Monday, December 18, 2017
Wardheer News
  • Book Shelf
  • Camels and Poets
  • Everyday People
  • History
  • Maqaallo
  • Slideshow

Sahankii Richard Burton ee Afrikada Bari Cutubka II Nolosha Saylac

Tarjumo & Tifaftir Boodhari Warsame

Kugu daalin maayo gacaliye L[umsdenoow] faallada 26 maalmood oo aan wax la sheegaa dhicin, isu wada eg, oo aan wax xiise ah lahayn. Maalmo hurdo, beeb nuugid iyo qaxweysi Saylac la isku dhaafshay uun iska dheh. Intii waddo lagu safro la sii raadinayay, dalmariyeyaal ayaa la sii xulay, awr gaadiid ah ayaa la iibiyay, dameerro ayaa loo cid diray, waxyaalihii socdaal Afrikaan sahaydi looga walwal qabay oo dhanna waa la qalqaaliyay. Laakiin, sadcaal dhul Soomaaliyeed in uu wax wanaagsan kula yahay ayaa dhici karta, wixii aan kala kulanno se si kooban oo waafi ah ayaan kuugu soo tebin doonaa.

Richard Burten
Sir Richard Burton

Oogta hore ee waaberi ayaannu kacnaa, annaga oo mahadinaynna in aan kaneeco iyo huur ka baxsannay. Ardaaga ayaan u baxnaa, halkaa oo cibaadada lagu guto, dabadeedna aan isku mashquulinno daawashada deriskeenna. Laba ruux oo dadkii deriska ka mid ahaa ayaa gaar ahaan i xiise geliyay. Waa laba gabdhood oo walaalo kala hooya ah. Midi waa gabar yar, dafdaf u dhalatay, oo hooyadeed Hindiyad tahay. Midabkeeda shukulaadka u eg, timaha dhaadheer iyo sanka sida shimbirta baqbaqaada qaroofan ayay aad uga helaan akhyaarta Saylac. Iyaduna waxay ku soo jiidataa timo shanlaysi, ciyaar, hees iyo gabdhaha shaqaalaha ah oo ay dhangalaasayso mar Alla marka ay nin xiisaynaya sheedda uga jeeddo. Inteenna miyirka qabtaa marka aannu aragno waxaannu soo xigannaa baydadkaan caanka ah:

Boqor aan caaddil ahayni waa daruur aan roob lahayn
Caaqil aan wanaag gellin na waa beer aan badar lahayn
Dhallinyaro aan edeb lahynina waa faras aan xakame lahayn
Waayeel aan murti lahaynina waa dhul aan biyo lahayn
Dumar aan xishoonna waa kibis aan milix lahayn.

Gabadha kale waa marwo Xabashi ka soo jeedda oo midabkeedu wax yar ka madowyahay Jibsi , gambadeeda buluugga ifaya ah iyo maryaheeda aadka u xarxardhan ayaana quruxdeeda sii muujinaya. Wejiga ayay khaddaab ku leedahay. Daliig muuqata ayaa foodda laga soo bilaabo ilaa sanka caaraddiisa ka siman. Sunniyaha dhexdooda ayay calaamad farraar saddexfarrey ah ku qurxisatay, afka dhinacyadiisa iyo wajigana dhibco qurxinaya ayay ku leedahay. Waxay maalinta isku dhaafisaa in ay gabdhaha shaqaalaha ah kormeerto, dermo falkin iyo shaqada dunxariirinta u dhiganta ee waddankan laga qabto. Dhakhso ayaannu isu barannay, ilaa heer aan salaanta is dhaafsanno. Waa se ka shallaytaysanahay in aan iraahdo xoogaa fadeexo ah ayaa laga sheegayay deriskayga soo jiidashada leh. Mar iyo ka badan ayaa lagu qabtay iyada oo mid meel durugsan gacmaha uga baaqaysa.

Lixdii subaxnimo markii ay ahayd ayaan quraac badanaa ka kooban muufo badar laga sameeyay iyo solay idaad u soo degannay. Waqtigan la joogo caafimaadqab iyo nolol xalan ayaan sheeganayaa. Faratir ayaa garka hoostiisa la ii suray, sidii aan ilmo yar ahay, canaanna dhegahaa na loo saaraa marka aannu cunnada laasan weynno. Mar walba martida timaadda waa soo dhoweynaynnay. Halka aan fadhinaa waa sagxad goglan oo gambarro qoolaab u yaallaan, cunnada aad baan u boobnaa, cabbitaanna ma kala joojinno.

Cirwaynida Afrika waa wax naga yaabiyay! Halkii wiqiyad [28 garaam] oo aan Carabaha ku cuni jirnay ba lix ayaan halkaan u saarnaa. Biyaha macaan ee nooga dambeeyay wiyeerkii Isha Yamaneed ayay u badantahay in ay noogu wacanyihiin. Quraacdan arooryo waxaan ku khatinnay qaxwe iyo beeb, dabadeedna shaqadeennii uun hurdada ahayd ayaan isaga noqonnay. Mar dambe oo kutub barakaysan oo Carabi ku qoran la i siiyay ayaan isu diyaariyay in aan martida imanaysa qaabbilo. Darsin darsin ayay u yimaadaan rag midkoodna uusan shaqo mashquulisa lahayn. Kabaha ayay kaadka aqalka ku siibaan oo soo gudbaan iyagoo go’yaashooda huwan. Warmaha ayay dhinac ku tiirsadaan, iyagoo caaradda kor xijinaya. Kuwooda seefaha oo calaamad akhyaarnimo Bariga Afrika ka ah sitana cagahooda ayay dhigtaan. Gacanta oo dhan ayay isku salaamaan (mar aan faraha uun soo taagay waa la iga canaantay), marka si edboon gacmaha la isu sii daayana, labada qof kooda hooseeya [ama darajada yar] ayaa gacantiisa mariya xorta maradiisa.

Wax u dhigma anshaxa iyo maamuuska reer Yuurub ma laha. Maamuusid oo dhan waxay ugu magac dareen Shuql al-banat, ama ‘shaqo gabdheed’, waxayna isku la weynyihiin in ay tooda ku saxanyihiin, waa boor-isku-qarin cawaan dhagareed e. Laakiin, sidaa si la mid ah ayay uga maranyihiin isyeelyeel, khajilid iyo afxumo ba. Isku soo wada xoori oo, maamuus xumada waaba laga helaa carrigan.

Mararka qaarkood Maxammad Sharma’arke, curadka barasaabka, ayaa saacadahaas oo kale na soo booqda. Waa soddon jir qiyaastii, qof dheer oo dhuuban se is haysta, aan gar lahayn oo midab furan. Indho waaweyn iyo luqun dhererkeeda gabari jaman lahyd ayuu leeyahay. Meesha kaliya ee uusan ilqabadka ka lahayni waa afka oo soo yara foocsan – waa calaamaddii aan lagu kahdoomayn ee dhiig Afrikaan e. Dhaqaaqiisa xoog iyo laylsani ayaa ka muuqata. Si wacan ayuu booddada u yqaan, waa orodyahan, waranka si fiican ayuu u ganaa, waana nin la qaadan karo. Tolki nin wax bartay ayay u tiriyaan, maadaama uu waxbarshada maaddiga ah Mukha ku dhigtay. Sida aabbihiis oo kale ayuu hadiyadaha necebyahay oo iska la weynyahay. Si isku day dhib leh ah ayaan ugu qanciyay in uu iga guddoomo khariido yar oo Qaaradda Aasia ah iyo bastoolad rifoolfar ah. Xiisihiisa ugu weyni waa kutubta. Wuxuu iga amaahday Abu Qaasinkeygii , si uu u soo dheegto, in uu cilmiga diinta ka hadlana ka ma daalo.

Indhaha ayuu ka yara arag yareeyay akhris badan dartii, waxaana ku filan uun ka farxin yar in uu ka mahadceliyo. Maxammad hadda waa wiilka ugu weyn, wuxuuna u muuqdaa mid magaca qoyska xambaari doona, maadaama uu mar horeba 10 dumar ah soo guursaday. Ha se ahaatee, laba wiil oo carruur uu dhalay ah waxaa dilay badowda Ciisaha. Subax walba marka uu aabbihii la kulmo gacanta ayuu ka dhunkadaa, isaguna wejiga ayuu gacan salaax ah ka mariyaa. Wuxuu ku taamaa dowladda Saylac, wuxuuna sugayaa, si tan Xaajiga ka macquulsan, maalinta Berbera ay milkigiisa soo galayso oo ay dahab waliinjada ugu harqin doonto. ‘Calool nugaylka’ aabbihi oo kale innaba ka ma muuqdo. Wuxuu u ololeeyaa ciqaabidda daran, si uu tolkii meel isaga xirana gabar Carab ah ayuu guursaday oo aan qof qaangaar ah iridda ka furayn. Somaalidu sida Isbaanyoolka oo kale ayay ku leeyihiin ‘ annaga ayuu naga mid yahay, in kasta oo uu xoogaa naga maalqabeensanyahay.’ Markii se waayuhu is beddelaan oo nasiibku wareego, in ay hadalkooda ku saxanyihiin ayay u badantahay.

Martida kale waxaa ka mid ah Amiir al-Baxri ama Kabtanka Dekedda iyo Naqiib al-Caskar (taliyaha goobta), Maxammad Cumar al-Xamuumi. Kani waa mid ka mid ah tacabbirayaashii Xadramawd ee aadka ugu badan waddammada Carabta deriska la ah oo dhan. Waa uun iska tabtii Iswiiska Bariga .

Halkan ka akhri: Sahankii Richard Burton ee Afrikada Bari Cutubka II – Nolosha Saylac

Tarjumo & Tifaftir Boodhari Warsame
Email: Bodhari.warsame@gmail.com
_________
Boodhari waa qoraa tarjumay ama gacanta ku haya buuggaag badan oo qiimo taariikheed ku leh Soomaaliya. Waxa uuna si joogto ah qoraaladiisa ugu soo ban dhigaa degelka WardheerNews.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2017 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.