Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Jubbaland oo dib u celinaysa mas’uuliyiin sheegtay in Muqdisho u soo magacowday Taliska Nabadsugidda

Kismaayo (WDN)- War lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa sheegaya in Dowlad Goboleedka Jubbaland, ay maanta gelinkii dambe soo gaadheen magaalada Kismaayo, laba muddane oo  sheegay in Muqdisho looga soo magaacaabay, loona soo igamday xilka hogaanka sare ee Nabadsugidda Jubbaland. Labadaas mas’uul oo kal ah:
1) Md. Cali Mire Ducaale, oo loo soo magacaabay Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Jubbaland iyo
2) Maxamed Ibraahim, oo loo soo magacaabay Taliye Xigeen.

Md Axmed Madoobe ( bidix) iyo Md. Farmaajo

Magacaabista labada sarkaal, ayaa la sheegay in aysan waxba ka ogeyn maamulka Jubbaland, isla- markaana  aysan magacabitaasi ahayn mid waafaqsan wax sharci ah.

Ciidamadda Amniga ee Jubbaland, ayaa labadaas mas’uul xabsiga dhigay, iyada oo maalinta berri ah lagu waddo in lagu celin doona Muqdisho.

Arintan mid la mid ayaa horey uga dhacday Kismayoo , ka dib markii ay DFS ay wada tashi la’aan horey ugu soo magacowday Jen Cali Bagmadow, taliyaha Qeybta 43 ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyada oo Dowlad Goboleedka Jubbaland dib ugu celisay Muqdisho.

Waxaa xusid muddan in dhawaanahan uu khilaaf xooggani ka jiray xidhiidhka Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xidhiidhkaasi oo sii xumaanaya.

WardheerNews

————-

Maqaalo kale oo la xidhiidha khilaafka Jubbaland iyo DFS:

DFS IYO JUBBALAND OO KHILAAF KA DHEX DHASHAY SHIRKA BRUSSELS


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.