Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweynaha Somaaliya ayaa dib u dhigay safar uu maanta ugu anbabixi lahaa dalka Qatar

Muqdishu (WDN)- Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa dib u dhigay safar uu maanta ugu anbabixi lahaa dalka Qatar.

Madaxweyne Farmaajo

Saacadihii ugu danbeeyay xarunta madaxtooyada waxaa ka soconayay qaban-qaabada safarka madaxweynaha, hase ahaatee madaxaweyanaha ayaa go’aansaday in uu dib u dhigo socdaalkiisa, sababo la xiriira khilaafka xooggan ee ka dhax aloosan Golaha Shacabka iyo Xukuumadda. Hardankaasi siyaasadeed oo u dhaxeeya Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Qeyre iyo Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya Md. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari

Madaxweynaha Somaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo  kama uusan hadlin mowqifkiisa ku aaddan khilaafka xooggeystay ee u dhaxeeya Guddoonka Golaha Shacabka iyo Raiisal Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya, balse waxaa jira caddaadis lagu saarayo in uu soo fara-galiyo arrintan oo u muuqata xiisad siyaasadeed khalkhal gelin karta habsami u socodka hawlaha qaranka.

Xildhibaannada Mooshinka ka keenay guddoomiye Jawaari ee ka soo horjeeda, ayaa ku dhaliilaya Madaxweynaha Maxamed Cabdulaahi Farmaajo in uu iska daawanayo waxa dhacaya, taa badalkeedana looga baahan yahay in uu qaato doorkiisii mas’uuliyadeed ee looga baahnaa.

Khilaafkan sii xooggeysanaya ayaa xitaa saameyn adag ku yeeshay howlihii dowladda, iyadoo aad moodo in mashquul lagu wada yahay kulamo iyo shirar iska soo horjeeda oo ay qeyb ka yihiin xubnaha ku jira labada golle ee dowladda, taasina ay keeni karto iska hor imaad labo dhinac ah.

Dalka Qadar ayaa si aad ah ugu diyaargaroobay soo dhaweyn madaxweyne Farmaajo iyadoo calanka Soomaaliya laga lulay dariiqyada waaweyn ee magaalada Dooxa.

Foos Cabdi
WardheerNews, Kismaayo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.