Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Editorials
  • Maqaallo
  • Slideshow

Madaxweyne Xasan iyo Doorashooyinka Soomaaliya

Aragtida Tifaftirka WardheerNews

“ Madaxweyne waxaan  ku weydiinayaa afar sano ayaad Soomaaliya joogtaa, wali Xamar  Ammaankeeda ma sugtay ? Su’aashayda labaad, ilmaha Kaamanka deggen dugsi ma haystaan, Iskool ma haystaan, Dhakhtar ma haystaan, Ilaah xaqiisa maiyaa?

cadnaan-yare
Cadnaan yare

Cadnaan waa will yar oo Minosata deggan, da’diisu lama sheegin laakin waxaan ku qiyaasi karnaa ilaa 6-7 jir, waxaanu ka qeyb galay Barnaamij kulan dadweyne oo idaacadda VOA, laanta af Soomaaligu soo qabanqaabisay oo madaxweyne Xasan Sheekh lagu weydiinayay su’aalo ku wajahan marxaladda waddanka. Barnaamijkaasi oo dad badani u arkeen mid VOA-da loogu adeegsaday xayaysiinta  doorashada  Madaxweyne Xasan.

Madaxweyne Xasan oo dhoolla-caddaynaya ayaa ugu jawaabay Cadnaan,  “….arintaa aad horayna waan uga hadlay ma doonaayo inaan ku noqdo” .

Cadnaan yare, waxa uu si fiican uga tarjumay dareenka ummadda Soomaaliyeed ee ku wajahan Xasan sheekh iyo Xukuumaddiisa muddadii ay talada waddanka hayeen.

Hassan_Culusow
Xasan Sh. Maxamuud

Xasan Sh. Maxamuud oo tariikhdu markay ahayd bishan Sebtember 10 keedii ay kaga ekeyd 4-tii sanno ee loo igmaday in xukuumaddiisu ay talada wadanka gaadhsiiso nidaamka “hal qof hal cod,“ ayaa arrintaasi ku guuldarraystay.

Afar sano ka hor Madaxwene Xasan ma ahayn qof wax badan laga yaqaanay, taasi oo sababtay in laga doorbiddo oo loo doorto madaxweynaha Soomaaliya, loollankii madaxtinimada ee Shariif Axmed sanadkii 2012 ay isugu soo hadheen.

Afar sano ka dib, maanta Madaxeywne Xasan waxa hortaal oo aanu marnaba baal mari karin, raadraaca waxqabadkiisa ama waxqabad la’aaintiisa afartiis sano ee uu xilka hayay (monumental track record).

Cadnaan yare keli kuma aha saluugga uu ka muujiyay waxqabadka madaxweyne Xasan balse waa mid ay la qabaan shacabka Soomaaliyeed badidiisu.

Madaxweyne Xasan ayaa lagu xasuustataa is qabqabsi siyaasadeed oo ragaadiyay dawladdiisa, oo ma walba ka dhex aloosmayay isaga iyo Ra’iisal Wasaarayaashii uu soo xushay, sababtayna in saddex Ra’iisal Wasaare  xilka iskaga dambeeyaan muddadii afarta sanno ahayd ee uu Villa Soomaaliya ka arriminayay.

Haddaba muranka iyo  ismaandhaafka siyaasadeed ee  marwalba ka dhex qarxayay madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaarayaashiisa, ayaa ahaa kuwa inta badan loo aaneeyo awood-maroorsi ka imanayay dhanka madaxweynaha.

Khilaafyadaasi soo noqnoqday ee u dhaxeeeyay Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisal Wasaarayaashiisii,  waxay curyaamiyeen waxqabadkii xukuumadda iyagoo islamarkaana caqabad ku noqday hirgelinta  qorshayaashii u degsanaa in si wax ku ool ah Soomaaliya wax looga qabto afartii sano ee la soo dhaafay. Waxay sidoo kale arrintani ku keentay habacsanaan wax ka qabashada dhibaatooyinka  dhinacyada Ammaanka, Masumaasuqa iyo adeega bulshada ee la rabay in dawladdu ay wax ka qabato.

xasan_japan
Shirkii Madaxweyne Xasan iyo madaxda Japan

Madaxweyne Xasan ayaa dad badani ku eedeeyaan qabyaalad, nin jeclaysi, musuqmaasuq isagoo islamarkaana aan u aabbo yeelin dastuurka iyo shurruucda waddanka oo siduu doona ka yeelo.

Madaxweyne Xasan oo hadda ol’ole isxayaysiin ah oo uu rabo in dib loogu soo doorto ka baahiya warbaahinta, ayaa waxqabdka keliya ee uu soo bandhigaa yahay (sidii Album) sawirrada iyo muuqaallada safarradii uu dibadda ugu baxay, madaxweynayaashii iyo mas’uuliyiintii kale ee uu la kulmay iyo kulamdii caalamiga ahaa ee uu ka qaybgalay.

Safarradaasi madaxweynaha oo tiro badan, ayaan ahayn kuwo qorshe iyo natiijo wax qabad ku qotoma. Waxaa xusid mudan safarkii uu Madaxweyne Xasan ku tagay Japan iyo shirkii ay la galeen madaxda Japan, iyaga (Xasan iyo wafdigiisa) oo aan diyaarsanayn (fiiri sawirka).

Haddaba iyadoo sida aan kor ku xusnay dawladdu ku guuldarraysatay in ay dalka gaadhsiiyo doorashooyin xor ah oo shacabku ay ku soo doortaan ciddii hoggaamin lahayd, ayaa haddana waxaa muuqata in  jadwelka ay soo saareen Madasha Qaranku ee ku aaddan geeddi-socodka doorashooyinka dhawaan la filayaa, yahay mid aanay  ku qobsoomi karin wakhtigii ay u qooondeeyeen sida hoos ku cad:

  1. Doorashada xubanaha Aqalka Sare 25-ka Sebtember.
  2. Doorashada xubanaha Golaha Shacabka 25-ka Sebtember – 10-ka Oktoober.
  3. In Xildhibaandda la dhaariyo 20-ka Oktoober.
  4. In la doorto Guddoonka Baarlamaanka 25-ka Oktober.
  5. Doorashada Madaxweynuhu in ay dhacdo 30-ka Okoober.
  6. Dhamaystirka maamulada hadhay ee Hiiraan/Shabeellada Dhexe iyo Banaadir.
  7. Beelaha Waqooyi ka soo jeeda oo qaadacay ka qeyb galka Doorashooyinka.
culusow-iyo-cumar
Xasan Sh. Maxamuud iyo Cumar C/rashiid

Dad badan ayaa iswediinaya Madaxweyne Xasan oo runtii aad looga cabsi qabo in uu mar kale xukunka ku soo noqdo, in ay jiraan musharrixiin kale oo la tartami karta wakhtigan, maadaama madaxweynahu haysto awooddii iyo hantidii dawladda Soomaaliyeed. Taasina waxay shaki badan gelinaysaa in ay dooarashadu u dhici doonto si xallaal ah oo aan musuqmaasuq iyo laaluush loo adeegsan.

Ilaa iyo hadda ma cadda in Qaramada Midoobay, Ururka Midowqga Afrika iyo Beesha Caalamku ay u soodiri doonaan goobjoogayaal la socda doorashooyinkaasi.

Haddaba waxaa beryahan dambe soo baxay isbahaysii ay ku midoobeen dad badan oo u loolamaya madaxtinimadda Soomaaliya iyo xubno kaleeto oo mucaarad ku ah Xasan Sheekh in uu soo noqdo.

Isbahysigaasi oo ay ku bahoobeen mas’uuliyiin  kala gedisan dhinaca aragtida, waxqabadka iyo kartida, ayaa ay kulmisay hal hadaf oo ah in ay si wada jir ah uga hortagaan in mar kale la soo doorto Xasan Sheekh. Dadkaasi ayaa ay ka dhex muuqdaan in badan oo wax ka qaban karta durrufaha addag ee soo foodsaartay Soomaaliya ama xaaladda guud ee dalku ku jiro, iyaga oo  islamarkaana aanay ka maqnayn kuwa ay tayadoodu liidato.

Halkudhega isbahaysigaasi ayaa ah “ Dhibtoonaye Nadhaaf”. Rajada guusha isbahaysigan ayaa ah mid ku xidhan sidii ay hadafkooda u midayn lahaayeen, una kasban lahaayeen codadka xubnaha baarlamaanka ee la soo xulayo, ka gadaalna ay isku tanaasuli lahaayeen, ama si wadjir ah ay ugu codeyn lahaayeen qofka ugu mug roon.

Haddaba Soomaaliya oo uu ragaadiyay musuqmaasuq xad dhaaf ahi,  ayaa dad badan ay ka cabsi qabaan in doorashooyin xalaal ahi aysan ka dhici karim, islamarkaana ay dhici karto in markale dib loo dhigo doorashooyinka Soomaaliya. Taasi oo ka turjumaysa in maamulka Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid, oo u loolamaya in marakle la soo doorto ay ka gaabiyeen hirgelinta hawlihii qaran ee loo igmaday.

Haddaba haddi ay dhacdo in dib loo dhigo mar kale doorashooyinka, waxa lagama maarmaan noqonaysa in xukuumad ku meel gaadh ah (care taker government) la dhiso. Taasi oo sida dastuurku dhigayo uu hogaamin doono gudoomihaya Golaha Baarlamaanka.

WardheerNews
Email: [email protected]
——-
Halkan ka akhri aragtida Tifaftirka ee WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.