Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Opinion
  • Religion
  • Slideshow

Mudnaanta Culimada

W.Q: Cabdullaahi Janno

readingquranQaran-jabkii Soomaaliya ka dib, waxaa xigay firxad. Meelihii loo firxadayna saameyn ayay ku yeelatay Soomaalidii firxadka ahayd. Afkaar iyo dhaqamo aysan Soomaalidu ku dhiirran jirin ayaa la dhaxlay. Waxaa casrigan badatay fitnada. Meelaha lagu hoobtay waxaa ka mid ah fududeysiga culimada. Khawaarijta, ayaa ugu caansan cid isku dhereriso culimada oo sharafkooda iyo dhiiggoodaba xalaaleysatay. Waxaa runtii iyadana arrin laga argagaxo ah in beryahakan ay soo bateen aqoonyahanno qalinka ugu bareero durista iyo ku jeesjeeska culimada.

Aqoonyahannadaa markii loogu nasteexeeyo oo la xasuusiyo inaysan meel kaga dhicin Diinta Islaamka, waxay ku murmaan annagu Diinka lid kuma nihin—hayeeshee wadaadka caqli nooma ahan, diinta tarjumaan noogama ahan, gefkiisana kama aamusayno. Cajiib!

Diinta lid kuma ihi balse wadaadkan waan durayaa waxay la mid tahay iyadoo la yiri gurigaan dhisan ma duminayo, tiirka uu ku taagan yahayse masaarta kama dul qaadayo. Caqligu wuxuu ina tusinayaa in haddii tiirkii la gooyo uu guriguna dumayo. Si kale u dhig, haddii culimadii Islaamka la duro, laguna jeesjeeso, Diintii maxaa loola haray?

Soomaalidu waxay tiraah libaax nimaan aqoon baa lax ka ritee horta su’aashu waxay tahay waa kuwama culimada la colaadinayo? Lagu jeesjeesayo? La fududeysanayo? Lagu dhiirranayo? Muxaadaro uu Sh. Adam Sh. Cabdulle kaga hadlayay fadliga culimada wuxuu xusay ugu yaraan toddobo qoddob oo uu nagu xasuusinayo darajada iyo mudnaanta culimada.

  1. Waxaa qofka Muslimka ahi la amray inuu addeeco culimada (Quran 4:59).
  2. Wuxuu Ilaah waajib ka dhigay in culimada loo laabto markii la kala saari waayo xaqa iyo baadhilka (lagana fogaado caqli-caqliyeey iyo sidaan baa ila quman—Quran 21:7).
  3. Alle Weyne inuu yahay Ilaah xaq ah wuxuu marqaati u qabsaday culimada oo yiri iyaga ayaa marqaati ka ah (Quran 3:18).
  4. Wuxuu Ilaah Weyne diiday inuu simo kuwa wax garanayo oo cilmiga leh iyo kuwa aan waxba garaneyn ee juhulada ah (Quran 39:9).
  5. Wuxuu Ilaah culimada ku irsaaqay inay fahmaan maqsuudka Diinta Ilaah iyo fiqhiga—la’aantoodna aan Diinta la fahmi kari laheyn (Quran 29:43).
  6. Wuxuu Ilaah xusay in culimadu tahay dadka Ilaah ka baqo Cabsidiisa dhabta ah (Quran 35:28).
  7. Culimadu waa dadka ugu aqoonta og—oo ku baraarugo—sharta iyo meelaha dadka ay shartu ka soo gasho (Quran 16:27).

Intaa waxaa sii dheer, Xadiiskii Tirmidi ee uu Xabiibkii Ilaah—sallallaahu calayhi wasallam—inoogu sheegay in cir iyo dhulba looga soo duceeyo Culimada…xitaa kalluunka biyaha ku hoos jiro iyo quraanjada godka ku jirta ayaa u soo duceeyo culimada. Xaddiis kalena wuxuu xusay in culimadu ay ka fadli badan tahay dadka cibaadada keliya u go’ay sida nuurka dayaxuba uu uga baaxad weyn yahay iftiinka xiddigaha.

Gunaanadku waxa weeye, culimada ha laga dhowrsado. Waa qatar in la fududeysto. Kheyrka ay gacmaha kula jiraan wuu ka faro badan yahay midka aynu innagu sameyno. Nin bulshada u meerinaya Quraanka iyo Axaadiista nagu darajo ma ahan—Ilaahna wuu nooga dhow yahay. Gefkii wadaadka ka dhacana ma ahan inuu nagu xambaaro xad-gudub iyo jeesjees. Bil xaqiiqan, halkii lagu mashquuli lahaa duridda culimada waxayba aheyd in aynu garab istaagno culimada oo caqligeenna iyo cilmigeenna aan ku biirinno dadaalka ay ugu jiraan faafinta iyo difaacidda dhaxalkii Nebi Muxammad—sallallaahu calayhi wasallam.

Qore: Cabdullaahi Janno
Email: [email protected]
facebook.com/Cabdullaahijanno

—————-

Tixraac:

1— https://www.youtube.com/watch?v=UD4mFIrIf4s
2— http://sunnah.com/riyadussaliheen/13
3—Quran.com


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.