Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Book Shelf
  • Maqaallo
  • Slideshow

Saxarla

W/Q: Faarax Maxamuud

Odhaahda Tifaftirka: Waa cutub ka ma mid buugga Saxarla, ee uu qoray Faarax Maxamuud. Saxarla waa sheeko si wacan u iftiiminaysa dhibta iyo darxumadda la soo darista caruurta ku korta rajo ahaan ama aan helin waalid xanaaneeya. Saxarla waa sheeko aan ka fogeyn dhacdooyinka ka jira ama la soo darsa caruur badan oo Soomaaliyeed, isla markaana waa sheeko si qurux badan oo  tayo leh u qoran.
__________________

Iyada oo daalan, gaajo kax la ah, afkiina jiilay ayaa gaadhigii Sabaaxa ahaa ee ay la socotay Ceel-gaab soo joogsaday. Waxa ay gashanayd Kurdad yar oo korkeeda ku idlaatay oo dhinac kasta ka daloosha. Kabo ma ay gashanayn, waxaase cagaha ugu duubnaa maro calal ah oo ay jeexjeexday si ay dhagaxa iyo qodaxda isaga ilaaliso. Inkasta oo cagaha maro ugu duubnayd, haddana waxa marada korkeeda qariyey dhiig kaas oo ka markhaati kacayey cagaagga iyo darxumada ay soo martay intii ay cidla ciirsilada keligeed carareysay.

SaxarlaWaxa ay ahayd goor maqrib ku dhow oo qoraxdu sii liicayso. Baabuurkii ayaa laga wada degay, qofkastaana shandadiisii ayuu dacalka qabsaday. Dadka qaarkood waxaa sugayey eheladoodii waxa ayna bilaabeen in ay dhundhukadaan, iyaga oo soo dhowaynaya.

Intii soo dhoweynta iyo dhabana iska dhunkadku socdeen, Saxarla waxa ay ka daawanaysay gaadhiga guudkiisa. Waxa ay ahayd ruuxii ugu dambeeyey ee ka soo dega gaadhiga. Bari iyo galbeed ayey eegtay oo dhinac ay u dhaqaaqdo ayey garanweyday. Dhinaca galbeedka ayey jaleecday mise waxa ay aragtay qoraxdii oo baalka sii dhigaysa iyo mugdigii oo dhinac walba ka soo ururay.

Waxa ku abuurmay welwel iyo walbahaar iyo cabsi ka duwan middii ay miyiga ku tiqiinay. Waxana ay xusuusatay hadal ay islaamaha reer miyiga ah ay ka maqli jirtey oo ay odhan jireen “magaalo sideedaba tuug, tuug kalkaal iyo nahaab ayaa isugu tegay.” Waxana ay niyadda iska weydiisay “awal dugaag ayaan ka biqi jiraye ma bani’aadam ayaan cabsidii ugu weynayd ka qabaa?”
Intii ay meeshii gaadhigii ay la socotay ka dhaqaaqay taagnayd ee ay marba dhinac eegaysey ayaa qoraxdii si fiican godka ku libidhay, gudcurkiina isku soo gedaamay. Dadkii suuqa u soo dhaadhacayna waxa ay bilaabeen in ay guryahooda u caraabaan, iyaga oo mugdiga ka degdegsan.

Meel dhinaca waqooyinga ka xigtay ayaa waxa ay ku aragtay basas taagan oo dad badani ku xoonsan yihiin. Waxa ay dan la’aan u ugu dhaqaaqday xaggii basasku ka baxayeen. Waxa bas kasta dhinac taagnaa nin dhalinyaro ah oo xoog u qaylinaya sheegayana meesha basku u socdo. Magacyadii ay ku dhawaaqayeen waxa ka mid ahaa: Hawl-wadaag, Kaaraan, Hodan, Dayniile, Boondheere, Siinay iyo Siigaale.

Saxarla oo cabsidii adduunku isugu soo ururtay ayaa ku fekertay in ay meelahaas dadku u caraabayaan iska aaddo, waxa ayna u dhaqaaqday xaggii baskii Kaaraan u socday. Inta ay ninkii qaylinayey (Kirish-boygii) is dhinac taagtey iyada oo wejigeeda cabsiyi ka muuqato ayey xaggii albaabka gaadhiga u dhaqaaqday. “Yareey, yaa kula socda” ayuu yidhi inta uu garabka xoog ugu soo dhegay iyada oo jaran-jaradii gaadhiga sii fuulaysa. Cod gibin ah oo daal iyo rafaad ka muuqdo ayey hoos ugu tidhi “cidna.” Isaga oo weli garabka ka haya ayuu weydiiyey in ay lacag haysato iyo in kale, ka dibna madaxa ayey ruxday iyada oo ka wadda maya. Inta uu xoog u tukhun tukhiyey ayuu ka sii daba yidhi “ka dhaqaaq meesha isla-wareegto yahay.”

Iyada oo yaaban oo garan la’ dhinac ay u dhaqaaqdo ayaa bas kale agteeda soo istaagay. Haweenay dadkii baska ka soo degay ka mid ah ayaa waxa ay isa salaaneen haweenay kale oo baska soo joogsadey sugaysey. “Naa Caasha iska waran beryahaan laguma arkine, tii baska ka soo degtay ayaa weydiisay…waa nabade adigu reerkii ka waran” ayey ugu jawaabtey. Intii ay wada hadlayeen sidii qof garanaya ayey Saxarla inta ay is agtaagtay afkooda daawanaysey.

Haweenaydii gaadhiga sugaysay ayaa tii baska ka soo degtay weydiisey xilliga maqaariibta ah meesha ay u socoto. Waxa ay ugu jawaabtey in ay suuqa u socoto oo caruurteeda Suuqa Xamar-weyne dhar uga soo iibinayso. “Alla waan ilaawey…ilaa berrito waa ciid” tii kale ayaa tidhi, inta ay afka gacanta saartay.

Waxa ay Saxarla xusuusatey saaxiibteed Sugan oo maalmaha ciidda ah dhar cusub oo qurux badan waalidkeed u soo iibin jirey; iyo su’aalihii ay Sugan weydiin jirtey ee ahaa “miyaan adiga dharka ciidda laguu soo iibin?” iyo jawaabtii ay siin jirtay ee ahayd “aniga hooyaday way dhimatay.”

Waxa ay gashay riyo dheer oo hooyadeed dib u xusuusisay. Waxa ay sawiratay iyada iyo hooyadeed oo inta ay suuqa isu raaceen ay u iibinayso dhar qurux badan oo ay ka muuqato farxad iyo rayn-rayn. Waxase ay ku soo baraarugtay iyada oo labadii haweenay is leeyihiin “macasaalama iyo ciid mubaarak.”

Haweenaydii suuqa u socotay ayey iska daba gashay si ay u aragto suuqa wax lagu kala iibsado. Maadaama uu gabalkii sii madoobaaday, waxa ay ku dedaalaysay in aanay haweenayda ay daba socotaa jaanta ka goosan, isla markaana waxa ay iska ilaalinaysay in aanay haweenaydu dareemin in cidi daba socoto. Aakhirkiina waxa ay gaadheen suuqii Xamar-weyne oo sida dharaartii u iftiimaya.

Weligeed intii ay jirtay indhaheeda ma saarin meel la mid ah…waxana ku dhacay indho-daraandar iyo ashqaraar. Waxa ka yaabiyey bilicda meesha ka muuqata, dhalaalka iyo walac-walacda nalalka iyo quruxda dharka iyo alaabooyinka kala duwan ee la iibinayo. Waxa ka yaabiyey iyada oo gudcur dhex socotay in iftiinka ka muuqda dartiis suuqii ula ekaaday in waagii u beryey.

Dad badan oo suuqa wax ka iibsanayey waxa la socday caruurtoodii oo dharkii ciidda loo iibinnayo. Waxa Saxarla aad uga yaabiyey quruxda iyo dhalaalka ka muuqda hablaha yar-yar ee da’deeda ah ee waalidkood la socday. Waxa ay niyadda iska tidhi “haddii hooyaday noolaan lahayd aniguba sidooda oo kale ayaan u ekaan lahaa.”

Suuqa oo ahaa meel dadkii aad uga batay oo qofba qofka kale riixayo si meel uu maro u helo, cidina ma dareemin ilmaha yar ee keligeed meesha taagan; inkasta oo dhowr qof ku yidhaahdeen “yareey meesha ka leexo yaan lagu jiirine.”

Inkasta oo ay hooyadeed iyada oo yar dhimatay oo xataa aanay xusuusan karin sida ay u ekayd, midabkeeda iyo muuqaalkeeda toonna, haddana waxa ay hooyadeed marwalba ahayd qayb nolosheeda ka mid ah. Markastana waxa ay hooyadeed u ahayd muraayadda ay iska daawato ama ka milicsato duruufta ay marwalba ku sugan tahay. Waxa ayna mararka qaarkood sawiran jirtay iyada oo hooyadeed u sheekaynayso ama wax u iibinayso. Waxa ay markasta oo ay hooyadeed xasuusataba isaguna niyaddeeda ku soo dhici jirey walaalkeed Samaale oo inkasta oo uu ka yaraa ay sawiran jirtay isaga oo nin weyn ah oo la socda ama caawinaya.

Waxa Saxarla dukaanka ay daawanaysay agteeda taagnaa gabadh yar oo ay qiyaastii isku da’yihiin oo aad u xaragoonaysa oo gashan Kurdad (canbuur) aad u qurux badan, kabo madow oo aad loo soo dhalaaliyey, timahana si fiican loogu soo feedhay oo muudsanaysa nacnac buuran oo qori ka taagan yahay. Saxarla Kurdad ka gaaban oo dhowr meelood ka jeexan ayey gashanayd, kabana ma sidan timuhuna inta ay aad ugu baxeen ayey ku raamaysteen. Saxarla iyo gabadhii yarayd ee ag taagnayd ayaa isku dheegagay, iyaga oo midba midda kale la yaaban tahay.

Cabaar markii Saxarla iyo gabadhii yarayd ee xaragoonaysay is daawanayeen ayey tii yarayd inta ay dhaqaaqday hooyadeed dhinaca kale ka martay. Saxarla waxa ay is dareensiisay in ay gabadhu darxumadeeda iyo aradka ka muuqda ka baqday. Markii ay dharkii ciidda iibsadeen ayaa gabadhii yarayd hooyadeed inta ay gacanta qabatay ku tidhi “ina keen hooyo waynu daahnaye.” Markii ay dhowr talaabo socdeena gabadhii yarayd ayaa inta ay Saxarla dib u soo eegtay gacanta u haadisay iyada oo ka wadda nabad gelyo (bye bye). Waxa ay gacanta sii ruxaysay ilaa intii ay mawjad dad ah oo is dhex yaacaysa kaga dhex libidhay.

Iyada oo weli meeshii taagan oo ku indho daraandarsan adduunka la kala iibsanayo iyo waxa khalqi isdhaafaya ayaa mar keliya laydhkii sam yidhi (demay). Dadkii dukaamada iibinayey ayaa buuq iyo qaylo isku daray, qaar ka mid ahina waxa ay bilaabeen in ay faynuusyo iyo laydh-tiriigyo shitaan. Intoodii badnaydse waxa ay bilaabeen in ay xidhaan meheradahoodii si aan alaabta looga xadin.

Dadkii adeegga u yimi ayaa waxa ay iyaguna bilaabeen in ay jidadkii yaryaraa ee suuqa isku jiidhaan, iyaga oo ka cabsi qaba in tuugta suuqa ku jirtaa wax yeelaan ama alaabta ay iibsadeen ka boobaan. Kuwii baabuurta wateyna waxa ay bilaabeen in ay baabuurtoodii kaxaystaan. Intii lugaynaysayna waxa ay u kala dareereen boosteejooyinkii (istaanadii) ay basaska iyo tagaasidu ka bixi jireen.

Faarax Maxamuud
Email:[email protected]
____________
Buugga Saxarla waxa aad ka heli kartaa barta Amazon


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.