Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

GAALKACYO XAGGEE LAGU WADAA?

W/Q Cabdixakiin M. Maxamuud “Marayare”

“Gaalkacayo nabad may tabteen lamana guureene
Ganac-buur dan kala riixda oo aan dhibtuna gaadhin
Oo aan gurbood ganacsi iyo guri ka ool meesha
Oo ruux la gawraco u yahay gool shir lagu sooray
Ayaa gadaya dhiiggeeda oo gudinta soofeeya
Bulshaduna garaad kama koraan lamana siin gacane
Gurmad fidiya ways gabawartoo go’e raggeediiye”.   
Ha’labuur Cabdirisaaq Hero

Abdiwali and Abdikarim
Cabdikarim (bidix), Cabdiwali, Cumar iyo Axmed Madoobe

Magaalada Gaalkacyo ee badhtamaha Soomaaliya beryahan waxa laga soo sheegayaa warar colaadeed.Kolka laga yimaaddo magacyada Puntland iyo Galmudug ee aan maqalno,dirirtu waxa ay u dhaxaysaa reero Soomaaliyeed oo weligood ooshaas ku dhaqnaa. Dabka cidda ku gubanaysa ma ahan kuwa magacyada badan sheegta ee madaxweyne, wasiir iyo Isim amma Suldaan,haddii kale way heshiin lahaayeen iyagu.

Gaalkacyo waa Magaalada keliya ee Soomaaliyeed ee Dagaalladii Ahliga ahaa weli ka jiraan,waana Magaalada keliya ee taas awgeed qaybsan intaan anigu ogahay. Qaybsanaanta Gaalkacyo waa xarriiqa colaaddeedu ka bilaabmo, ilaa ay ku fogaanayso moolalka Garoowe iyo Cadaado oo ah meelo aan kheyr u lahayn Gaalkacyo.

Dad badan baa siyaalo kala duduwan uga hadlayey arrinta Gaalkacyo. Kuwo hadalladooda laga garan karayo inay furummaha dagaalka ka yimaaddeen baa nabad ku afgobaadsanaya. Sidaas baan loo garan karin ciddan nabadda diiddan ee daaha dabadeeda joogta. Afar iyo labaatankii bishan Oktoobar waxa magaalada Boosaaso warfidiyeenka kula hadlay Cabdiweli Gaas. Cabdiwali mas’uul Gaalkacyo danteeda ka hadlaya umuu san eekayn ee hawadiisa iyo nin dad uu isagu garanayo maagaya, ayuu aniga iila muuqday.

Siyaasigu wax uu dhab u ogyahay haddii ay dhibaato ka dhalanayso wuu qariyaa, taas lidkeeda Cabdiweli Gaas waxu abuurayey xaalad kale oo ka korraysa tan Gaalkacyo oo ah in Xamar dagaalka laga wado, taas awgeedna aan waxba lagu darsan karin niman ku dilaya!

Si kale haddii loo yidhaahdo Cabdiweli Gaas waxa uu rabaa inuu dagaalka Gaalkacyo ka dhigo Daarood iyo Hawiye isdilaya. Dhab ahaantiina qof isyeelyeelaya ma ahane cidwaliba xalka iyo nabadda Gaalgacyo waa garan karaysaa inaanay ahayn in loo arko Hawiye iyo Daarood isdilaya.

Haddii Garoowe iyo Xamar dawladnimo dhab ahi u curato Cabdiweli Gaas, Cabdikariin Guuleed iyo Madaxweyneyaasha qoota qootada ah oo dhammi dibadihii ay kolkii horeba ka yimaaddeen bay ku noqonayaan, sidaas awgeed waa fariiddo aan nacasyo ahayn oo bariiskooda dhacsanaya. Xasan Shiikh waa Madaxweynaha  Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya dadka masaakiinta ah ee uu Kitaabka Alle ugu dhaartay ee Gaalkacyo ku le`anaya miyaanau ogayn?

Meeyee culumadii diinta iyo odayaashii dhaqanku?

Gaalkacyo xaggee lagu wadaa?

Cabdixakiin M. Maxamuud “Marayare”
Email:[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.