Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Sahankii Richard Burton ee Bariga Afrika: Cutubkii 9-aad: Harar ilaa Berbera

Tarjumo & Tifaftir Boodhari Warsame

Cutubkii 9-aad: Harar ilaa Berbera

Subaxii Sabtida, Janawari 13, ayaa intii aysan qorraxdu soo baxin wax badan ka hor gammaankii la kooreeyay, la xakameeyay, oo alaabteennii yarayd lagu raray. Quraac degdeg ah ka dib, ayaannu odaygii Suldaanka  dhufaanka ahaa gacanqaadnay, oo inta gaadiidkayagii fuulnay waddooyinkii cidlada ahaa ciribta ku sii dhufannay. Isla markiiba, tabardarridii iyo xanuunkii ba waa i daayeen, illeen farxadi waa daawo culus e! Wardiyeyaashii oo gudaha kadaloob dab ku kulaalaya ayaannu salaan cod dheer ku sagootinnay. Markii aannu irdaha ka sii baxaynnay ayaa culays werwer iyo dareen lehi sidii dirac bir ah oo aan gashanaa iiga dhacay.

Richard Burten
Sir Richard Burton

Haddana, sidaa oo ay tahay, gacaliye L[umsdenow], waxaan helay waqti aan baqalkayga dushiisa kaga fikiro sida guuli aanay naallo u lahayn. Halka guuldarradu ay ninka ragga ah dareenkiisa kiciso, guushu waxay u akhrisaa uun casharkii oraah murtiyeeddu lahayd guulaheenna oo dhammi waa sida ’harka iyo waxaan sii jirayn’. Kii yiri ’guuldarradu waa milixa nolosha’ isaguna run ayuu sheegay. Waa dhanaan nafta u roon, maskaxda u laylya isku day cusub, guushana qiimaheeda labajibbaar gaarsiiya. Sidaa ayuu hooskaa aan naallada lahayni dhakhso noo dhaafay.

Subaxu waa uu qurxoonaa. Waa cir aan daruur lahyn, qoraxi aanay qayirin, xayaabo lafcir ahi fiiqaqa buuraha meesha fog ka muuqda taash saartay, giraano qiiq ahi ay hareereeyeen xaafadaha wali hurda, hawaduna ay ka wacnayd tii cuslayd ee magaalada. Dhedadu iyada oo sidii kuulo dheemman waawayn ah ayay geedaha bunka ka lulatay, digiirantuna dhirta jidka dhinacyadiisa ah ayay si aan aabayeel lahayn uga ciyaysay. Aan soo koobee, waligay, hadda ka hor, wajiga quruxda dabiiciga ahi iigu ma muuqan dhab ahaantaas wanaagsan.

Horay ayaannu u sii degdegnay, annaga oo aan rabin in aan waqti luminno oo  kabaqayna ciridda Togga Erer. Toggii ayaannu jarnay, iyada oo buntukhyadu cabbaysanyihiin, dareen laga qabo warmoolay Oromo oo xas noo gasha awgi. Waxaannu soo galnay waraq afka soo kala haya, dabadeedna wadiiqo kor uga baxdana ayaannu sii tafnay. Weheliyeyaashayda aad ayay niyadu ugu dhisnayd, farxaddaa guud ahaaneedna ma dhabqin cid aan ahayn dhagarqabihii Abtidoon ahaa oo jid dadkii suuqu ka buuxaan faan aan jirin ku dheeraystay in baqalka uu fuushanyahay aannu Amiirka kaga helnay Jisyad ama baad. Xammaali oo caro la dibbiray ayaa markaa ugu hanjabay in uu bartaa ku toogto. Dabadeed, si aanan dhib yar kala kulmin ayaan aniguna xaaladdii ku dejiyay.

Garfa markii aannu maraynay, waxa aannu Midgaha ka ogaannay in Garaad Aadan uu buugtaydii u soo cid diray oo uu gurigiisa ku xareeyay. Dabadeed, si toos ah ayaannu Kondura u qabannay. Todoba saac oo duhurnimo ayaannu si nabadgelyo ah kaga gudubnay Jarka Oromada, saacad ku dhawaad ka dibna ’Alxamdu Lillaah’ ayaa naga soo kudday, markii aannu isha saarnay Shagarrax [?] iyo Banbcawseedka Maraar oo meel fog ka muuqda. Degmada markii aannu soo galnay ayaannu hubkayagii baaq ka ridnay. Dumarkii mashxarad ayay nagu soo dhoweeyeen, markii aannu deyrka sii dhaafayayna Garaado Khayra ayaa iyada oo ’Fola’ [?] samaynaysa xoogaa salool ah dusha iiga daadisay. Raggu si saaxiibtinnimo ku dheehantahay ayay noo gacanqaadeen, qaar farxadda ay ka qaadeen aragtida nolol ku soo noqoshadeenna ayay cayaar tunteen. Waxay maqaleen in nala xiray, nala garaacay, oo nala gawracay. Waxay ku dhaarteen in Garaadku uu ciidan na soo furta ama noo aarguda dumayay. Dhab ahaan, haddii aan tolkood ahaan lahayn, raynrayn badani ma muuqateen. Ugu dambayntii, Yawmul Qiyaame ayaa si qumman oo edboon inta hore ugu soo istaagay gacanta iga dhunkaday, isaga oo indhihiisa illini ku taagtaagantahay. Xataa sharaftiisii uu ku ahaa Mercurygii [dhambaalside] Sharma’arke si fiican loogu ma soorin, habeennadiisii iyo maalmihiisii daalka badnaana wuxuu ku idlaystay akhriska suuradda Y. S. [Yaasiin?] iyo tasbiixsi uu khayr ku ducaysanayo. Wuxuu sheegay in Garaadku siin lahaa neef ido ah gabdhihiisana uu mid ku sii meherin lahaae uu Shirwac ka dhabqiyay oo odayga sakhinnimadiisii u baasbaxay. ‘Inkaari kugu dhacday,  midka cagaha dhiiqada leh ku wasakheeyay durdur xareed nadiifa ah!’ ayuu ku haaraantamay Yawmul Qiyaame.

Sahankii Sir Richard Burton: Cutubka-9aad- Harar ilaa Berbera

Tarjumo & Tifaftir Boodhari Warsame
Email: [email protected]

_________

Boodhari waa qoraa tarjumay ama gacanta ku haya buuggaag badan oo qiimo taariikheed ku leh Soomaaliya. Waxa uuna si joogto ah qoraaladiisa ugu soo ban dhigaa degelka WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.