Sunday, May 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Maqaallo.
  • Opinion
  • Slideshow

Eeddo ninka inanta iga guursaday waa noocaas maaska ah!

Dadku waxay kala leeyihiin midabbo, muuqaallo, mabaadi’ iyo mawaaqif lagu kala sooco. Nin walbana waxaa la gartaa waxa uu xambaarsan yahay ee ah diin, dhaqan, afkaar iwm, halkaas ayaana loogu soo hagaagaa. Iyadoo ay sidaas tahay ayaa haddana waxaa jira dad aan lahayn midab iyo dhadhan loogu soo hagaago midna ee maalin walba xidha shaatiga suuqa yaal ama nin walba la qaata midabka iyo muuqaalka uu leeyahay sida jirjirroolihii.

Tilmaanta noocaan ah waxay tusisaa xumaan iyo liidnimo qarsoon oo lagu dado hadba dahaarkii ama daboolkii la is leeyahay kanaa qarin kara. Xumaantaas waxay noqon kadhaa tan u liidata oo ah munaafiqnimo oo ah inuu qofku mabda’ gaalnimo ah qalbiga ku haysto, islaamnimana muujisto. Waxay kale oo noqon kadhaa shakhsiyad xumo ku keenaysa inuu cid walba u nacamleeyo ama waxay kaloo noqon kadhaa hunguri aan wax xukumi kara jirin wuxuu liqayo maahee amaba fulaynimo naftu ka bixi rabto oo meeshii mawd ama asbaabtiisu ka dhawdahayba uu nacam iyo isu ekeysiin isaga gudbayo.

Hooyo Soomaaliyeed oo la weydiiyey da’da ninka gabadheeda guursaday, waxay ku jawaabtay, “eeddo waa noocaas maaska ah!“. Waxay ka wadaa waa garmaleyte malaasan oo wada siman sida haragga maaska ah, una muuqda inuu da’ walba la fil yahay!.

Ninkaan waxa soddohdii ku sheegayso isagu eed kuma laha oo waa abuur Ilaahay laakiin waxaa jira rag badan oo xagga mabaadi’da iyo afkaarta maas ka ah oo la mooddo inuu qolo walba la diin yahay ama la tol yahay!.

Ninka maaska ah hal qolo kama soo boxo ee wuxuu noqon karaa siyaasi, maalqabeen, aqoonyahan, sheekh, oday-dhaqameed, sarkaal, xaawaley ama dhallinyaro. Wuxuu noqon karaa reer miyi ama reer magaal, waana cudur cid walba gala ee ha laga wada digtoonaado.

Ninka maaska ah haddii uu munaafiqnimo ka badbaado oo hunguri xumo iyo fulaynimo ka fakado, waxaanu ka fakanayn inuu yahay nin shakhsiyad liita oo xataa haddii uu niyad ahaan fiicanyahay aan wax weyn lagu halaysan karin; waayo ninka qoladii uu la kulmaba NACAM oranaya ma aha nin isbadal iyo horumar keeni kara ama xaq meel marin kara ama baadil hor istaagi kara ee ragow jirjirroolaha garna-maxajiyaha ah yaan lagu dagmin, isaguna ha isdabaqabto.

W.Q. Sh. Axmed C/samad
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.