Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya shirka degdega ah ee IGAD

Muqdisho, ; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga qeyb geli doonaan Shir Madaxeed deg-deg ah oo waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD, Hoggaanka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey ay kaga arrinsanayaan xasilinta dalka Koonfurta Suudaan.

Hoggaamiyeyaasha 8da dal ee ku mideysan Ururka IGAD ayaa muddo hal maalin ah oo shirku socanayo, waxa ay dib u eegis ku sameyn doonaan qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku saabsan dib-u-soo celinta nabadda Koonfurta Suudaan, qodobadii laga fuliyey heshiisyadii horey ay u kala saxiixdeen dhinacyadii ku dagaallamay dalkaas iyo caqabadaha haatan hortaagan in ay ka hana qaaddo xasillooni buuxda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkan ayaa hor dhigi doona Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan in la xoojiyo nabad galyada Gobolka, lana soo afjaro dhammaan colaadaha sokeeyo, iyadoona loo marayo is-qancin, isu-tanaasul iyo wada xaajood, si looga gudbo caqabadaha dib-u-dhigay horumarka Qaaradda Afrika.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa qeyb ka ahayd dadaalladii diblumaasiyadeed ee lagu wajahayey colaaddii sokeeye ee ka qaraxday dalkaas dabayaaqadii 2013kii, tan iyo wakhtigaasna Soomaaliya waxa ay kaalin muuqata ka qaadaneysay qorshayaasha iyo shirarka ku saabsan xal u helista dhibaatooyinka dib u dhigay hor-u-socodka Suudaanta Koonfureed.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.