Sunday, August 19, 2018
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Nin Abeeso koriyoow, adigaa u aayin

W/Q: Axmed Khalif, 

Nin Abeeso koriyow adigaa u aayine; axdi ma lahan xabashidu lagu aaminaayee’ —waa qaar ka mid ah erayadii hees waddani ah oo ay qaadi jireen fannaaniin Soomaaliyeed.

Nin ayaa la yiri, beri, xilli diraac qaboobe ah, oo baraf xun uu dhacayo, dariiqa kula kulmey Abeeso aad dhaxameeysan, qarqartey, oo qarka u saaran in qabow dartiis ay naftu uga dhacdo. Ninkii ayaa aad uga xumaadey sida qabowgu abeesada ‘miskiinta’ ah u silcinayso; wuxuuna ugu mahadnaqey Illaah in uu iyaga siiyey dhar iyo hoy uu qabowgaan ka galey. Dabadeedna, abeesadii oo aan dareen lahayn ayuu gacantiisa ku soo qaadey; isagoo aad uga xun nafta abeesada haysa ayuu guntigiisa galiyey si ay ugu diirsato oo naftu ugu soo noqoto.

Waqti gaaban ka bacdi abeesadii qabowgii waa ka ba’ay, naftiina waa ku soo noqotey. Ileyn abeeso waa abeeso, illeyn abeeso axdi ma laha, ee markii ay soo noolaatey ayey ninkii micida la gaartey. Ninkii, oo suntii abeesadu gaartey – oo markaan isaga naftu dhibeyso – ayaa yiri: ‘Ma anigii guntigeyga ku galiyey ayaad sidaan iigu abaal guddey?’ Abeesadii ayaa iyadoo si xarago leh u sii dulandulcaynaysa ugu jawaabtey: ‘Nacas, miyaadan ogeyn collaadda annaga[noocayga] iyo adinka[noocaaga] waligeed naga dhaxayn jirtey?’

Xigmadda sheekada ku jirta waxay tahay: cadowgaaga mar walba iska jir, ha u gargaarin,; marka u liito (ama iska dhigayo inuu liito) ha soo dhaweysan. Waxaa halkaa ku soo aroorey maahmaahda soomaaliyeed oo oranaysa: ‘Nin Abeeso koriyoow adigaa u aayin’—ninkii cadowgiisa gargaara isagaa shalaayi doona markuu halakeeyo.

Waxaa maanta  ninkii abeesada koriyey ka dhigan Soomaalida, oo iska hilmaantey cadaawadda soo jireenka ahayd ee u dhaxaysay iyaga ( Soomaalida Soomaaliya iyo kuwa ku nool dalalkaas intaba) iyo Itoobiya iyo Keenya. Soomaalidu iskama hilmaamin oo kaliya cadaawadda kala dhaxaysa qowmiyadahaas ee walibana waxay hoosta  soo gashadeen cadowgoodii, iyagoo ku soo dhaweeyey dhulkooda si xisaab la’aan ah.

Soomaaliya iyo labada waddan ee dariska la ah ee Itoobiya iyo Keenya ayaa waxaa ka dhexeeya calaad soo jireen ah oo ku salaysan dal iyo diin; haddana labadaa wadanba waxaa maanta Soomaaliya ka jooga ciidan milatari ah oo aan tiradiisa runta ah la ogeyn. Ciidamadaas oo aan wax fasax ah ka haysan dowladda Soomaaliya, waydiisanna markii ay dalka soo galayeen,  ayaa dowladdahoodu ku andacoodeen in ay fasax ka haystaan ururka dowlad gobolleedka IGAD, oo u xilsaartey in ay Soomaaliya kala diriraan malayshiyada xagjir ah ee Alshabaab.

In badan ayaa Soomaalida dhexdeeda aanimsan in Alshabaab ay yihiin ciidamo cadow shisheeye [Itoobiyaan iyo Keenyaan ) ah oo iska dhigaya, isu ekaysiinaya Soomaali; iyo waliba in iyaga iyo ciidamada waddamada deriska ah ka jooga soomaaliya ay ka dhaxayso wadashaqyn hoose; waxaana hubaal ah in marmar badan isku dan noqon karaan.

Alshabaab ayaa dantooda ugu wayn tahay in ay soomaalida dhulkeeda[soomaaliya] ka tirtiraan oo ka saaraan dhimasho ama nonol: dead or alive. Ciidamada AMISOM, gaar ahaan waddamada deriska ayaa iyagoo Alshabaab la wadaaga tirtiraanka soomaalida looga tirtirayo dhulkeeda, waxaa u sii dheer inay doonayaan in dhibta Soomaaliya sii dabo dheeraato si ay ugu sii socoto lacagta ay Qaramada-middoobey ku siiso shaqadaas.

Sidaa darteed ayaa labadoodaba waxay dantu ugu jirtaa in dhibta Soomaalidu sii dheeraato; taa waxaa markhaanti ka ah, in 22,000 oo ciidamada AMISOM ah labo iyo toban sano Soomaaliya joogaan,  Alshabaabna aan wax ka taaban karo looga qaban.

Waxaa taa ka sii daran ahna Khatarta uguna dhow ee maanta Soomaaliya haysata, waa malaayiin Itoobiyaan ah oo dalka iska soo galey, walina ku soo qulqulaya. Kumanyaal dadkaas ah oo dhalinyaro ah ayaa la sheegey in ay maalin walba soo galaan Soomaaliya. Dadkaas ayaa mar hore buuxdhaafiyey gobollada koonfurta Soomaaliya oo dhan, siiba  caasimadda dalka ee Muqdisho, yagoo sheeganaya inay yihiin Soomaalli, ka timid gobollada Bay iyo Bakool kuwaas oo ay iyaga hore qaateen. Waxaa kale oo la sheegey in dadka loo yaqaan barokacayaasha, ee la dejiyey, guryahana looga dhisay duleedka magaalo kasta oo Soomaaliya ku taal,  ay inta badan dadkaas yihiin.

Gobollada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya (Somaliland) oo dadkaas, ku ilmo dhaleen, aadna ugu faro badan yihiin ayaa waxa looga yaqaan oo ay sheegtaan Oromo; waayo waxay ogyihiin shakiga (cuqdadda) ay siyaasiyiinta gobolladaas ka qabaan dadka gobollada koonfureed ee Soomaaliya iyo xiisa (jacaylka) ay u hayaan Itoobiya. Waxaase la ogaadey in Oramadaas marka ay xoogaa ka bartaan afka Soomaalida ay u sii gudbaan gobollada kale ee Soomaaliya iyagoo sheeganaya in ay yihiin soomaali reer waqooyi ah.

Magaalada ku taal xeebta Badda Cas ee Bosaaso, ayaa la sheegey in maalin walba in dad badan oo dhowr kun oo dharinyaro ah lug ku soo galaan, iyagoo ku andacoonaya in ay yihiin tahriibayaal u socda dhanka Sacuudi-Caraabiya, oo doonayaa in ay Boosaaso doonyo ka raacaan oo kaliya. Waxaa kale oo la sheegay in magaalooyinka Boosaaso, Baydhabo iyo kuwo kale oo badan ay ka furan yihiin iskuullo Af-soomaaliga lagu baro dadkaas, marka ay Afka-soomaalida in yar ka bartaana ay dalka dhinac ka galaan oo sheegtaan in ay yihiin Soomaali ka soo barokacday koonfurta Soomaaliya (Bay iyo Bakool).

Waxaa xaqiiqa ah in ay yar tahay, ama aysan jirinba, inta dalka ka gudubta; sidaa darteen ayey maanta Boosaaso ugu sugan yihiin dad tiro badan oo iyaga ah, halka intaa in ka badan oo Af-soomaalida baratey ay dalka isaga dhexgalaan. Dadkaas ayaa Soomaaliya ka qabta shaqooyin hoose oo ay ku gabadaan, sida shaqooyinka guryaha, makhayadaha shaasha iyo kuwa cuntada; qaarkood ayaa tuulooyinka xoolaha u raaca; qaar kale waxay galaan gancsiyo yar yar oo ay isku qariyaan, sida gaarigacanleyaasha, waratada, iyo dukaamada bagaashka.

Soomaalida  ayaa aad ugu gargaarta dadkaas, iyagoo u arka inay yihiin ‘masaakiin’ Oromo ah oo ka soo cararaya dhib iyo cadaadis ay ku hayso dawladda Itoobiya, gaar ahaan qowmiyadaha Tigreega iyo Amhaarada, laakiin xaqiiqada dhabta ah sidaa way ka fog tahay. Dadkaas oo isu jira qowmiyadaha Itoobiya oo dhan, dowladdooduna wax la ogtahay, ayaa ujeedadoodu dhabta ah tahay in dhulka Soomaaliya — baaxadda wayn leh, barwaaqada ah, laakin aan cidna lahayn — ay iyagu yeeshaan.

Sidee haddaba taasi ugu suurtogeleysaa? Waxay ugu suurtogaleysaa sidii ay ugu suurtogashey Yahuud –  oo 5% ka ahayd dhulkii Falastiin – in ay Falastiinta oo 95% ka ahaa dhulkoodii ka qaadeen: Waaa in dadka Soomaalida ah ee reer baadiyaha (Bedouins) ah, ee dhulkaan ka hor taagnaan jirey ay dalka ka baxaan, dhimasho ama nolosha oo wax dhinta iyo wax carara noqdaan. Si aysan dhulka ugu soo noqon Soomaalidii horey uga baxdey – illaa inta ay isaga baaba’ayaan dalaka ay u qaxeen – inta gudaha ku harteyna ay uga baxaan, oo dhintaan ama naftooda ula cararaan, waa in dhibta Soomaaliya sii dabo dheeraataa, qarax iyo dilal qorsheysanna lagu mariyaa.

Waayeelku [dadka waaweyn] waa dhamaan doonaan, da’yartuna [dhalinyaradu] waa hilmaami doontaa”— sidaa waxaa yiri saayoonistihii caanka ahaa, noqdayna madaxwaynihii ugu horeeyey ee Yahuuda, B.G. Waxaa maanta halkii maraya Soomaalida oo intii qarannimada Soomaaliyeed soo gaartey oo garaynaysey ay sii dhamaanayaan, intii aan qarannimada Soomaaliyeed soo gaarinna aysan garaneyn qarannimo ama gobanimo waxay tahay, sidaana ay gunnimo ku ogolaan doonaan. Waxaana hubaal ah, maalin aan fogeyn – haddii aysan Soomaalidu wax kala garan inta goori goor tahay – in masaakiinta maanta ay guntiga gashanayaan ee caanaha iyo biyaha siinayaan ay si xanuun badan ku bari doonto cadaawadda taariikhiga ah inaga iyo iyaga u dhaxaysa.

Ugu dambayntii waxaan Soomaalida uga digayaa in aysan ogolaan in xasuuqa (ciribtirka) Soomaalida ee maanta ka socda Mooyaale, Tuli-Guuleed, Baabile, Hawadaay iyo meelo kale oo badan oo Itoobiya ah inuu berri ka dhaco Hargeysa, Muqdisho, Galkacyo, Bosaaso …iwm. Waxaanan u soo jeedinayaa inay ka feejignaadaan dadkaas; kana wada shaqeeyaan, yar iyo wayn, dowlad iyo shacab, sidii dadkaas dhulkoodii dib loogu celin lahaa.

War hooy soomaaliyeey maad is dabo qabotaan? 

Axmed Khalif,
Email:ahmedkhalif@yahoo.com

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2018 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.