Monday, December 18, 2017
Wardheer News
  • Featured
  • Maqaallo
  • Slideshow

GEELA: BOQORKA XOOLAHA SOOMAALIDA (Qaybta 2aad)

W.Q: Shaafici Qaasim Nuur

Shhafici Q. Nuur

Qaybtii koowaad ee qoraalkan waxa aan kaga soo hadallay wax ka mid ah jacaylkii xad-dhaafka ahaa ee Soomaalidii hore geela u qabeen iyo weliba geela ay sidaas u jeclaayeen sida uu u hawsha iyo shiidaadda badnaa. Qaybtanna waxa aan ku soo qaadan doonnaa qaar ka mid ah tilmaamaha geeljiraha oo ah ruuxa dusha u rita dhammaan hawlaha geela ee dhididka badan. Waxa kale oo aan wax ka oran doonnaa siyaabihii ugu badnaa ee qofka ama beesha reermiyiga ahi geel ku kasban jireen.

Waayahay…

GEELJIRAHA … (QAB IYO ISLAWEYNI)

Geeljiruhu wuxuu sheegtay – wuuba u qalmaaye – kaalinta uu ugu jiro qoyska reermiyiga ahi in ay la mase tahay halka uu udub-dhexaadku aqal-soomaaliga kaga jiro. Ninka geela dayaca ka ilaasha, xannaaneeya ee u xilqaba, foorigaallihiisana daallinka dugaagga iyo daallinka bini-aadamkuba kaga fiigaan maalinka uu baxo, hed iyo halgaad mid uu ku baxaba, sow qoyskaa iyada oo dharaar cad ah gabbal baas uma dhicin?!

Wuxuu naftiisa ku xejiyay hasha madiga ah ee maatida, martida iyo mudanaha loo liso taas oo maalinka la waayo gorof qallalan, gole madhan iyo gabanno yuusaya laga dhaxlo. Waxa se layaab leh inuu gefay kaalinka maguuraanka ah ee gaarida haween kaga gudboon tahay! Wuxuu yidhi:

Geerida haween
Guud la fidho iyo
Guursi laga qaad
Geeridaydana
Guryo ba’ay iyo
Gablan laga qaad
Geeridaadana
Gaawe madhan iyo
Gaajo laga qaad

Sidoo kale geeljiruhu wuxuu ku kalsoonaa in uu hayo shaqo midda ugu sharfan uguna heer sarraysa. Waxa uu liidi jiray dadyawga meheradda ka dhigtay in ay daba alluubnaadaan lo’da caws iyo biyo-kunoosha ah, taas oo manfaceedu ku siman yahay inta ay rayska raafka kula jirto. Daylo iyo garo ninkii duunyo moodana, geeljiruhu waxa uu u qabay caydh faramadow, waxaanu ka shakiyi jiray sida uu u noolyahay, gaar ahaan markii jiilaal barraahsado ee wax jidiinka la mariyaaba gabaabsiyo. Isagoo arrinkaa ka hadlaya waatuu ninka geeljiraha ahi ku heesay:

Anoo Suub iyo
Soobir maalaan
Seexan waayee
Sac nin maaliyo
Sagaaraystiyo
Sabool adhi lihi
Sebaankii dheer
See u nool yahay?!

Seyid-Maxamed Cabdille Xasan oo halgankiisii Daraawiisheed geela farallaab uga dhigtay, ayaa isna meesigan aad u ammaanay. Heesta qudha ee naga soo gaadhay ayuu Seyidku ku tilmaamayaa geelu inuu yahay boqorka xoolaha, lo’dana manfac laga helo iska dhaafe, in ay ilmaheeda harraatido markii seben xumaado. Adhina hadalkiisa daa! Wuxu yidhi Seyid-Maxamed:

Adhi gun baa dhaqata oo
Garo naf laga waa
Hadduu seben gadiidsado
*** **** ***
Giirna miis ma lahoo
Gidir ilmihi diid
Haddaan gunno la siinayn
*** *** ***
Gooha reen badaneey
Goor xun dararaay
Hal baan abid gabloolayn
*** *** ***
Guri bilaay geri la moodyeey
Illeen waa gob xoolaad

GEELJIRAHA IYO SALAADDA

Wax ugu wacanba, geeljiruhu salaadda ma daryeelo umana dedaalo. Xanta ugu weyn ee arlada xushay, waxna ka jiraani, waa in geeljiraha iyo salaaddu isla liitaan. Ma qallafsanaan iyo qalbi-dhagaxnimo geelu xoolaha kale dheer yahay baa? Ma hawl badnaan iyo haleelxumo geelu iska leeyahay baa? Ma kibir iyo santaag karuurkiisu keeno baa? Ma dhulka uu ku dhaqmo oo oommane biyuhu iqliil ku yihiin ah oo aan maalintii shan jeer oogada loo quudhin baa? …. Bal adba!

Marka geeljiraha iyo salaadda laga hadlaayo waxa tusaale loo soo qaataa sheeko caanbaxday oo arrinkaa marag looga dhigto. Waxa la sheegaa in laba nin oo walaalo ahi geel horweyn ah ku hayn jireen meel reeraha ka durugsan. Labada nin midkood waa taariku-salaad aan foodda dhigin, faataxadana saxin, kan kalena waa salaadsax aan weysadu boqnihiisa ka qallalin. Kaaha waaberi ayuu kan aan tukan ka dul addimaa, maalinweyntana inta uu kolba hadhkiisa fiiriyo ayuu halkii ay ku qabsato ku gutaa. Marka ay cadceeddu godkeeda baalka la gashana faralka maqrib inta uu iska bixiyo ayuu weliba xoolahana u nabaadiino xidhaa. Marka uu habeenku si fiican u dumo na cishaa’iga ayuu camalkiisa ku soo xidhaa. Maalinkii danbe ayaa kii aan tukan jirini qoonsaday salaadda faraha badan ee walaalkii! Salaaduhu kala suntan e, waxa uu si gaar ah u qaniinay tan maqrib ee cawadaranta kolkii ay tahay loo dhigto, waqtigaas oo reermiyiga hawl badani u taallo. Markaas ayuu is hayn waayey oo walaalkii ku yidhi: ‘Walaaloow geelaa salaadda ka daa! Oo haddaanad ka deyneyn ta maqrib ka daa! Oo haddaanad ka deyneyn nuunuuda danbe ka daa! Nuunuuda danbe wuxuu ula jeedaa tasbiixda iyo allabariga salaadaha gadaashooda la akhriyo.

Ma filaayo in geeljiraha Safiinaha Salaadda loo akhriyay, Minhaajkana hadalkiisa dhaaf. Haddana wuxuu naftiisa u fadwooday haddii hawsha geela iyo salaaddu kulmaan in salaadda la qalleeyo, hashana loo hagarbaxo! Waa kan ku heesay:

Salaaddiyo suub
Salaaddaa daran
Suub hadday timi
Salaad la qallee!

Mid kale oo sidii uu halo baas u daba liqdaarraa sunne iyo faralba ku seegay, ayaa beri danbe si uun uga faramuruxsaday fakalloonkii faraha badnaa ee geela. Kolkaas ayuu ku heesay:

Matukade iyo
Taarig wadatooy
Toobbad xumadaan
Kaaga tegey oo
Tiirey kugu nacay.

KULLU FITNA CINDA GEEL

Teer iyo markii Soomaalidu geela dhaqatayba guluf iyo gelelef shaydaan ayaa taagnaa, kol mid xeryihiisa ka ololaya la dhaco iyo kol mid lala dheelmaday la soo dhiciyaba. Waxa heesahooda ka mid ahaa:

Sidii loo helay
Loogu hadalyoo
Laguma heshiin

Haddii loo dhabbagalo colaadihii lagu riiqday ee digadoodu bakhtiyi weyday ee geyiga Soomaalida ka dhacay magaalagalkii ka hor, waxa la ogaanayaa in geelu ahaa ciriqa ugu weyn ee ay wadaagaan. Ama waraabka iyo wadaanta ha la isku qabsado, ama daaqa iyo dureemada ha lagu heshiin waayo e. Galab-carraabe iyo guura-bahalle kii lagu galaba, goobtii la isku haleelo waxa lagaga tegi jiray geesi geylaansan oo haadku gigayo iyo haween geesaasaya oo gambo cas xidhan!

Marar badan ayaa la arki jiray laba duddo oo aan seere iyo soohdin toona wadaagin haddana damaca geelu dogobbo qiiqaabaya dhexdhigay. Waaba sida heesta hoos ku qorani sheegayso e:

Deerooy laba duul
Aan dal wada degin
Oo dab wada shidan
Dagaallamiyaay

Nimay seenyo u muuqataa sokeeye ma xeeriyo e, lexejeclada geelu waxa kale oo ay kala geyn kartaa xidid iyo xigaalo is jecel oo isu laxiib ah kuwaas oo laga yaabo in aanay duunyo kale sababteed isu danqaabeen. Waxa marag kuugu filan heesta odhanaysa:

Saddex seeddi ah
Oo salaantiyo
Sooryo isku leh
Suuf ka xooraay

SIDEE BAY GEELA KU HELI JIREEN?

Maadaama uu geelu ahaa cuudka ugu weyn ee ay ciseyn jireen, hanashadiisa waxay u mari jireen waddo iyo wadiiqo kasta oo suuraggal ah. Ninkii aan xeradiisa xiito ku soo hoyani, wuxuu degi jirey xeelad iyo xirfad kasta oo uu habeedleey ku hantiyi karo. Uma ay aabayeeli jirin booli iyo bilaash tii ku soo beeganta markii baabka geela la joogo. Taasna waxa kuugu daliil ah heesta odhanaysa:

Xalaal iyo xoog
Hadduu xero galo
Midna kuma xuma

Ninkii uu maalinkaa xeradiisa geel ku jiraa waa keeb-layuurur feeyig, kii aanu gacantiisa ku jirinna waa kallah-weerar kabihiisa illan, labadaa ninkii aan ahaynna inuu u yeedhyeedho ha ka yaabin! Si aad hadalkayga u rumaysato aan cuskado heesta geeljiraha ee tidhaahda:

Xarbi nimaan tegin
Oo xabbado ridin
Soo xereeyn waa!

Mid kale oo inoo tilmaamaya sida ugu magaca dheer ee geel lagu meersadaa inay tahay dhac iyo duullaan, balse aan tuf iyo taxliil tuldo baar dheer lagu taabin ayaa yidhi:

Dab nin qaatoo
Duula mooyiye
Aan duceeyiyo
Diin Quraan iyo
Diiqo lagu waa

Marka laga tago hababka tirada yar ee qumman ee geel lagu yeelan karo (sida: dhaxlidda, xoogsiga, xoolaggooyada IWM), waxa kale oo geela lagu taabi jiray dhac iyo dhiigdaadis aan indhaha loo marmaran. Ninkii aan ayro foofsani wuxuu isu arkayey mid kadabkii iyo kimistiiba laga karantimeeyay, tolalka dhexdoodana inuu anyaayufo ma uu xammili jirin. Sidaa awgeed ayuu qalqaalin jiray colal lixaad leh oo degmooyin idil soo gebagebeeya, haleelo iyo horweyn waxay haystaanna ka soo mooraduuga. Colalka duulayaa waxay ambabixi jireen iyagoo maanka ku haya in aanu jirin geel carruuri hayso oo cidla’ haawanaya, balse nafta ayay biimayn jireen iyaga oo xasuusan maahmaahda tidhaahda: ‘Geel doonistii geeso dhiig leh bay dhashaa’. Waxay uun ahayd belaayo-u-badheedh aan bisinka loo qaban.

Colalkaasi ama way hungoobi jireen ama way hodmi jireen. Way hungoobi jireen haddii ay la kulmaan geelal ay ku gedaaman yihiin wiilal ma-libiqsadayaal ah oo hootooyin xiiraya iyo baaruud halalac leh ku hubaysan, kuwaas oo urta habeedda ku uunsada, hadday waayaanna nafta u hura. Waxaan u jeedaa wiilashii ku heesi jiray:

Tummaatida waran
Oon wadnaha tegin
Wallee Tiireey
Lagaagama tago!

Amase – maalinba waa cayne – way hodmi jireen haddii ay u haad helaan geelal ay nabadi hodday oo raggii lahaa intay haaneedeen ay hooska jiifsadeen. Waa markan marka ay la soo dheelman jireen qaalmo goojinaya iyo nirgo afdhuubyaalaynaya oo cirkasoodhac ah. Cajiib! Markan oo kale ayaa nin aanay weligiiba xeradiisa xiito ka ololin uu mar qudha uun ku war heli jiray gooha karreebka iyo galaayuuska nirgaha oo dhegihiisu kala garan la’yihiin, kolkaasuu sidii nin shaydaan kilinkilleeyay dhoosha ka qoslaa.

Markii tan oo kale aad maqasho, waxa uun maskaxdaada ku soo degdegaya meeriskii Seyid-Maxamed ee ahaa:

Nimaan guunyo abid yeelan baa geelal foofsada!

Ama se, ardaygiisii Ismaaciil Mire markuu lahaa:

Niman baa intay toban dhaxeen soo tabcaday geele!

Ninkii doonaya in geeliisu carra-edeg ku foofo oo aan cidi hunguraynin, waa inuu isku hubaa wiilal cirka laga soo hindhisay oo kun iyo kaakac ah, kuwaas oo maalinta safayn la noqdo ee sumuca maadhiinka laysku afuufo aan si sahlan loo dhaqaajin karin. Waa wiilal hasha u dhaarsan oo dastuurkeeda yaqaan, axdiga lagu dhaqo laguna dhiciyana gurada ka xifdisan oo ku heesa:

Haddaan dirirtaa
Ragga dabamaro
Alloow lay dilo
Oo aan la i deyn!

DHACA GEELU MA XAARAAN BAA?!

Waxyaabaha sharciga Islaamka loo soo rogay waxa ka mid ah ilaalinta qofka naftiisa iyo maalkiisa labadaba. Soomaaliduna waa ummad diinta Islaamka aad u haysata, si weynna u qaddarisa mabaadi’deeda. Haddaba maxaa keenay in dhaca geelu agtooda ka noqdo dhaqan aan la isku ceebayn? Ma jacaylkii xad-dhaafka ahaa ee geela ay u qabeen ayaa ka indhasaabay aayadaha iyo adillada kitaabka? Mise wadaadxume si xun wax ugu fasiray ayaa helay?

Guud ahaan hantida dadka in la boobo waxay u arkayeen gardarro aan la isku garabsiin iyo adyad aan la isku ayidin, balse markii geel la yidhaahdo waxa isu sawiri jiray xoolo wareega oo maalinba ninkii gammaan, girligaan iyo gaashaanqaad rag isla hela guryihiisa ka olola. Wax ay cuskadeenba, dhaca geelu agtooda kama uu ahayn falaad xun oo laga qoomammoodo, balse taa beddelkeeda waxay si weyn u dannisanaayeen haddii loo kitaabdayo in aan geelqaadka qiil loo waayeynin. Sidaa awgeed kuwooda xoolaha dadyawga malabka loogu daadiyey markii geelqaadka laga wacdiyo ee lagu dhaho: ‘Waar hooy booliyi barako ma lehe neefafkaaga iimaanso oo dadka ka fadhiiso’, waxay ku jawaabi jireen: ‘Aw hebeloow halkaa ha ku degdegin kitaab Alle farabadan e’.

Gabyaagii Cali-dhuux la odhan jiray mar uu ka hadlayay dhaca geela waxa uu tilmaamay in duunyada kale iyo geelu kala xeer yihiin. Waxa uu sheegay wadaad iyo waranle toona in aan cidi geel baajinayn oo loo wada xusulduubayo. Cali-dhuux waxa uu daliishaday Seyid-Maxamed Cabdille Xasan oo wadaaddadii wakhtigaa ugu afdheeraa inuu isaguba geelasha xaqannaas xero ka buuxsan jiray. Wuxu yidhi Cali-dhuux:

Seyidkii wadaad oo dhan xidhay Weris xalaaleeye
Xaaraan hadduu yahay Xula ma qaadeene
Xoolaha kaleetiyo isagu waaba kala xeere
Nin kastoo xadreeyaaba wuu u xusulduubaaye
Haddaan xaajiyadu weerareyn xer uma duuleene

Faarax Jaamac Aadan oo Faarax-Laanjeer loo yaqaan ayaa isna sida Cali-dhuux oo kale Seyidka soo daliishaday. Waxa uu raaciyay in Seyid-Maxamed xaafidul-Quraan ahaa, xajkana dhawr jeer soo dawaafay, xaq iyo baadilna u kala soocnaayeen haddana uu fardaha u heensaysan jiray geelal cido kale foofsadeen. Wuxu yidhi Faarax-Laanjeer:

Wadaadkii Xadeed iyo fadhiyey xarun Daraawiisheed
Ee Xodayo geyn jiray intuu Xamar u heenseeyo
Xaafidul-Quraan buu ahaa soo xajiyay dhawre
Isagaba xaq iyo baadil waw kala xarriiqnaaye
Xaaraan hadduu yahay fardaha kuma xarraansheene

La soco qaybta 3aad…

W.Q. Shaafici Qaasim Nuur
Email: shaaficiqaasim@gmail.com

Tixraac:

1. Buugga Suugaanta Geela – Axmed Cali Abokor
2. Barnaamijka Af iyo Suugaan – Axmed Faarax Cali ‘Idaajaa’
3. Ceel Walwaaleed – Axmed Ibraahin Cawaale
4. Sheekadii Hurre Walanwal iyo Cambaro Nuux – Yuusuf Cabdille Cismaan ( Yuusuf Shaacir

Sidoo Kale akhri:

Geela: Boqorka Xoolaha Soomalida (Qaybtii 1aad)


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2017 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.