Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Iyaba Waa Muslim!

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

Inta carruurtu barkadda dabbaasha lagu baro ku jiraan, waalidiintuna waxay fadhiistaan jaranjarooyin iyagoo sheedda ka eegaya ilmaha.

Soddonka daqiiqo ee ay goobta ku suganyihiin ee ay carruurta sugayaan qofba waxbuu isku maaweeliyaa. Badankoodu waxay ku fooraraan telefoonnadooda gacanta iyagoo ka dheehanaya baraha bulshada, halka kuwo kale ka akhrisanayaan wargeysyadii subaxdaas soo baxay ama buuggaag ay siteen.

Sidii ay u soo socotay ayay soo fadhiisatay jaranjar midda aan fadhiyay ka hoosaysa, xagga midigna iga xigta. Waa haweenay muuqaal ahaan aan ku qiyaasay dadyawga ka soo jeedda waddamada Koonfur Bari Aasiya.

Waxay u labbisnayd sida ay dumarka waddamadan reer Galbeedka ku nool intooda badani u labistaan xilliga kulaylaha. Surwaal Jiinis ah oo ku dheggan iyo shaati gacma gaab ah ayay xidhnayd iyadoo madaxuna u qaawanaa.

Judhii ay fadhiisatayba intay boorsadeedii is dhinac dhigtay ayay kala soo baxday buug ka dibna inta dhawr bog rogtay meel u sii calaamadsanayd akhris ku billowday. Buugga oo muuqaal ahaan iila ekaaday buug caanna oo aan in badan arkay ama akhriyay ayaa indhahayga soo jiitay iguna kaliftay in aan u sii fiirsado oo marba isha ku xado.

Buuggani ma ahayn buug sheeko faneed  wakhtiga la isku dhaafiyo balse waxa uu ahaa Kitaabka Quraanka Kariimka ah. Waxaa uu ku qornaa Carabi iyo far kale oo laatiin ah oo lagu turjumay oo aan qiyaasayo inay Ingiriisi ahayd.

Soddonkii daqiiqo ee aan goobta fadhinay indhaheedu meel kale uma libiqsan ee waxay ku foognayd akhrinta Quraanka Kariimka ah.

Maadaama ay waayadan dambe hadalhaynta Islaamku aad u badantahay, dad badan oo aan Muslim ahayna ay akhristaan Kitaabka Quraanka si ay wax uga ogaadaan Islaamka ay dunida reer Galbeedku ku wareertay, waxaan markii hore u qaatay in haweenaydaasi ka mid tahay dadkaas aan kor ku xusay. Haseyeeshee arrintu sidaas ma ay noqon.

Oo maxay atahay sababtu haddaba. Sidii ay ugu foorartay akhrinta Kitaabka haweenaydii markii saacaddii yeedhay ee waqtigii dhammaday inta dhunkatay kitaabkii oo haddana wejiga ku qabatay ayay boorsadeedi ku ceshatay. Taasi oo ah astaan innoo muujinaysa qaddarinta, jacayka iyo xushmaynta ay u hayso Kitaabka Alle.

Haddaba waxaa la yaab igu noqotay iskuna kayqaban waayay qaabka ay u labisnayd iyo goobta ay quraanka ku akhrisanaysay iyadoo ka faa’idaysanaysa waqtiga yar ee ay meesha ku sugantahay.

Inkastoo islaamku ina farayo qaabka aynu u labisanno rag iyo dumarba haddana qofku waxa uu xidhanyahay iyo sida uu u egyahay midna kama tarjumi karaan qalbiga qofkaas ama waxa uu aaminsanyahay.

Waxa ay dhacdada kore i soo xasuusisay 13 sanno ka hor xilli aan booqday Soomaaliya.

Xilli duhur ah oo qorraxdu aad u kulushahay aniga iyo wiil kale oo dariiqa marayna, ayaa waxaa naga soo horbaxay saddex haween ah oo dhmmaantood indhoshareeran. Anigoo aad ugu faraxsan isbeddelka xagga diinta ee waddanka ka dhacay muddadii aan ka maqnaa iyo sida ay hadda dadku ugu soo jeesteen ku dhaqanka diinta islaamka ayaan wiilkii ku idhi dumarkii Ilaah waa soo wada hanuuniyay. Markaasaa inta uu qoslay isagoo malaha ila yaaban yidhi, “ waar diin kama aha ee haweenka sidan u labista badankoodu waxay marsadaan kiimikada la isku caddeeyo oo cadceedda ayay iska qarinayaan.”

Inkasta oo aan lagu eeddayn karin in haweenay kasta oo Soomaaliyeed oo indhashareerataa ay tahay mid is caddaysay oo cadceedda iska qarinaysa haddana waa arrin jirta in dumar badan oo xijaaban ay ujeeddooyin kale arrintaas ka leeyihiin.

Dunida oo ay maanta ku nool yihiin in ka badan 1.6 bilyan oo muslimiin ah, kana soo kala jeeda waddamo iyo qaarrado kala geddisan, lehna cimilo, dhaqanno, duruufo nololeed iyo sooyaal kala duwan, way adagtahay in dhammaantood ay qaab isku mid ah u wada lebistaan.

Suurtogal ma ahan in haweenayda maxajabadda ku ah saraha dhaadheer ee magaalada Jidda si la mid ay u lebisato hooyada Soomaaliyeed ee dhabarka cunugga ku xambaarsan, madaxana xaabada ku siddaa.

Waxaa hubanti ah in sida carabta oo loo labistaa qofka aanay ka dhigayn muslim fiican, waxaase lagamamaarmaan ah in qofku uu is asturo, waajibaadka Eebbe farayna guto, afkiisa iyo gacantiisana laga nabad galo.

Illeen iyaba waa muslim!

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.