Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Opinion
  • Slideshow

Saakaan Saada Tebayaa

W/T: Dr. Cali Baxar

Odhaahda tifaftirka: Bahda WardheerNews waxa ay la wadaagaysaa akhristayaasheeda sharafta leh qoraalo, iyo suugaan taxane ah oo isugu jira Af Soomaali iyo Af Ingiriisi oo ay waxgaradka Soomaaliyeed ku xasuusanayaan Alle ha u naxariistee  fanaanadii caanka ahayd ee Xildhibaan Saado Cali Warame oo dhawaan koox wax magarato ahi ku dileen magaalada Muqdisho. Tixdan gabay ayuu Cali Baxar kula wadaagayaa  Abwaan Shiine oo horey gabay uga tiriyay dilka Saado.

______________

Sax baad tahay Abwaankow, Saada iyo sifeynteed,
Summad sudhan Albaabada, Sahal lagu Ilaaweyn,
Sidaad adigu sheegtaan, Saakaan Saada tebayaa,
Soomaali badankuna, Sid maanta lagu Jiro,
Siliciyo sadkani lumay, Saada ay ka dhiidhiday,
Si cad uma dhawaaqaan, Sirbay hadal ku tabiyaan,
Sanqadh dhagaha taagaan, Sida Adhiga didayaan,
Seylad lagu xereeyaa, Sumal iyo Sabeenaha,
Ogaan loo sadqeeyaa, Suuqa meydku wadhanyahay
Saakaan Saada Tebayaa Seefteedi maqantahay

Sidan daaya cidi odhan, Soomali ba’naa?
Sina umma gadoodaan, Sankaa xadhiga loo sudhay,
Sida Awrka loo raray, Su’aal kama hor keenaan,
Sunbaa Lagu Afuufaa, Qabiill lagu sasabayaa,
Siduu Gaariye u digay, Maxaa Samihii laga tegay,
Summad iyo Dir-sooc iyo, Muxuu Sabi Qabiil dilay,
Sabab La’aan a gowracay, Dhiigiisu Subag yahay,
Soortii ubadka loo siday, Ragbaa Sacabka buuxsaday,
Soomaali kala guur, Xumaan lagu sifoobiyo,
Saadaan dilay Amaan tahay, Sir u dooxu sharaf yahay,
Saakaan Saada Tebayaa Seefteedi maqantahay

Sasabuhu colaad dhalay, Seefo la Isla dhacayaa,
Sawirkani kharibanaa, Soomaali Ba’naa?
Samir iyo Islaamnimo, Sina loogu kari waa,
Same kii ka taliyana, Sankaa laga qabsanayaa,
Suuqaa lagu deldelaya, Sina uma Ammaan helo,
Maantaan Saada Tabayaa, Sidan dhaama maqantahay,
Sidii lagu aqoon Jiray, Soodkii macaana,
Soomalinimadii, Soo Jeedkii Qarannimo,
Suugaantan dhaawacan, Saakaba ayaa u kici?
Siinlayda yaa Tirin, Soo xidhan Cunaabida,
Halkii Saada noo gali? Allow Samaha Aakhiro,
Sariirtii Janada Gee, Soomaali Idilkeed,
Samir Ka Sii Intii Jecel.

Aamiin.

Cali Baxar
Email:[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.