Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Md. Cumar Cabdirashiid iyo ol’olaha doorashada

Garoowe (WDN)- Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Md. Cumar Cabdirashiid oo hadda booqasho ku jooga Puntland, ayaa ku jira ol’ole xooggan oo ku wajahan doorashooyinka Soomaaliya lagu wado inay ka dhacaan dhamaadka sanadkan.

cumar_dekadda
Md. Cumar C/rashiid, Boosaaso

Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo xilkii kaga ekaa Sebtember 10-keedii, islamarkaana ku jira tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaa dad badini aaminsan yihiin in ay wadaan falal lidi ku ah hantida qaranka , iyaga oo si ka baxsan shacriga ugaga faa’iidaysanaya hantida qaranka iyo awoodda dawladda, ol’olayaasha doorashooyinkooda.

Md. Cumar oo hadda deegaanada Qardho, Garoowe iyo Boosaaso ugaga jira ol’olaha doorashadiisa, ayaa dhamaan socdaaladiisaas kharashkeeda laga dhigaa in uu hawl qaran u socda.

” Dhawaan waxaan ku rajo weynahay inaan suurto galino in hawlaha dekadddu si weyn u kobcaan. Waana muhiim in la casriyeeyo dekadda” ayuu  sheegay Cumar mar u booqday dekadda Boosaaso.

Ilaa hadda ma jiro sharci  ama wax xeer ah oo ka soo baxay hay’adaha ku lugta leh ilaalinta hantida qaranka, ee xiliga kala guurka doorashooyinka.

cumar iyo CabdiwaliCumar Cabdirashiid ayaa lagu xasuustaa muranka dhinaca xuduud baddeedka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, isaga oo mas’uul ka ahaa saxiixa heshiikii is af garad ee DKMG la gashay Kenya.

Arintaas oo dhalisay in heshiiskassi uu gun dhig u noqda doodda dawladda Kenya horgeysay maxkamadda adduunka ee ku aadan muranka xuduud baddeedkaasi.

Wararka kale ee  naga soo gaadhaya deegaanada Bari, ayaa sheegaya in Md. Cumar iyo Cabdiwali ay si aad ah faraha ugula jiraan sidii ay u soo xuli lahaayeen odayo –dhaqameedyo u nugul hamigooda siyaasadeed, balse aanan ka tarjumayn rabitaanka deegaanada iyo beelaha ay ka soo jeedaan ama matalaan.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.