Sunday, April 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Maqaallo.
  • Opinion
  • Slideshow

PUNTLAND: HADDA IYO DAN

Qore: Axmad Cabbas (Gacma-Gaab)

Arar

map_puntlandJiritaanka dawladda Puntland wuxuu kowsaday 1dii Julay 1998, taasoo ku beegan maalinti la ansixiyay Axdigi Ku-Meel-Gaarka ahaa. Sidaas awgeed,  sannadka 2013 Puntland waxay jirstay 15 sano. Puntland waxay ballaysintay guul la mahadiyay. Hor iyo horraan waxay soo afjartay haggaaminti jabhadahi ka talinayay geyiga Puntland (SSDF, USP iyo SDU). Hannaanka maamul ee mandaqadda Puntland wuxuu u xuubsiibtay maamul rayid ah. Mudda yar gudaheed, waxaa dhidibbada loo aasay haykal maamul oo waafaqsan Axdigi ku meel gaarka ahaa. Kaasoo lagu suuradin karo qaab-dawladeedka casriga ah ee dunida ka hanaqaaday. Ayada oo la raacayo Axdigi Ku-Maael-Gaarka, waxaa suurta gashay in mudda yar gudaheed la ababulo hay’adihi sharci dejinta, Fulinta iyo Garsoorka. Meelaynta saddexdaas gole waxay suurta gelisay in si sahlan oo xasarad ka maran loo abaabulo hay’ado amni (Boolis, Daraawish iyo Asluub) iyo shaqaale rayad ah.

Qaran ahaan, Puntland waxay hanatay meekhaan ay si wax ku ool ah uga qayb-qaadan karto dib-u-yagleelidda dawlanimo qaran. Axdigi ku-meel-gaarka aha wuxuu soo bandhigay hindise lagaga fursan karo kala googo’, isla markaana lagaga raysan karo nidammkii ay awoodda dawladnimo oo dhammi ku urursnayd dawladda dhexe.

Dhanka Caalamka, curashadi Puntland waxay abuurtay hannaan hay’adaysan oo suurta gelinaya in beesha caalamka iyo Puntland ay iska kaashadaan horumarinta adeegyada bulshada, aminga mandaqadda iyo addunweynaha.

Qiimayn Kooban

Qiimayn isu-dheellitiran oo lagu sameeyo waayihi Puntland, waxay ka marag-kacaysaa in uu jiro horumar la gaaray. Dhinac kale waxaa jira guulo la gaari karey oo laga gaabiyay, iyo  dhinacyo uu la soo gudboonaaday dhibudhac, marka laga tilmaan qaato xaaladdi jirtay asaaski Puntland.

Haykalki maamul ee Puntland wuxuu noqday mid tabbagal ah, rabitaanka dadweynaha ka sokowna, asaga ayaa sugay jirtaanka iyo kor-u-qaadidda adeegyada bulshada Puntland. Dhinaca kale marka laga eego, waxaa jira saluug la xariira heerka tayada maamulka, taasoo loo aanayn karo in la gabay horumar aad uga sarreeya heerka hadda la marayo.

Dimuqaraaddiyaynta Puntland waxay ka mid ahayd himilooyinkii ugu mudnaa ee uu gaaray shirweynihi lagu asaasay Puntland ee ka dhacay Caasimadda dawlad goboleedka Puntland, Garoowe, muddadii u dhexaysay 15ki May iyo 1di Agoosto 1998. Haddii laga dhabayn lahaa go’aanki shirweynaha iyo qodobbadii Axdiga ee ku aaddanaa dimuqaraaddiyaynta hannaanka siyaasadda, 30kii Juun 22 sannadkii 2001, ayay Puntland ka hirgeli lahayd doorasho toos ah oo xor ah. Sidaas awgeed, hirgelinta dimuqraaddiyaynta Puntland wuxuu dib-dhacsanyahay 12 sano iyo 2 bilood.

faroleFikradda Federaalnimadu waa mid maamulka Puntland ku adagyahay, Soomaaliya iyo addunkana saamayn xoog leh ku yeelatay. Halkii ay ku koobnayd mid ka mid ah qodobbada Axdiga Ku-Mel-Gaarka ah, Federlanimadu waxay gaartay heer ay ka mid noqoto mabaadi’ida asaasigi ah ee dastuurka Qaranka. Dhinac kale marka laga eego, waxaa jira saluug la xariira in Puntland dadaalki loo baahnaa aanay u hurin  sida federaalnimadu u tahay hannaanka ugu habboon ee lagu hiigsan karo hanashada dawladnimo dadweynaha Soomaaliyeed wada leeyahay, danahoodana u jirta. Duruufihi gaarka ahaa ee ka jiray Puntland, waxay u suurta gelinayeen in ay dadaal aqooneed geliso habboonaanta Federaalnimada. Waxaa kaloo Puntland la gudboonaa in ay noqota xarunta dood-cilmiyeedyo ay ku soo hirtaan aqoonleyda Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka ee ku xeel-dheer arrimaha Soomaaliya. Waxa ay u muuqataa in aragtida Federalnimada Puntland aanay dhaafin heer hal-ku-dheg, taas oo ayaduna mudnaanteeda leh. Xaaladda noocaas ahi waxay fursad siisay abaabul federal diid ah oo ku duraya Puntland in ay sed-bursi doon tahay.

Dhinacyada kale ee dib-dhacu ka jiro waxaa ka mid ah in dareenkii Puntlandnimada uu hoos uga dhacay heerkii uu taagnaa markii la asaasay Puntland. Qaar ka mid ah qaybihii ugu mintidsanaa curinta Puntland, ayaa ku hawlan abaabul ka baxsan haykalka Puntland. Guud ahaan, waxaa jira gocasho marba marka dambaysa isa soo taraysa. Taasoo la xariirta in Puntland la wada samaystay hase ahaatee uu sii wiiqmayo dareenkii wada-lahaanshaha ee ay la kowsatay.

Dib-u-dhaca ugu weyni wuxuu ka jiraa ka bayridda dhaqankii wada-tashiga ee saldhigga u ahaa abaabulidda iyo ku guulaysiga Puntland, isla markaasna ay hiddo soo jireen ah u lahaayeen, welina u leeyihiin, dadweynaha ku midoobay Puntland. Puntland waxay ka dhalatay wada-tashi, liibaanteeduna waxay saarantahay wada-tashiga.

Hadda iyo Dan

Si kasta oo loogu kala geddisnaan karo qiimaynta horumarka ay Puntland hanatay iyo dib-u-dhaca la soo gudboonaaday, waxay u badantahay in aan lagu kala bayri Karin in ay guul taariikhi ah tahay in uu hadda socdo tabaabusho loogu jiro xilsaaariddi meertadii maamulkii afraad ee Puntland. Xilsaaridda golaha sharcidejinta afraad waxay ku beegantahay 31ka Oktoobar ee sannadkan 2013. Jadwalka meertaynta maamulku wuxuu kaloo farayaa in Golaha Xeerdejinta afraad uu doorto madaxweynihi iyo madaxweyne Ku xigeenki shanaad ee Puntland yeelato.

Abbaaraha u baahan falgelid ay xikmadi hoggaminayso, waxaa ka mid noqon kara higsashada ka miradhalinta laba himilo oo mataana ah, kuwaasoo ay adagtahay in midkoodna keli ahaanti guul lagu gaaro.

Himilada koowaad, oo ah midda asaasiga ah, waa aqoolidda halbeegyada majaraha hoggaanka afraad ku hagi doono Puntland, muddada xil-hayntiisa.

Himilada labaad, waa in la xilsaaro hoggaan daacad u ah ka miradhalinta majarahaas isla markaasna oofin kara shuruudihii hoggamineed ee la faca ah marxaladda ay tahay in Puntland u diga-rogoto.

Afarta bilood ee innaku soo fool leh, dadweynaha Puntland waxaa la gudboon in ay ku tallabsadaan tabaabushe laba-seeble ah oo isku jaha ah. Tan koowaad, waxaa lagama maarmaan ah in la dar-dar geliyo dhaqankii iyo hiddihi Wada-Tashiga ee ay Puntland ka unkantay. Faa’iidooyinka Wada-Tashiga waxaa ka mid ah in la iska bogsiiyo wixii tabasho ah oo jira si loo cusboonaysiiyo dareenkii midnimo ee Puntland la curatay. Fa’iidada labaad ee wada tashigu leeyahay waxaa ka mid isla-meeldhigidda majaraha tisqaadka cusub ee Puntland.

Dadaalka labaad ee ma dhaafaanka ah, waxaa weeye in hoggaamiye dhaqameedka Puntland, guurti iyo Isimmoba, aanay surmateegtayn xilka saaran.  Xilliyadii meertaynta maamulka ee la soo maray, halhaysyada soo noq-noqda waxaa ka mid ahaa noqoshada xil-dhibaannadu  “Xul ma ahee waa Xal”. Hoggaanka dhaqanka ee Puntland sina ugama baxsan karo, guud ahaan iyo gaar-gaar ahanba, in ay go’aan kasta oo gaarayaanna ku saleeyan xilsaaridda xildhibaanno Xul Ah. Xildhibaanno Xul ah ayaa laga filan karaa in ay labada xil ee ugu sarreeya Puntland u doortaan muwaddiniin u qalanta. Hoggaanka dhaqanku waxay u maara la’ayihiin baylah ma dhammaato ah oo ay ku banneeyeen xildhibaanno ay ayagu gacantooda ku saxiixeen iyo maamulkii fulinta ee isla xildhibaannadaasi dhiseen.  Hoggaanka dhaqanku, u hiilinta danta guud ka sokow, waa in ay markan u hiiliyaan martabaddooda bulsho.

Ugu Dambaynti: Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiraxmaan Maxmad Maxamuud  waxaa la gudboon inuu fududeeyo wada-tashiga dadweynaha Puntland.

Talo Waa tii Rabbi

W.Q. Axmed Cabbaas (Gacmo-Gaab)

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.