Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Opinion
  • Slideshow

Geeddigu Waa Xaggee?!

W.Q. Axmed Saciid Aw Muuse

Waxaan aad u xasuusnahay 24kii bishii Oktoobar 1969kii. Haweenay ku labbisan guntiino, timuhu qaawan yihiin, garbasaartiina malaha jidka kaga soo luntay ee ordaysa uguna horrayso koox dad ah. Way qaylinayeen, waxayna ka yimaadeen dhinaca Monopolio. Waxay igu dhaafeen dugsigii dhexe, xiligaas, ee ka soo horjeedey wasaaraddi tacliinta. Waxaan malaynayaa inay ahayd maalintii la qaaday bandoowgii Muqdisho lagu soo rogay habeenkii inqilaabka. Waxay jarayeen ubaxii waddada taasoo ay ku muujinayeen taageerada inqilaabka oo aan weli la sheegin hebellada hoggaaminaya, tiradooda iyo siyaasadda ay ku midoobeen dalkana kuwadi doonaan. Abaar ba’an, Xasilooni darro iyo niyadjab baahsan, ayaa dalka ka jirey. Afar sano kadib maalintaas ayaan dalka ka baxay. Kow iyo labaatan sano markay ka soo wareegtay xiligaas ayaan shaashadaha TV-yada ku arkay Muqdisho oo noqotay furin colaadeed, meel walbana ololayso iyo kumanaal haween ah oo muuqaalka iyo orodkaba u eeg gabadhii ubaxa jareysey, hase yeeshee markaan walbahaar iyo argagax qaba, carruurna xambaarsan ama qayb aqalkii kamid ah madaxa ku sida oo qaxaya.

Sawirka hore waxaan in badan la yaabay degdegga iyo sida caadifaddu qofka ugu hoggaamin karto taageerada wax aanu hubin, si uu uga gudbo ugana guulaysto waxa uu nebcaystay, kan dambena waxa uu tilmaamayaa kaydkii kooxdii dalka maamlulaysey ugu abaal gudeen shacabka, kaydkaasoo ahaa in la kala garan waayo  eedaysane tacaddi iyo jawrfal  badan gaystay iyo shacabkii lagu xadgudbey oo xaqsoorka sugayay. Loollankii labadaa waxaa lumiyey abaabulkii colaadda hayb sooca.

Dhacdo weliba waxay leedahay sabab loo aaneeyo ee hordhac u ah waayo majiraan wax adduunka iskooda iska ahaada raadraacna aan lahayn. Farsamada, damaca iyo riyada aadanaha, ayaa aasaas u ah shaqaaqooyinka badan ee maalinba meel ka aloosan, Kuwaasoo inay dabar go’aan si guudna looga nasto aanay maangal ahayn. Barakaca iyo colaaduhu waxay aalaaba leeyihiin laba weji mid uun. Ummad la muqiininaayo ee nacab shisheeye duullaan ku yahay iyo mid masiibadu gudaheeda ka qaraxdo, ee sababtu waxay doonto ha ahaatee utun iyo cadaawad mug wayni hareeyaan nabadda, wada noolaanshuhuna rajo beel u ekaado. Hurgumo mooyee macne waxku-ool ah laga dhex helimaayo in lagu mashquulo qaraxii 1990kii horseeday colaad ugub ah ee baahsan, una ekayd mid dareenka Soomaalinimo lagu dabar goynaayo. Yeelkadeede boog dusha lagama dhayo ee waxaa lama huraan ah in dib loo raadraaco si qoto dheerna loo darso xididdada cuqdadda laysku hayb seegay si ummaddu uga badbaado dhiillo joogta ah iyo collaad soo noq noqota.

Dhiigga horay u daatay ka sokoow waxaad moodaa in weli miyir beelkii lagu jiro oo in badani weli u ooman yihiin collaad. Kuwaasoo aan weli dareemin dalkiiba inaynu luminay, dadkiina inta gudaha ku kala qoqoban mooyee, daafaha adduunka ku firirsan yahay waxna xeryaha qaxootiga magan u yihiin.

Shan iyo labaatan sano ayaynu ku luminay maaweelo iyo shirar laye waa dib u heshiisiin ee hadba qolo muraad lihi inoo abaabusho iyo qabqablayaal u ooman xukun, kuna gorgortama dhiigga dadka, dowladdo lagu magacaabay ku meel gaar ee meesha lagu gaaraayo shacabka Soomaaliyeed ka xog iyo war la’ yahay. Waxaa ugu dambayntii  hadda lagu dhex jiraa dowlad lagu magacaabay federaal oo ciiddamada AMISOM ku ilaaliyaan Muqdisho. Somaliland ama gobollada Waqooyi Galbeed xiligii Koonfurtu u afduubnayd dagaal oogayaashii damaca waallaa, ayay sheegeen inay gooni isu taagayaan. Ma Puntland iyo maamulka Jubba ayay dowladda Xamar ku ahaan doontaa federaal?. Waxaa ka daran riyada iyo oddoroska looma qaateenka ah ee la leeyahay 2016ka, ayaa loo gudbaayaa doorashooyin dalka ka dhaca. Dalkee? Doorasho noocee ah? Tanina waa jaangooyo malahayga lagu maaweelinaayo dowladda hawlgabka ah ee muddada ay jirtay xasarad mooyee inaba waxqabad aan ka geysan xasiloonida gobollada ku xeeran iyo dib u heshiisiinta shacabka kala irdhoobay.

Xili aduunku u kala qoqoban yahay laba awoodood laguna tartamaayo xodxodashada iyo qaybsiga waddamada taagta yar, ayaynu ku fududaanay (mise waa la inaku dhagray? ) inaynu weerarno Itoobiya. Muddo aad u yar ayaa lagu qabtay dhulka Soomalidu degto ee 220,000km baaxadiisu tahay. Awoodda ciidan iyo qabsashada ka sokow dowladdii lagu magacaabaayay Kacaanku isma waydiin dhaqaalaha xad dhaafka ah ee gacan ku haynta dalkaas iyo dhulkaasi u baahnaayeen, lamana oddorasin cawaaqibka khalkhalkii aynu gelinay isu dhelitirkii (terror balance) xoogaggii herdamaayay. Waxaynu malaha ilownay dhirbaaxadii ku dhacday Hungary 1956, iyagoo aan meelna ku duulin balse damcay inay ka hoos baxaan Midowga Sofiyeeti, iyo sidii taangiyadii Ruushku u maquuniyeen Czechoslovakia 1968kii, reer Galbeedkuna labadadaba isaga indho tireen.

Si kastaba ha ahaatee waxaynu badhtamaha u galnay kulaylkii dhabta ahaa ee dagaakii qaboobaa, waxaynuna ka dhxalnay burbur naf iyo maalba aynu ku luminay, siddeed boqol oo kun oo qaxooti ahee dhulkoodii ku nagaan waayay, go’doon siyaasadeed iyo xasilooni darro hor leh ee gudaha dalka ka abuurantay, iyadoo tuhunka cudurkii lagu heesayey ee dad bay meeli bugtaa qof weliba dareemay in meel aanu garanayn laga hayo, dadka la tilmaamaayana uu malaha ka mid yahay……. Bugtadaas oo aad loogu naaxiyey heestaa iyada ah, ayaa ahayd baan qabaa qarxiyihii la eeday ee dad, dal iyo dowladnimo isku seegeen.

Dhabar jabkii huwantii Itoobiya u soo gurmatey la heleen ciiddankii Soomaliya iyo dayacii dib u laabashadii habqanka ahayd, waxay reebeen dhaawac lama ilaawaan ah ee wiiqay haybaddii Xooggii DalkaSoomaaliya, taas oo sababtay, muddo yar kadib, inay qayb la eeday ka noqdaan dagaalkii sokeeye iyo burburka dowladdii dhexe.  Wax kale ma ahayne, ciiddanku isaga ayaa dhexdiisa horay uga burburay, kamana soo kaban gebi ahaanba guul darradii dagaalkii 1977kii ee jannanada Kuuba iyo kuwii Soofiyeetku hoggaaminayeen. Waxaa soo afjarmay dhalanteedkii howl iyo hantiwadaag, galbeedkuna dhoolatus mooyee dan kama lahayn howlgal lagu badbaadiyo Soomaaliya balse waxay dhowrayeen qalalaasaha jabhadaha ka sokow, xilliga burburka iyo herdanka ee ugu dambayntii ifafaalihiisu ka dhex muuqday dhaqdhaqaaqii Manifeesto ee 1988/89, oo laftiisu lugooyo badani ku dhex jirtay, iyo mintidka ku fara adayga xukunka.

Wxaa hubaal ah ummad weliba waxaa xasiloonideeda iyo jiritaankeedu ku xiran yahay inta caqiidadeeda, dhaqankeeda iyo xeerarkeedu u badbaado qabaan. Cudurka ina ku dhacay iyo dhibaatooyinka la xakamayn waayey waa kuwa inta badan salka ku haya dhaawaca arrintaas. Dabayaaqadii 1970kii,  ayaa waxa ina soo galay riwaayaddi hantiwadaagga cilmiga ku dhisan iyo amaaanta hebelo aynaan weligeenba maqal. Marx, Angels iyo Lenin ee heesaha iyo ammaanta lagu kor yeelayo carruurta iyo caamadu in badan ku xabeebsadeen. Maxamed Siyaadna, yeelkadiise, waa ku lifaaqnaa, 11/01/1975kii, iyadoo la ina ogaysiinayo inay tahay maalinta haweenka, ayaa la inoo akhriyey xeerka qoyska oo aan meelna ka soo gelin xeerka Soomaalida. Waxaa la ina farayey in ragga iyo dumarku dhaxalka iyo arrimaha furniinku u siman yihiin. Sacab iyo taageero ayaa lagu aqbalay marka laga reebo toban nin oo bareer uga hor yimid, kuwaas oo dil toogasho ah lagu fuliyey 19kii isla bishaas, laguna saagootiyey heestii wadaad xume yeelkadiis!.. Ayaan darro, waxa halkaa ku so af-jarmay kacdoonkii ugu horreeyey ee ka hor yimaada qooqii keligi taliska u bareeray in caddaaladda hantiwadaagga laye cilmiga ku dhisan ka maangalsan tahay xaqsoorka Rabbi!. Waxuu ahaa kacdoon si walba uga hufan in hayb iyo sumad gaar ah loo yeelo laguna badbaadin karey haybadda iyo sharafka lama taabtaanka ah ee ummadda. Ayaan darro, waxaa laga door biday in midiidin loo ahaado qooq aan xudduud lahayn ee horseeday in ummadda caqiidadeeda iyo dhaqankeeda mar lawada aaso, taas oo xataa gumeystihii bareer ugu dhiiran waayay inuu faraha gashado. Waxay ahayd astaantii unugyada burburka bilowgoodii.

Gunaanad.

Colaadaha sokeeye ma’ aha wax ugub ah, ugumana horreyno dad dhexdooda dagaal ka qarxo, waxaan se la qaadan karin colaad aan waxba la hambayn (xidid, xigto, qaraabo, haween, waayeel  iyo bir mageeydo) ee ku kooban haybsooc in dowlad lagu ahaadona la doonayo. Marka laga reebo Ruwanda ( in badan ayay kaga duwanayd soomaaliya) dagaalladii sokeeye ee waqtiyo kala duwan ka dhacay Waqooyiga Ameerika, Ruushka, Hindiya, Shiinaha, Isbeyn, Yemen, Lubnaan,  dhammaan waxay ahaayeen kuwa salka ku haya mabaadi siyaasadeed ama diineed, qolo walbana muddo ayay ku qaadatay, si kasta ha ukala dhibaato badnaadeene, dowlad la’aan iyo guul darrona lagama dhaxlin waayo ujeeddadu ma ahayn in wax la dumiyo..!

Suurta gal ma’aha  waxii asaaskoodu qaldan yahay inay iskooda u hagaagaan. Qaladku waxuu u baahan yahay cillad bixin. Waxaan qabaa sawirka aynu ka haysanno dowladnimada iyo qarannimada ay gebi ahaan yihiin dhalanteed, lamana cillda bixin karayo ilaa aynu wada aragno foolxumada sawir maskaxeedkeenu inuu yahay mid qaldan., maangalna ma’aha in qalallaasaha ina daashaday daawadiisa laga sugo waxa waayahaan dambe loogu yeero beesha caalamka iyo Qaramadda Midoobay, ee magaca mooyee, aan waxba ku midaysnayn. Dhibaatadu waa innaga. Weli ma aynaan dareemin inaynu dad ahaan u burburnay ee luminay tilmaan walba ee wanaag ah ee aynu lahayn, shisheeye badanina qoraalladooda ku xuseen. Haddaynaan garwaaqsan arintaas, haybad Soomaalinimo ee lagu faano iyo dowlad qaayo leh midna in waayahakan lagaarayo anigu ma qabo. Maskax doorsoontay hal abuur lamahadiyo ma yeelato!!. Beenta aynu heesi jirnay iyo colaaddaynu ka dhaxalnay midna waayo-aragnimo iyo garaad inoo kama kordhin marka laga reebo xeerka yaabka leh ee 4.5 iyo derajada ugubka ah ee Af-hayeenka Beesha. Iskuma heli karno in dadkana la qaybiyo dalkuna mid ahaado, kana badbaado danaha iyo damaca shisheeyaha. Waa yaab haddaba Xaggee Geeddi u nahay?!

W.Q. Axmed Saciid Aw Muuse
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.