Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Maxaa kala qabsaday: Danjire Axmed Cabdi Xaashi ‘Xashare’ iyo Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre

W/Q. Siciid Jaamac Xuseen

Hore ayaa degelkan ‘WardheerNews’ la iiga bartay qoraallo ku magacaaban “Safar Aan Jaho Lahayn”, anigoo uga gol lahaa in qeyrkay oo igaga habboon in ay iyana nala wadaagaan ama ummadda u soo gudbiyaan wixii xasuusqor ah ee ay hayaan.

Axmed Cabdi Xaashi “Xashare”

Weli ma hayo cid arrintaas u soo banbaxday, hase yeeshee waxaan la kulmay aqristayaal fara badan oo qoraalladaas u bogey.  Maanta waxaa iskay tusay inaan khaanad kale abbaaro; waa intaas oo dhinacan aynu helnaa dad u jajabsan oo ku soo dhiirrada inay wax ka qoraan.  Baabkani waa kulammo la yaab leh oo Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre iyo masuuliin Soomaaliyeed dhex maray.  Kulammadaas oo arrimo wejiyo badan leh iftiiminaya, gaarahaan siyaasaddii dalka lagu hoggaaminayay waqtigaas.

Waa xilli adag oo duruufo qallafsan dalku ku jiro.  Waa markii xoogga dalka Soomaaliyeed uu jab iyo halaag kala soo noqday dagaalkii Itoobiya sibiq-sibiqda lagu galay ka dib.  Waa xilli si buuxa loo kala xidhiidh furtay Midowga Soofiyeeti oo in muddo ah lays jaallaysanayay.  Waa xilli wax lala kulmi doono aan la garanayn, hoggaan haye iyo shicbi toonna.

Axmed Cabdi Xaashi “Xashare” IIaahay naxariitii jano ha siiyee, xilligaas danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Jarmalka Bari ayuu ahaa.  Ka horna waxuu ka tirsanaa agaasimayaasha Wasaaradda Arrimaha Dibedda.  Waxbarashadiisa ilaa dugsiga sare dalka gudahiisa ayuu ku qaatay.  Bilawgii lixdamaadka ila 66/67 Moscow ayuu Jaamacadda Saaxiibtinimada ee Lumamba ka soo qalin jabiyay.  Shakhsi ahaan, dadka ay si fiican isu barteen waxay ku wada tilmaamaan inuu ahaa nin wadani ah, aqoontiisu sarreyso, oo aftahanimo iyo dad-la-dhaqanka ku caan ah.  Siyaasad ahaan inta lagu tilmaamo inay bidixda u xaglinayaan ayuu ka tirsanaa.  Saaxiibbada ay aad isugu dhowaayeen waxaa ka mid ahaa Dr. Maxamed Aadan Sheekh.  Anigu xilligaas madaxtooyada ayaan agaasime waaxeed ka ahaa.  Labadaba xidhiidh wacan ayaan la lahaa.

Kulankii Madaxweyne Maxamed S. Barre iyo Xashere  

Farriin madaxtooyada ka socota ayaa loo diray Xashare si suu u soo galo dalka.  Wadatashi muhim ah in lala yeelanayo ayaa loo sheegay.  Kulammada Madaxweynuhu la yeesho masu’uliinta badanaa habeenkii ayay qabsoomi jireen.  Sida qaalibka ahna waaberi-ku-dhowaadka ayay dhammaan jireen.  La kulanka Xasharena kama duwanayn oo waagaa isugu berayay.  Mawduuca wadatashigu ku saabsanaa wuxuu ahaa xilliga la marayo iyo sidii Midowga Soofiyeeti iyo xulufadiisa loola dhaqmi lahaa, iyadoo weliba uu Madaxweynuhu Xashare la socdsiiyay inu u magacaabi doono safiirka Soomaaliyeed ee Moosko u fahdiya, inta kale ee beesha hantiwadaaguna hoos iman doonto.

Iswaraysigaa iyo wadatashigaas dheeraday Xashare waxa uu Madaxweynaha kala kulmay, siduu noogu warramay, degganaan, dhegaysi dul badan, falanqayn arrimo siyaasadeed, tixgelin cawaaqibxumida ka dhalan karta colaad Midowga Soofiyeeti loogu badheedho.  Intaa oo aanu xilligaas marna M/weynaha ka malaysanyan ayaa dareen iyo xiise cusub ku abuuray.  Subaxaas hurdadii kuma raagin isagoo xaajadan uu la kulmay rayraynteeda xejin la’.

Barqadiiba wuxuu isku qaady Golaha Ummadda oo hoggaammada xisbigu xafiisyo ku leeyihiin.  Wuxuu toos u abbaaray saaxiibkiis Dr. Maxamed Aadan Sheekh oo hoggaanka idiyooloojiyada xisbiga ka madax ahaa.  Soo dhowayn isbariidin diirran ka dib, Xashare wuxuu Dr. Maxamed la socodsiiyay wixii isaga iyo Madaxweynaha xalaytadii dhex maray iyo sida uu ilaa xilligaas ula ashqaraarsan yahay isbeddelka qaayaha leh ee ku yimid Madaxweynihii uu yiqiin.  Isbeddelkaas wuxuu u qaatay mid duruufta cusub iyo dantu keentay.  Xashare si tifaftiran ayuu ugu warramay Dr. Maxamed, isagoo ku nuuxnuuxsanaya sida Madaxweynuhu  culayska u saaray in aanay habboonayn in dawlad xoog weyn sida Midowga Soofiyeeti oo kale colaad xumi idin dhex marto, ee loo baahan yahay in xidhiidhka dibloomaasiga iyo kuwa kaleba aan mar qudha la goyn ee buundooyin waxwadaqabsi lala yeesho.  Ciidankii safaaradda M/Soofiyeeti oo heerka ugu hooseeya la gaadhsiiyayna tirada intii looga kordhiyo.  Arrimahaas iyo kuwo kale oo la hal maala inay dhammaantood noqon doonaan kuwa judhiiba uu Xashare ku shaqayn doono marka xilka safiirnimo loo dhiibo.

Dr. Maxamed intii Xashare xamaasadda ku warramayay mar qudha kama uu dhex gelin, wax su’aalna ma weydiin ee markuu Xashare warkiisa ka soo jeestay ayuu ku yidhi: “ Anigana bal hadda war iga hoo.” Warqad rogan oo miiska saarnayd ayuu soo qabtay oo Xashare u dhiibay si uu u aqristo.  Warqadda iyo warkeeda kooban, micne iyo maqsad ahaan:

Ka Socota: Madaxtooyada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaliyeed..

Ku socota: Hoggaanka Idiyooloojiyadda Xisbiga H/Wadaagga Kacaanka Soomaaliyeed.

U Jeeddo:  Jaalle Axmed Cabdi Xaashi ‘Xashare’

Jaallaha magaciisu kor ku xusan yahay ee Axmed Cabdi Xaashi “Xashare” ayaan idiin soo dirnay si uu hawlwadeen uga noqdo hoggaanka idiyooloojiyadda XHKS.
Saxiix – Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Ku darso oo Xashare marka horeba xisbiga la sheegayo xubin kama ahayn.  Intuu booday, midab doorsoomay oo cadho ismadax maray ayuu yidhi: ‘ Imminkaan madaxtooyada toos u tegayaa oo u sheegayaa waxa uu yahay. Aniga ka dib, meeshii la rabo ha la i geeyo.’  Markuu damcay inu dhaqaajiyo, ayaa Dr. Maxamed ku yidhi: “ Bal horta fadhiiso aan warka kuu dhammeeyee, ka bacdi waxaad rabtid yeel.”

Dr. Maxamed wuxuu Xashare ku kordhiyay in Madaxweynuhu markay kulanka ku kala tageen uu u ambabaxay magaalada Hargeysa, oo madaxtooyada iyo Xamarba ka maqan yahay.

Toddobaadyo sannado u dhigma ayuu Xashare ku hawllanaa siduu Madaxweynuhu u arki lahaa. . Hase ka yaabin! Waxay isa sii jiidjiidatoba iyo dhexgal ka dib, saaxiibkay Xashare waxaa la oggolaysiiyay inu noqdo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Garsoorka.

Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre waxaa u muuqatay oo si weyn isu tustay, inay suuroobi karto in Jarmalka Bari iyo Midowga Soofiyeeti, mar haddii la isku xumaaday ay waraysan doonaan Xashare oo Madaxweynuhu u arkayay inay beesha hanti-wadaagga isu dhuun daloolaan.  Sidaas awgeed, inta aanay taasi dhicin inuu isagu waraysiga kaga horreeyo, xogta ka maalo, Xasharena sidaas ku soo xera geliyo.  Waana siday u dhacday.

Siciid Jaamac Xuseen
Email: [email protected]

Xusuus qorka dhacdooyinka taariikhdu waa muhiin, si looga tago jiilka cusub. Sidaas darteed qofkii xog haya ama ciddii ay khusaysay ee ay la soo deristay dhacdo muhim ahi, ha u soo bandhigo ummadda oo yaan laga seexan.. Tusaale ahaan dhacdadii Maxamed Ibraahim Cigaal. 

—————-

Siciid waa qoraa ka faalooda arimaha Suugaanta, iyo sooyaalka dhacdooyinka nolosha oo si joogto ugu soo bandhiga degelka WardheerNews. Siciid waa qoraaga buugga ‘Safar aan Jaho Lahayn’, waana guddoomiye xigeenkii hore ee Naadiga Qalinleyda Soomaaliyeed. Siciid wuxuu deggen yahay magaalada London, UK.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.