Saturday, May 11, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Opinion
  • Slideshow

Madaxweyne Wiiqmay iyo Maalmo Horleh

W/Q Faysal Cabdi Rooble

Dharbaaxo Lama Filaan ah

Kadib markii ay soo ifbaxday in Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud  uu itaal gabay geesta dibloomaasiyada caalamiga ah, iyo tan gayiga Geeska Afrika, waxa la soo darsay waayo cusub oo dacarta ka qadhaadh.  In ka badan boqol iyo soddon xildhibaan (130+) ayaa dalbaday in uu madaxwaynuhu is casilo. Waxa iswaydiin leh haddaba tallaabadan maka soo waaqsandoonaa?

Hassan_CulusowBaryahan dambe waxaa isa soo taraya bahdilka ay dalalka jaarku ku hayaan madaxwaynaha. Itoobiya ayaa siyaabo badan u muujisay in aanay la shaqayn karayn madaxwaynaha. Inkasta oo uu madaxwaynuhu is hoos dhigay madaxda Itoobiya, haddana ilaa hada xidhiidh wacan kama helin. Marka uu  Addis Ababa booqdo heer hoose oo yasid ka muuqato ayaa loo soo dhaweeyaa. Kiiniyana hadal keedaba daa!! Waxay gaadhayba in ay shaqaalaha Safaarada xidhxidho, danyarta Soomaaliyeed ee qaxootiga u badanna silciso. (daalaco president-hassan’s-fading-political-footprint)

Waxa dhabarjab wayn oon la qarin karayn ku noqotay madaxwaynaha canaanta iyo dharbaaxooyinka kaga yimid caalamka intiisa kale. Tusaale ahaan, Sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay bishii Maarso, 2014 in madaxwaynuhu liito; Waxa kale oo lama ilaawaan ah Villa Soomaaliya iyo xatooyo xoolo dadweyne sida ay iskugu milmeen, iyadoo hadda hoos hoos looba yidhaa in Soomaaliya ay u baahantahay  qorshe cusub (roodhmap labaad).  Xan hooseed kaasina waxaa la saadaalinayaa in ay Soomaliya qarqarka u taal in lagu soo celiyo “kumeel-gaadhkii” ay hadda uun ka baxday.

Seeftii boqnaha goysay madaxwaynaha waxaa ku dhuftay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, John Kerry.  Bishan May 1, 2014 markii uu madaxda Geeska AfriKa kala shiray arrimaha argagixisada, Madaxwayne Xasan lama xurmany oo wada tashigii gayiga waa laga reebay. In uu madaxda kale ka liito ayaa loo caddeeyay oo la tusay.

Waxaan iswaydiin mudan sidatan: dawladaha Addis Ababa ku kulmay (Maraykan, Yuganda, Kenya iyo Itoobiya oo giddigood ah dalal masiixinimadu awoodda dawliga leedahay) Soomaliya miyey u tashanayeen, miyey ka tashanayeen, mise maslaxad bay u raadinayaan? Shirkii Barliin ee 1884kii Soomaali lagu kala qaybiyey qaar uun baa sida haatan oo kale ku dootamayey in Soomaalida loo danaynayo.  Madaama wax Soomaali ahi aanay shirkan goobjoog ka-ahyn waxii aan ka sheegnaaba waa iska mala awaal. Xilka umada Soomaaliyeedse waxaa xambaarsan Madaxwayne Xasan.

Tuhun wayn ayaa labadan bari ee la soo dhaafay galay Soomaalida inteeda badan, kadib markii Madaxwayne Xasan looga yeedhay Yugandha.  Hadii habka aan qadarinta lahayn ee Kambala loogu soo dhaweeyey saadaal laga bixiyo, waxaad moodaa in Soomaaliya fooda la gashay Kampla 2.0.  Kampla 1.0 waxay ku caan baxday shaqo ka qaadistii R/W Farmaajo.  Waa shalay maanta u ekaa.

Xasan iyo Kacdoonka Xildhibaanada

Xildhibaanno gaadhaya boqol iyo soddon (130), ayaa wajiga mooshin kaga dhirbaaxay Madaxweyne Xasan markay bishan May ahayd 5, 2014. Wararka Moqdisho ka imanayaa waxay tibaaxayaan xildhibaannada ilaa hadda madaxwaynaha ku shidayaa in uu hogaankeeda leeyahay Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali iyo kuwo ay isku fakir yihin. Illa hada waraku waxay cadaynayaa in kacdoonka xildhibaanadu oo salbalaadhan yahay, oo loo wada dhanyahay.

Xasan_ SheekhSababaha ugu waawayn ee xildhibaannadu Madaxwaynaha ku haystaani ma cusba, lakiin waxay u egtahay in ay hadda arrintu qaangaadh noqotay.  Muddo badan baa arrimahan laga hadlay, waxaadse hadda mooddaa in xildhibaannadu dareemeen laba arrimood:

1)  In adduunkii iyo Soomaali oo dhammi aragtay in uu Madaxwaye Xasan noqday sidii Soomaali horay u sheeegtay ee ahayd “ma waxaan ku mooday, mise waxaad noqotay, …”  Dad badan, ayaase jira oo aad u doorbidaya in madaxwaynuhu sii jooga laba sano oo dambe.

2) In xildhibaanno badan, oo markii hore khaldamay, lacag lagu laaluushay, ama u arkayay Xasan Sheekh nin Soomaaliya meel roon u rari kara, ay hadda leeyihiin, “ mar i-dagge Alla ha daggo, mar-labaad idaggase anigaa isdaggay.”  Madaxwaynuhuna waa dhaawac adiguna gawrac ugu dar ayaa meesha taal.

Waxaan shaki kujirin in Xamar noqotay “magaalo siyaasaddeed oo xilliyada qaarkood leh astaamaha reer  Washington yidhaahdaan “silly seaon.” Haddaba tolow kacdoonka Madaxwayne Xasan soo food-saaray, Soomaali oo dhana isha ku hayso, ma waxa uu noqodoonaa mid isbaddal roon keena mise waa iska “silly seaon,” ama waqti lumis iyo xilligii saqajaanimo siyaasaddeedka?

Eeddaha Madaxwaynaha

Runtii Madawayne Xasan wakhti adag ayuu xukunka qabtay.  Soomali oo kaguuraysa “ku meel gaadh” una socota dawlad taam ah, ayuu xafiiska yimi.  Iyada oon ka dharagsannahay dibindaabyada iyo dhibta Soomaaliya ku habsatay 25kii sano ee la soo dhaafay, haddana doorashadii Xasan ee Agoosto 2012, waxay ahayd fursaddii ugu fiicnayd ee Soomaali in dhaw soo marta.  Meesha farta lagu godayaa waa fursaddaa uu Madaxwaynuhu lumiyay:

Arrimaha lagu haysto waxay u badan yihinn run, waxaanu hadda madaxweyne Xasan taagan yahay xiligay Soomaalidu tidhaa “falaadhi gilgilasho kaagama go’do.”

Bal si guud aan u dulmarno arrimaha lagu haysto ama lagu haysan karo, oo uu ka gaabiyay ama uu mas’uul ka yahay:

1) Nabadgalyadii dalka sidii laga rabay uma dhaqan galin. Waxaa lagu celcelin doonaa arrinka la xidhiidha wareerkii Al-Shabab kusoo qaaday Villa Somaaliya iyo habacsanaanta ka muuqata nabadgalyada Muqdisho.

2) Waxa lagu qabsan doonaa 6dii hadaf ee uu qoondaystay in uu ka gaabiyay. Intaa waxa u dheer in isaga, Wasiirkiisii Difaaca, Wasiir Faqi, iyo Wasiirka  Arrimaha Amniga, AbdiKarim, ay si cad oo la taaban karo uga jawaabaan 700 oo ruux oo ku nafwaayay dagaalladii laga soo abaabulay Madaxtooyada ee Kismanyo lagu qaaday.

3) Maxaa keenay in Muqdishu aanay u yeelan maamu salbalaadh ah oo Soomaalida dagani ka muuqato? Madaxwaynaha oo si aan wali la arag dadnimadii uga takooray bulshooyinka aan lahayn tamar dagaal (Reer Baraawe, Biyomaal, Jereerwayn, Dir koonfureed, Gibil Cad Reer-Xamar….), gaar ahaan sida Soomaalinimada ka baxsan ee uu  madaxwaynuhu u dhisay maamulka Muqdisho oo lagaba yaabo in ay iyagu dadka ugu badanyihinn asal ahaana  aan laga xigin, haddaanay iyagu asalka meeshaba lahayn.

4) Dadka Madaxwaynaha u shaqeeya oo ah inta badan dad uu ku xushay qabiil iyo qareen-raac, taasoo keentay in dawladdu fadhiidnimo ku daahdo.

5) Maxaa keenay dalkii iyo dadkii iskusoo dhawaan rabay in ay kala irdhobaan, in Puntland sii fogaato oo hadda meel xun marayso, in arrinta Shabeelooyinku cakirantahay; in aan ilaa hadda wax nidaam dawli ah laga dhisin dalka oo dhan, aan ka ahayn dawlad goboleedyada.

Hadday xildhibaannadu cod ku filan helaan oo ku guulaystaan in ay ridaan madaxwaynha, su’aashu waxay tahay qofka Xasan bdeli donaa waa kuma? Ma ka roonaan doonaa?

Haddiise uu madaxwaynuhu guulaysto, waxaa daruuri ah in uu keeno isbadalwayn oo la taaban karo.  Waa in uu marka hore ba arimahan iyo kuwo la mid ah soo caddeeyaa:

1) Waa in madaxweynuhu garawsadaa raali galina ka bixiyaa   in labadii sano ee lasoo dhaafay aanu la iman waxqabdkii loo igmaday oo waqti badani ka lumay. Shacabka Soomaaliyeedna ka raali geliyaa.

2) In 30 beri gudahood uu inoo soo bandhigo barnaamijkiisa laba kaclaynta oo leh

a) Dhaqan galin qorshaysan oo ku aaddan barnaamijkiisa cusub oo uu dadwaynaha ugu qeexayo arrimahaa aan kor ku soo sheeganay ee uu ka gaabiyay,

b) In uu shir degdeg la qaato madaxda Baarlamaanka, Madaxwaynayaasha dawlad goboleedyada uuna tuso qorshe wax-qabad, dib u heshiisin waafi ahna la qabto

c)  In dibu habayn lagu sameeyo la taliyayaasha iyo wasiirrada, dad xirfad lehna hawlwadeeno laga dhigo, iyo

d)  Sida ugu dhakhsaha badan  in Muqdisho looga dhigaa magaalo Soomaaliyeed ama madaxweyne Xasan la yimaadaa talo ku aaddan sidii Muqdidho looga wareejin lahaa magaalo madaxda Soomaaliyeed.

Soomaaliya wakhti aad u badan baa kalumay, gaar ahaan labadan sano ee u dambeeyey.  Eedda Madaxwaye Xasan oo u muuqda nin aan kartideed lahayn ayaa mas’uuliyada waayn iska leh.

Faysal Cabdi Rooble
Email:[email protected]

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.