Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xarunta Aqalka Sare kula kulmay guddiga la socodka arrimaha dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka. Waxana ay ka wada hadleen dar-dar gelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Md. Khayre oo la kulmay Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka

Kulanka ayaa waxaa lagu falan qeeyey heerka wada shaqayn ee ka dhaxeeya laamaha ku howlan dastuurka iyo habka looga gudbi karo caqabadaha hortaagan dhammaystirka dastuurka Soomaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo dhammaystirka dastuurka, si loogu gudbo wax walba oo dib-u-dhac u keeni kara in waqtigii loogu talagalay ay ku dhamaan wayso dib-u-eegista Dastuurka.

Guddoomiyaha Guddiga la socodka arrimaha dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay isku fahmeen wixii khilaaf ah in la dhameeyo si howlaha Dastuurkana la der-gergeliyo.

—DHAMMAAD—-
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.