Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Sahankii Richard Burton ee Afrikada Bari: Cutubka 3- Tamashlihii Agagaarka Saylac

Tarjumo & Tifaftir Boodhari Warsame

Sagaalkii Nofeembar ayaannu go’aansannay in aan booqanno jasiiradda Sacaadadiin, waa midda wayn laba jaamood oo dhul gooni u go’an oo qiyaas ahaan laba mayl magaalada dhanka waqooyiga ka xiga. Hal saac oo shiraacasho xooggan ah ayaannu ku gaarnay meeshii aannu u soconnay.Waxaan sii dhex marnay jiq geedgaab ah oo ay dhoobanyihiin xooman dukhsi biyood ah. Hawadu waa qoyaan dhaxan iyo qandho wadata, urkuna waa dhir dhimatay oo geeri ka soo kamkamyso. Waxaa xiga ban qalallan oo ciiddu xaani milix la caddaatay tahay oo bal caddaaday iyo gummudyo daran ah ka taagtaaganyihinn, kulayl la sunsumaya, dhir duqowdayna ka buuxaan. Halkan ayay dadka degaanku ku sheegaan in ay ahayd meeshii ay ku tiil Saylacdii hore ee Carabta Yamaneed dhiseen. Sheekabaralayda waxaa lagu sheegaa in markii Sacaadaddiin la hareereeyay ee uu dilay David, boqrkii Itoobiya, ay ceelasheedii gureen magaaladiina sidaa ku duugantay. Wax aan shaki ku jirin oo qax sababay ayaa dabadeed dhacay. Waxaa dhacay wax shaki la’aan in laga guuro kallifay. willashii halyaygaa Muslimka ahaa ayaa waxay u carareeen Axmad Ibn Al-Ashraf, amiirkii Sanca, iyagoo u ballanqaaday in ay xukunkiisa daacad noqonayaan oo hoos tegayaan haddii uu difaac u dhiso, Kiristaanka Xabashida ahna uga hiilliyo. Natiijadu waxay noqotay xiriir darbiyo ah oo ku wareegsan meesha Saylac hadda ku taal, meeshii ay markii hore ku tiil waxaa la oran karaa waa ‘periêre ruinae’ [burbur sii burburay].

Richard Burten
Sir Richard Burton

Intii aan Sharma’arke la joogay, marar badan ayaan warsaday kaydka qoraallada taarikheed, dabadeedna qaaddiga Maxamad Khadiib, nin reer Harar ah oo qabiilka Hawiye ka dhashay, ayaa ugu dambayntii lagu qanciayay in uu soo dhiibo Diiwaankiisa, ama warqadihiisa xafiiska, si aan u cilmibaaro.Waxay u dhignaayeen sidii diiwaangelinta tuulaad ee dhalashooyin, dhimashooyin, guurar, furriinno iyo xorayn addoommo ay ku qoranyihiin. Waxaan qoraalladaa ka dheehday in sanadkii 1081 H . (1670-1) ay Sayiddiintii Shanaabiladu qaaddiyaal ka ahaayen Saylac ayna jagada xafiiska hayeen 138 sanadood. Laba fac ka hor ayay jagadii ku soo wareegtay Maxamad Muuse oo Hawiye ka dhashay, qaaddiga hadda hayaana waa wiil uu adeer u yahay.

Asalka taariikhda Saylac, ama sida dadka degaanku ku magacaabaan ’Awdal’, waxay ku luntay ceeryaamada sheekaxariiraradii Finiiqiyiinta. Cafalidii Priplus iyo Pliny sheegay waxay bilowgeedii hore ku tiirsanayd boqortooyadii Aksuum . Abbaarihii qarnigii 7aad, markii Carabta Koofureed ay gudaha Xabasha u galeen , waxay noqotay warshaddii weynayd ee xeebta bari, waagaa oo ay gaadhay barwaaqadii iyo quruxdeedii ugu sarreysay. Taqi al-Diin Markiisi wuxuu ku sheegay Saylac meel dhacda masaafo 43 maalmood loo sii socdo oo 40 lagaga yimaado, wuxuuna u qaybiyay toddoba degmo oo waaweyn oo ku dhowaad konton af looga hadlo, halkaa oo ay ka taliyaan amiirro hoos tagta Hatiga (Hatze) Xabasha.

Qanigii 14aad waxay caan ku noqotay dagaalladii ay la gashay boqorradii Xabashida. Ka dib markii jabab culus loo geystay ayay Muslimiintu dekeddooda dib ugu gurteen, taasoo difaac nafhur daran ah ka dib gacanta u gashay Kiristaanka. Dhulka waa la mooraduugay, masaajiddii waxaa loo beddelay kaniisado, Xabashidiina buuralaydoodii ayay ku laabteen iyagoo bililiqo wehel leh ku raran. Qiyaas ahaan sanadkii 1400, Sacaadadiin, waa amiirkii geesiga ahaa ee Saylac e, ayaa magaaladiisii waxaa ku hareereeyay Hati David II . Markii gantaal waran lagu dilay dadkiisii wuxuu uga tegay tabardarro cadowgoodii u gacan gelisay, ilaa wiilashiisii Sabru Diin, Cali, Mansuur iyo Jamaaluddiin ay dib u soo nooleeyeen halgankii Islaamka.

Abbaaraha sannadkii 1500, Turkida ayaa Yaman qabsaday, Janisaariyiintii mooryaanta ahaa ee ”ku noolaa dhiigmiiradka ganacsiga”na ganacsatadii lala heshiin karay ee Carabta waxay u cayriyeen xeebta dhankeeda kale. Ganacsigii Hindiya oo isla cadowgaas ka soo cararay ayaa dabadeed soo magan galayAwdal iyo shurakadooda dhexdeeda . Turkidii Caraabiya, in kasta oo ay ka indhaxirnaayeen arrintan, ganacsiga boqortooyooyinka ka hor jeeda u yaacay waa ay ka xumaayeen. Sidaa awgeed ayay Saylac la wareegeen, halkaas oo ay hog tuugo ka dhigeen. Dabadeed wax ay ku magacaabeen xarunta aqalka kastankana ayay ka fureen meesha. Dabadeed, iyaga oo xaruntaas iyo maraakiib dariiqyada cariiriga ah ee Baab al Mandab wareegta adeegsanaya ayay ganacsigii Hindiya ee Awdal ku socday duween aadna u taakuleeyeen, si ay magdhaw ugu noqoto qaxii rabshadooda iyo caddaalad darradoodu ay Caraabiya ka sababeen.

Tallaabadani waxay khatar ku ahayd jiritaanka Awdal iyo Xabasha, labadaba. Marka la eego dawladnimada xooggan ee midkood iyo siyaasadxumada fikradaha gurracan weheshatay ee midda kale, waxay aad ugu badantahay in ay Turkidu labadaba jilbaha dhulka ugu dhufan kareen haddii Hindiya oo ulajeeddadooda ugu weyni ahayd aysan Boortaqiis dhidibbo xoogan mutay ugu tageen.

Halkan ka akhriso: Sahankii Burton-Cutubka 3- Tamashlihii Saylac

Tarjumo & Tifaftir Boodhari Warsame
Email: [email protected]
_________

Boodhari waa qoraa tarjumay ama gacanta ku haya buuggaag badan oo qiimo taariikheed ku leh Soomaaliya. Waxa uuna si joogto ah qoraaladiisa ugu soo ban dhigaa degelka WardheerNews.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.