Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Natiijada Doorashada Dadban iyo Filashada Shacabka Soomaaliya

W.Q. Axmad Cabbaas Axmad (Gacma Gaab)

Odhaahda Tifaftirka: Qormadini waa daraasad ku aadan doorashada dadban ee lagu wado in ay ka dhacdo Soomaaliya dhawaan iyo filashada shacabka. Daraasaddan waxa si wacan u soo diyaariyay una qoray Cabbaas Axmad oo barre sare ka ahaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Kuliyadda Dhaqaalaha 1979 -1981, islamarkaana ka mid ahaa gudiggii farsamo ee loo xilsaaray qorista dastuurka KMG ee Soomaaliya. WardheerNews waxa ay aad u rajaynaysaa in daraasaddani ay wax badan ku kordhin doonto dhamaan dadka u kuur gala arimaha Soomaaaliya, iyada oo ay Soomaaliya hadda ku jirto wakhti xasaasi ah.

——-

In kasta oo ay jiraan dhaliilo badan oo lagu duro qaabka hirgelinta doorashada dadban ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, ma muuqadaan sababo ay gebi ahaanba ku baaqan karto doorashada 2016. Sida hadda tabaabushaha doorashada baarlaamaanku u socoto, saadaashu waxay u muuqataa in doorashada xildhibaannada labada aqal la soo gabagabayndoono inta lagu jiro sannadkan 2016. Tabaabushaha la xariira doorashada Madaxweynaha waxaa la wareegi doona baarlamaanka federaalka ka dib marka xildhibaannada cusub loo dhaariyo xilka.

Jadwal laba bilood ah ayaa dastuurku u dejiyey in Madaxweynaha cusubi magacaabo Ra’iisul wasaare, iyo in Ra’iisul Wasaaraha magacaabani uu liiska xubnaha Golaha Wasiirrada iyo barnaamijka xukuumadda cusub uu horgeeyo Baarlamaanka si loo siiyo kalsooni baarlamaan. Marka la soo hooriyo hadalhaynta jadwalka doorashada waxaa la saadaalin karaa in hay’adaha Qaran ee kala ah Baarlamaan, Madaxweyne, iyo Gole Xukuumadeed ay yeelan doonaan jiritaan dhammaystiran, ugu dambayn, bisha saddexdaad ee sannadka soo socda gudaheeda.

Inta aan loo gudbin waxa laga fili karo natiijada doorashada dadban, qoraalkani wuxuu isku deyi doonaa in uu soo bandhigo qeexid guud oo la xariirta, hor iyo horran, waxa dawladdu tahay:

Waa Maxay Dawladi?

Qeexidda guud ee dawladda waxaa ku xigi doona iftiiminta heerka Soomaaliya ka joogto dawladnimada. Is-barbardhigidda qeexidda dawladdda iyo iftiiminta xaaladda Soomaliya waxay fure u tahay in la suureeyo inta ay le’egtahay qabyada jirta iyo waxa innala gudboon si aan higsanno dawladnimo isudhan.

Dulucda qoraalkan waa bandhigid la xariirta in Madaxweynaha la dooran doono (Haddii ALLE yiraahdo) laga filayo hal-abuur hoggaamineed oo horseeda Dawlad Qaran oo dhammaystiran. Ugu dambaynti, gunaanadka qoraalkani wuxuu ku saabsnyahay kaalinta dadweynaha Soomaaliya oo ay tahay in ay ku baraarugaan lagama maarmaannimada dawladnimo dhammays ah.

  1. Qeexidda Dawlad
Dhaarinta xildhibaanada cusub

Asalka Dawladaha dunida ka jira oo dhan waa ka simanyihiin in si dawlad loo noqdo ay laga maarmaan tahay inuu jiro shacab ku nool dhul mucayan ah. Shacab iyo dhul keligood dawlad ma dhalin karaan haddii aaney jirin himilo lagu midaysanyahay. Marka shacab yeesho himilo uu ku midaysanyahay waxaa ka dhasha dhaq-dhaqaaq waddaniya oo ujeeddadiisu tahay inuu dawlad ka dhaliyo meel aaney hore uga jirin iyo inuu sii tabbageliyo dawladnimada marka la soo hooyo hanashadeed.

Ayada oo shuruudahaa laga duulayo, “Dawladi waa Hay’ad uu yeesho shacab isku himilo ah, hay’adaha kale ee jiri karana kaga soocan in dawladda aan lala wadaagin ka talinta gebi ahaan baaxadda dhulkeeda iyo u talinta dhammaan shacabka ay dawladda u tahay”. Noocyada dawldaha dunida ka jira way kala geddisanyihiin waxayse ka midaysanyihiin reebbanaanta jiritaanka awood kale oo leh abaabul muuqda ama mid naban oo dibadda ka ah xayndaabka sharciyadda dawladda. Sidoo kale, dawladi waa iney leedahay awood ay dalkeeda kaga diffaacdo duullaan kaga yimaada dibadda. Si kale haddii loo yiraahdo, “Dawladdu waa hay’adda keliya oo si xalaal ah u lahaan karta una adeegsan karta awood ciidan” (Max Waber).

Caynaanka hey’ad ay u dhanyihiin shuruudaha dawlad lagu noqdo waxay Soomaaliya hanatay taariikhdu markii ay ahayd 1dii Julay 1960-kii, hase ahaatee dawladdii noocaas ahayd waxay gebi ahaanba jiritaan beeshay bilawgii sannadkii 1991.

Fadlan halkan ka akhriso maqaalka oo dhan: Natiijada Doorashada Dadban

W.Q. Axmad Cabbaas Axmad (Gacma Gaab)
Email: [email protected]
—-

Cabbaas Axmad waxa uu barre sare ka ahaa Jaamacadda Ummadda, Kuliyadda Dhaqaalaha 1979 -1981, waxa uuna ka mid ahaa gudiggii farsamo ee loo xilsaaray qorista dastuurka KMG ee Soomaaliya.

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.