Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Gumaysigii Gurracnaa (Sheeko Gaaban)

W.Q. Cabdicasiis Maxamd Shidane

Waxaan ku soo dhex koray qoys aan waxba aqrin, waxna qorin, haddii ay wax qoraanna waa Af-Soomaliga uun. Waxaan soo gaaray da’da 17 sanno jirka, inannimo iyo udgoonkii dhalinyaranimo baan dareemay, umana nooleyn sida gabdhaha asaygayga ahi u noolyihiin. Wax ma baran, waana la’ ii diidday in aan dugsi aado, yeeshana ilbaxnimo iyo garaad ku dhisan aqoon. Qof wax baran karta, waxna soosaari karta in aan ahay, qoyskaygu ma aaminsanayn. Taas macnaheedu ma ahayn in aanan maskax iyo garaad wax fahmi kara lahayn balse keliya waa in Ilaah iga dhigay gabar.

Waxaa la igula kici jiray xadgudub  maskaxeed iyo mid jireedba. Cayda, canaanta, garaacidda iyo gacanqaadku waxay ii ahaayeen wax joogta ah oo nolal maalmeedkayga ka mid noqday. Waxaad moodaysay in aabbahey iyo walaallahay heshiis buuxa ay ku ahaayeen falalkan fooshaxun ee la igu dhibaataynayo. Hooyadayna iimaanay dhaamin. Cunta-karinta, nadiifinta guriga, dhaqidda dharka wiilasha iyo “Maxaan kuu dhalay naayaa, haddaadan guriga adeegto iiga noqoneyn!”, waa oraahda ilaa iyo hadda ka sii guuxaysa dhegaheyga iyo maskaxdeyda, saameyn iyo raad xunna ku reebtay guud ahaan nolashayda ee ay had iyo jeer i dhihi jirtay hooyaday. Waxaan ahaa addoon ay waalidkeed iyo walaalaheed addoonsanyeen. Illaa aan aaminay ugu dambeyntii in cadaab iyo ciil uun in aan ku noolaado la ii abuuray!

Suuqa markii aan adeegga u doono, waxay ii ahaan jirtay farxad iyo fursad aan kaga yaro nasto diiqadda guriga, kuna nafiso ugu yaraan neecawda iyo hawada macaan. Hasayeeshee, wax sii raagaya ma ahayn farxaddaasi, waayo hooyo ayaa guriga igu sugaysa. Marka aan guriga ku laabtaba waxay igu sameynaysaa baaritaan iyo dabagal meel walba ah, gaar ahaan jirkayga, si ay u ilaaliso had iyo jeer gabarnimadayda oo ka dhigan sharafta qoyska oo dhan, waa sida mar walba la igu dhihi jiraye. Haa, waxay ahayd sharaf ku xiran xuub yar oo qafiifa, oo ku yaalla meel aan qofi ujeedin, oo misana kontorool lagu hayo goor walba. Cajirradeyda iyo qaybo badan oo jirkayga ka mid ah, waxaa ku yaalla ilaa iyo maanta, qarjuufo iyo qaniinyo aan ku mutaystay, “Naayaa, maxaad suuqa ugu soo daahday?! Ma lagu so fuulayay?! Yaad la kulantay?! Yaad raacday?! Yaad la istaagtay?! Waan u jeeday ninkii aad la hadlaysay. Yuu ahaay?! Sheeg qabiilkiisa?!” iyo weydiimo kale oo la mid ah.

Waxaan iska ooyo, oo ciishoodo, oo iscabburiyaba, Aabbe ayaan ku dhahay , “Aabbe, hooyo iga celi”, balse, hooyo waxay dhihi jirtay, “Sharafta qoysku waa ilaalsantahay, xaalkuna waa xakameysan yahay.” Duruufahaas  aniga oo ku nool, oo cadaabkaas iyo gumaysigaas iskala qabsaday, ayaa waxaa igu dhashay dareen jacayl, oo aan u qaaday wiil qurux badan oo asluub iyo anshaxba Ilaah siiyay, balse ka dhashay qoys  sabool ah oo nolol malmeedkooda la halgama. Jeebka ayuu sabool ka ahaa, balse maskaxda hodan buu ka ahaa. Ma ahayn sidayda qof jaahil ah oo aan waxna qorin waxna akhrin karin ee wuxuu ahaa qof wax bartay. Waxaa ila soo gudboonaatay murugo iyo walbahaar. Maankaygii iyo maskaxdaydii oo dhan baa wiilkii ku mashquushay. Waan jirraday. Shaqadii guriga waan wadi waayey. Inta aan aan jirranahay, nasad iyo naruuro yar ma jirto, daawo iyo arxan kale warkeeda daay. Waa qaylo iyo candhuuf haadaysa, oo iiga imaanaysa dhanka hooyo. Dareenkii jacayl ee aan u qaaday qof asaygayga ah, wuu fashilmay, wuxuuna noqday sida xaanshi taalla meel dabeyli ka babbaneyso, sababtuna qoyskayga ayay ahayd.

Waxaa igu dhashay  cuqdad-nafsi, uurgunud iyo walaac. Waxaan hiifay noloshii, waxaanan ku hammiyey in aan isgubo, naftana kaw iskaga siiyo. Waxaan garan waayey waxa ifkaan la ii keenay?!

Aniga oo sidii u niyadjabsan oo nolosha aan ku jiraana wax macno ah ii samaynayn, ayaa waxaa yimid wiil dhalinyara ah oo jalaqsan. Waxaa la igu yiri, “Waa beesheenna”. Lacag fara badan iyo laandheeranimo ayuu ku faanayey. Annagoo aan sheekaysan oo haasaawe iyo hadal kalena yeelan ayuu  si fudud oo aan tashi iyo xodxodasho ku jirin u yiri, “Gabadhaan ha la isiiyo.” Tolnimo iyo tala waalid oo aan turxaan baxsaneyn ayaa isbahaystay.

Jeer kasta, Jawaabtaydu waxay ahayd, “Haye, Hooyo”, illeyn wax dookh iyo dadnima ah oo nolasha ku saabsan la ii ma oggaleyne. Hooyo marnaba ilama tashan, waxna ii ma aysan sheeggin, iskaba daa taase, hooyo waxay durbadiiba igu billawday tirtirid iyo dhaldhalaallin aanan waligay arkin. Waxaan dhahay, “Hooyo, ninkaan maxuu yahay?!” Lix maalin ayaa la ii garaacayey weydiintaas awgeed iyo in aan yeelo guurkaan qasabka ah. Si kastaba, wiilkii ayaa la ii aqalgaliyey. Dhar cusub iyo cillaansaar ayaa la igu boobbay. Niyad iyo laabwanaag ka ma jirto xaggeyga, oo qoorta ayaan hoos u raariciyey, sida qof geeri ku xakuman. Haa, geeri degdeg ah ayey ahayd! Habeennimadii aqalgalka, waxay ii aheyd habeenkii ii gu naxdinta iyo murugada badnayd nolasheyda. Xaflad dadka ka soo qaybgalay ay wajiyadooda ka muuqatay farxad iyo damaashaad aniga dhankaygase ka ahayd cadaab iyo ciil ayaa goobta ka dhacday. Markii dadkii kala dareerreen, ayuu wiilkii raganimada ku faanaayey igu soo booday, sida Dhurwaa wax ugaarsanaya, balse, anigu gacan uma qaadin xaggiisa, wax rabitaan ahna uma hayn dhoollatuskiisa, ismana nuuxnuuxin. Qosal maran iyo dhoollacaddayn been ah ka bacdi, waxaan la kulmay xanuun lixaad leh, galmo qasab ah, dhiig qubanaya iyo dab ka kacay maskaxdayda. Waa kufsi xalaal ah oo dacwad iyo diidmo midna aanan ka keeni karayn.

Waan miyirbeelay habeenkaas, cidna uma uusan yeerin, dawana ma jirto. Dhiiggaas iga qubanaya, isaga waa u sharaf iyo faan, anigana waa ii xanuun, silic iyo xadgudub. Wuxuu ahaa xanuun ba’an oo isoo xasuusiyay xanuun ka horreeyay. Haa xanuunkii gudniinka iyo amintii jarjaridda xubnaha jirkayga. Subaxdii waan kici waayey, isagana sidii uu rabay wey u noqon weysay, oo darbi iyo dhufeys adag ayaa ka soo horbaxay. Taah iyo tiiraanyo dheer ka dib, waxaa la ii geeyey naagtii i gudday, ina jarjartay markii aan jiray tobban sanno, si ay haddeerna iiga furfurto harqaanka iyo ceengariga meesha ku daxaleystay. Waxay ahayd habar inkaar qabta oo nolasha ku cariirisay hablo badan. Wiilka qasabka la iigu aqalgaliyay, waxuu dareemayey ceeb culus iyo guuldarro, madaama uu derbigii habartu dhistay burburin waayey, aniguna qandho iyo xanuun ba’an ayaan la taahayay, gabbal dhacay iyo waaberi kasta.

Furfurid iyo kaniiniyaal qallajiyaal ah ka dib, wiilkii waxuu billaabay in uu sii wado hawlgalladiisii qoorqabadka ku dhisnaa, wuxuuna sugi waayey inta ay bogsaneyso boogta caabuqday iyo barta i ololeysa. Faraxad iyo ciyaar ka ma dhex jirin aqalka. Waa uun cabsi, mugdi iyo in aan u tooghayo legden joogta ah. Laba sanno oo silac iyo saxariir ah kadib, waan uuraysan waayay. Waa lay hiifay waxaana la igu tilmaamay qumayo madhalays ah, oo wiilka iyo reerkisii khasaarisay. Waxaa la ii geeyey kuwa la yiri waxbey daweeyaan, oo dab iyo toobbin wax ku dabiiibba. Waxaa la i siin jiray dawo-dhireed. Cudurka i haya magaciisa waxey ku sheegeen; “Dabayl iyo Ruuxaan i  gashay”, iyo waxyaaba badan oo aan kasi waayay, laakiin, waxaan ku helay eeddaas furriin iyo xorriyad, wiilkiina si xun oo xeerka iyo xikmadda ka baxsan ayuu ii la dhaqmay.

Hadda, waan ka so tagay waddankii, bulshadii iyo qoyskii sidaas ii galay, oo waxaan soo galay safar dheer oo igu qaatay hal sanno iyo badh. Waxaan ku noolahay waddan nabad ah, oo xuquuqdayda dadnimo dhawraya. Waxaan iskaga baxay dhammaan dhaqamada iyo caadooyinka foosha xun ee aan ka dhaxlay bulshadayda Soomaaliyeed. Haatan, wax xiriir ah lama lihi bulshada aan isku haybta nahay. Waxa qura ee aan rumaysanahay ayaa ah in aan ahay gabadh Soomaaliyeed, oo xushmad u haysa nolasha iyo guud ahaan Biniaadnimada. Wixii intaas ka soo hara, agtayda qiimo iyo qirasho toona ku ma lahan!

W.Q: Cabdicasiis Maxamed Shidane.
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.