Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya oo daah-furey Ololaha bilicda dalka

Muqdishu- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa si rasmi ah u daah furay Ollolaha nadaafadda ee bilicda dalka oo maanta ka bilowday magaalada Muqdisho, kaasoo lagu aruurinayo qashinka yaala goobaha aan loogu tala galin iyo wadooyinka magaaalda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya oo daah-furey Ololaha bilicda dalka

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shaqaalaha xafiiskiisa kala qayb qaatey qashin aruurinta waxuuna ku soo wareegay dhaamaan xafiisyda iyo meelaha ay yalaaan qashinka,waxuu kaloo soo eegay afaafka hore ee madaxtooyada oo laga wadey Ollaha nadaafada. Waxuuna ku dhiiri galiyey shaqaalaha xifiiskiisa inay ilaaliyaan nadaafada dalka iyo bilicda wadanka si loo helo deegaan nadiif ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegey in ollolahan uu noqon doono mid qaran bil walba Khaamiista ugu dambeysa laga samaynayo dhamaan gobollada dalka, waxuuna raaciyey in loo baahan yahey bulshada Soomaaliyeed in ay is abaabulaan una diyaar garoobaan sii ay iskood wax u qabsan lahaayeen.

“Caasimadda Muqdisho waa muraayada dalka, sidaas daraadeed mashruucan olalaha nadaafadda ee bilicda dalka, waxuu soo celinayaa bilicdii ay caasimadu laheyd. Horumarka uu dalku ku tallaabsanayo maalin walba waxey keentay in dadkeenu ku dhiiradaan sidii ay iskood dalkooda wax ugu qaban lahaayeen, shirkadaha maxaliga ah ee ka shaqeeya nadaafadda waxaa fursad loo siiyey in kaalintooda ay qaataan. Nadaafadu waa waajib diini ah oo nooga wada baahan inaan ka wada shaqeyno.”

Dhamaan xarumaha dowlada iyo degmooyinka Muqdisho ayaa laga sameynayaa Ollolah nadaafadeed, iyadoo ay Xukuumadda iyo Maamulka gobolka Banaadir hormuud u yihiin isu soo baxan lagu nafiifinayo bilicda Caasimadd.

DHAMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
[email protected]
[email protected]
Twitter: @SomaliPM


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.