbooyinka ugu baaqay in khilaafkoda siyaasadeed ay wada hadal ku dhameeyaan.

Hadalkan Dr C/raxman ayaa kusoo aadaya xilli qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo warbaahinta dalka ay faafiyeen in xubno uu isaga ka mid yahay ay Uganda u tageen sidii Shiikh Shariif Shiikh Axmed ay ugu kaashan lahaayeen sameynta dallad weyn oo lagu mucaaradayo dowlada federaala ee Soomaaliya.

Wardheernews.com


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.