Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

La Taliyaha Amniga Qaranka oo faahfaahiyey Qorshaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed

Muqdisho, – La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xuseen Macalin Maxamud Sh. Cali ayaa faahfaahin ka bixiyey Qorshaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed oo dhowaan Madasha Qaranka lagu go’aamiyey.

Xuseen Macalin Maxamud

Xuseen ayaa sheegay in ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ay yihiin geesiyaal u soo dhabar adeygay difaaca dalka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed, ayna intooda badan ay muddo ka badan 10 sano heegan joogta ah ugu jiraan furumaha oo ay kula dagaalamayaan cadawga nabad diidka ah ee Al-Shabaab.

Dowladda Federaaka waxaa ka go’an in ciidankaas geesiyaasha ah ee naftood hurayaasha ah loo helo daryeel, qalabeyn iyo inay helaan dhammaan xuquuqdooda aasaasiga ah. Mana jiro wax saameyn ah oo ciidankan howlgalaya ay ku yeelaneyso Qorshaha Amniga Qaranka oo ujeedadiisu tahay sidii loo dar-dargelin lahaa tayeynta cidianka Soomaaliyeed.

Haba yaraatee ma jiraan qorshe lagu kala dirayo ciidanka XDS oo aan aragnay in fasiiraad aan sax aheyn laga bixinayo tanoo aan waafaqsaneyn Qorshaha Amniga Qaran – Dowladda Federaalka inay sii xoojiso howlaha cidianka XDS mooyee ma dhici karto wax dalka dib u celiya.

Si shacabka ay u fahmaan dooda Qorshaha Amniga Qaranka waxaan halkan hoose ku soo gudbineynaa sida uu u qoranyahay arrinka ku saabsan ciidamada:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu ka kooban yahay;
• Ciidanka Lugta
• Ciidanka Cirka
• Ciidanka Badda
Waajibaadka ciidanka XDS waa;
• Ilaalinta midnimada Qaranka
• Illaalinta iyo difaaca xuduudaha dalka
• Difaaca cadawga dibadda iyo kan gudaha oo u abaabulan qaab hubaysan oo khatar galiyaan xasiloonida dalka

Qorshaha Amniga Qaranka ayaa waxaa lagu xusay in Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (XDS) tiradiisu ay noqoneyso ugu yaraan 18,000 oo ayan ku jirin ciidanka cirka, kuwa badda iyo ciidamada gaarka ah ee gaashaaman.

DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha
media @moi.gov.so


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.