Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Maqaallo.
  • Opinion
  • Slideshow

Gartay (Maanso)

W.T. Faarax Cali Gammuute

‘Show madax dadoo kuu muuqda iyo Mindi saawiraa marar badan ku hoda’; ayaan xusuusta ku keenay.Tuducuna, haddaan sii candhabo, maanso aanan markan meel ku ogayn ayuu ka tirsanaa. Haabkaba, ku maan hayn. Markase wax laguu sheegaad, wax garataa, oo afka iyo uurkaa is oge, nin ayay arrini si ugu dhuumatay. Fartaa loogu goday. Isna dib ayuu isugu noqday. Hoos buu u sii dayay. Wuu ka garaabay.”Taaba i dheh”: ayuu ku garwaaqsaday. Halqabsi laga reebay ayay noqotay. Nin kalana waxaa laga hayaa: “May tidhida, ayaan uga goleeyahay”. Anna wayga sidaaye, maansadu waxay tidhi:

Goodkaa intuu nabar kuu gilgilo
Gumarlaha mariid kugu gaaciyoo
Galacdana ku dayma guhaadiyee

Diinkaa gadiid iyo waa galaba
Galaxyada ransiga ula gaafanoo
Goor iyo ka goor geeraarayoo
Geelana gabnada guja maal taqaan
Gablantada gacmaa kuma gororiyee
Gololada mullaax is gadhoodhisiyo
Madi goba madiix gaalgaalayoo
Gocayada la hoos gala gaawahoo
Gallad iyo ganuun ka gufaaciyoo
Gaydhana morkaha gaashaynayoo
Gabbalaha galdhiidhi galaalayoo
Isha gacal gurbood ku gardaadiyee

Galawgaa hawada ka min guuriyoo
Gooraan la tiigsada goonyahoo
Gabal dumay garrida ka gariiriyee

Far la goday ayaa gaagaabsatoo
Nin ku gawdhinoo kaa mudi goggaa
Waji gibil madow kuu laba guntee

Gamas eegmadii u gal siibatiyo
Guruxii colaad guulguulayee
Lagu gubi dhalaankuba wuu gartaa

Gabayguna dhegtii ka gulaalanee
Goof iyo geddeedu galoof tahee
Lagu guray gufeeyaha wuu gartaa

Aarkuna gadaafo nin goorriyoo
U gundhabay gabooyaha gaadmadoo
Ku gambiyay gantoobaha wuu gartaa

Gabadhlaa gadaan iyo gadaw luloo
Hore iyo gadaal isu kala guroo
Gayi dheer ku mara gawlgawlidee

Gabashada waxaa loo raad gataa
Daman gawsa weyn oo gadaha moog
Gaadaha degmada gaafmeerayee

Gungunaafyadaa gooraaftamoo
Guugaa hawiran oon laga gayoon
Gadhabaagudhuu googoynayee

Kala gaar galool iyo gawlaladu
Oo gabi lalmada xaajada ku gigan
Wiil galalafaa wuu gabawaree

Gurgurkaan fudayd u garmaaminoo
Garawadu si dalag uma gaagaxdoo
Gadalabe bilaash uma golongolee

Godobtana gartii loo guulayee
Garbaduub xaqeeda la gees marshaa
Gocashada xusuusta ku gaaxisoo
Guntashada dhexdeeda giraamisoo
Inkastoy guyaal is gamaarisoy
Gorodana gubtaanyada hoorisoy
Hadba gelin ku weehato gaararkoy
Hadba godan gol-tiica ku waarisoy
Gooddiba ka eegato gooddiyoy
Galliyada tumaatido guurahoy
Gorof legedka gawnaxa giijisoy
Kolba goob xanuun ku garwaaqsatoy
Gaw madhan habeen gabayooxsatoy
Gudcurkana gataati gadaashataba
Ammin go’ay shinkiisana loo gimgimay
Sida goray ka oogsaday gubadda Hawd
Gashi doon la soo gola joogsatoo
Geed tegi jireenadu way gartaan

Aniguna gankaan ahay Gaanya-alif
Iyo gaadh inuu gaadh igu bedelay[1]
Gurdankiyo gabaarraha waan gartaa

W.T. Faarax Cali Gammuute

Email: [email protected]


[1] Ku xusuuso Dalaayad


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.