Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo dalka dib ugu soo laabtay

IMG_2852 (1)
Maxamed Cumar Carte

Muqdisho, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii uu kasoo bogsaday dhaawac kasoo gaaray falkii argagixiso ee kooxda nabad diidku ay ku qaadeen Hotel Central 20-ka bishii February ee sanadkan,  waxana kusoo dhaweeyay garoonka Muqdisho xubno ka tirsan labada gole ee dowladda.

Soo dhaweynta kadib. Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa kulan soo dhaweyn ah wuxuu la qaatay shaqaalaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Waxaana halkaas ka hadlay Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW Mudane C/raxmaan Kulmiye Xirsi oo sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin iney soo dhaweeyaan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo mudo laba bilood ah arrimo caafimaad ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Mudane Carte, ayaa mahadcelin kadib, xusay xili walba inuu u taagan yahay dhismaha qaran Soomaaliyeed, mar walbana ay dhibaatooyin noocan oo kala ah dhici karaan marka lagu jiro dhismaha dowladnimada.

IMG_2910
Maxamed Cur carte Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya

“Waxaan maanta idin ogeysiinayaa in aan dalkaygii hooyo ku soo laabtay anigoo in muddo ah ugu  maqnaa dalka dibeddiisa arrimo caafimaad. Waxaan marka hore u mahadcelinayaa Ilaahay oo caafimaad i siiyay, dibna iigu soo celiyay dalkii hooyo aniga oo caafimaad qaba” ayuu yiri R/Wasaare ku xigeenka oo intaas ku daray.

Sidoo kale, ku xigeenka RW ayaa  shacabka Soomaaliyed uga mahad celiyey dareenkooda ku dheehen wadaniyada iyo  sida ay ula soo xiriir jireen markasta si ay wax uga ogadaan xaladdiisa caafimaad, waxaana uu sheegayaa in xaaladiisa   caafimaad ay tahay mid wanaagsan, maanta laga bilaabana shaqadii uu qaranka ugu dhaartay uu halkeedii ka sii wadi doono.

–DHAMAAD–

Waaxda Warfaafinta Xafiiska RW
Muqdihso, Soomaaliya


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.