Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Saygii Saaqidka Ahaa (Qaybtii 12aad)

W.Q. Cabdicasiis Maxamed Shidane

Cabdicasiis M. Shidane

Furriinkii ii soo gacangalay, wuxuu ii la mid ahaa xorriyad iyo gobannimo ii soo hoyatay, oo aan kaga baxay addoonsiga uu saygaygii hore igu hayay. Baalkaas madow maadaama uu nolashayda ka jarmay, waxaan go’aansaday in aan tacliin iyo tabac yeesho, hammigaygii horana ka miradhaliyo. Waabari kasta shaqadeyda ayaan u kallihi jiray, waliba aniga oo dareemaya saxansaxada xorriydda iyo in aanan dib dambe u maqli doonin canaadkii iyo ciilkii la xariiray guurka iyo wal walba oo la xirriray. Maalinba maalinta ay ka danbayso, waxaa ii soo kordhaysay karti iyo dhiirranaan la xariirta qaab nolaleedka iyo hab fikirka, waxaana ii soo ifayay mustaqbal farxad iyo rayrayn ku dheehantahay. Wax badan ayaa iska baddelay haba qaabkii  aan u arkayay dunada iyo waayaha nolasha, balse, taasi micnaheedu ma ahan in aan ka bogsooday dhammaan nabarradii iga soo gaaray nolashii filka xumeyd ee i soo martay. Waa run in aan la tacaalay, oo aan dawo iyo daryeel helay ilaa iyo xad, hasa yeeshee, wax wada dhammaaday ma jiraan. Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in aan ku qanacsanahay shaqada iyo nolasha cusub ee irridaha ii ballaqday.

Mashaqadu waxay ka taaggan tahay in aynaan ogaan karin halka qaddartu kuu soo marayso iyo waxa maalmuhu kuu qarinayaan. Waxaa dhacday in aan shil ku galay shaqadii. Waxaan ku simbiriraxday qol dhulkiisu mutuleel yahay, waliba aniga oo ku dhex jira saacadihii shaqada. Shilkaasi wuxuu sababay in aan shanshada ka jabo, sidaasna aan cisbitaal ku galay. Daqiiqado gudahood ayaa Ambalaasta Gargaarka Degdegga ah la iigu yeeray. Cisbitaal ayaa la i dhigay, iyada oo la ii fidiyay wax walba oo badbaado ah. Kab iyo baxnaanin wacan ayaan helay, balse, waxaan ku qasbanaaday in aan muddo nasto, ilaa iyo inta uu takhtarku iiga oggolaanayo in aan shaqadii ku laaban karo iyo in kale. Cilladda qura ee jirta ayaa ah in qoyska aan u shaqeyn jiray aysan sugi karin muddadaas oo dhan, waxeyna ku qasbanaadeen in ay xiraan qandaraaskii shaqo ee aan kula jiray, iyaga oo i siiyay wixii xaq ah iyo wixii ceymis ah oo la xariira shaqada iyo shilka shaqo ee aan ku waxyeelloobay. Dhinacaas wax tacaddi ah kalama kulmin, been Allaa caayaye.

Walow la ii oggolaa nasiino iyo saddex meelood laba ka mid ah mushaarkii aan ku qaadanayay shaqadii la xiray, haddana waxaan dareemayay caajis, cidlo iyo in ay wax isbaddeli doonaan, waayo, markii aan ka bogsado dhaawaca, waa hadda iyo in aan raadiyo shaqo cusub. Ma ahan wax u fudud shaqo helistu, mana ahan sida loo dhahayo ama naloo tuso had iyo jeer. Laba bilood iyo badh ayey igu qaadatay in aan dawada ku qaato, waana xilliga uu takhtaykaygu ii qabtay. Nasiib wanaag, intaas oo dhan waxaan la noolaa qolyihii i caawiyay, markii aan shalay kalabaydhka waddada dhex taagnaa. Hiil iyo hooba waa ila garab taagnaayeen. Waxyaabaha xanuunka igu abuurayay waxaa ka mid ah in aan waayay qof Soomaaliyeedl oo igu soo booqda cisbitaalka, maxaa yeelay, dadkeennu ma ahan dad isku xiran oo iska warqaba. Qolka aan cisbitaalka uga jiray, waxaa iyana jiifayay bukaanno badan, maalin walba waa la soo booqn jiray, taasina waxey igu abuuri jiraty uurkutaallo iyo walaac la xariira in aanan heysan xigto iyo asxaab ugu yaraan xanuunka ila qeybsada. Kaliya hooyo ayaa Taleefoonka subax walba iga soo waci jirtay, iyada oo duco iyo Alla bari uun afka ku haysa. Ugu danbayntii, waan bogsaday, waxaana i galay hammi ah in aan jawiga baddesho, maadaama ay laabtayda ku taaggan tahay in aan ka guuro dalka Talyaaniga, una guuro dal kale oo isla Yurub ah.

Isku daygayga ku saabsan in aan is kaga tago Itaaliya, ma ahayn mid fudud, oo guul ku dhammaan kara, waayo, laba sharci si aan u qaato waa wax sharci darra ah misana ay adag tahay helitaankoodu, balse, si aan nafta u soo quusiyo, waxaan ku qasbanaaday in aan aado dal ku yaalla Waqooyiga Yurub, oo lagu magacaabo Finland. Runtii, ma aanan ku rajo badneyn safarkayga, wuxuuna ku dhammaaday guuldarro. Xafiiska Socdaalka iyo Qaxootiga qaabilsan ee dalka Finland, wuxuu igu wargaliyay in aan si degdeg ah uga baxo dalkooda, kuna laabto dalkii aan markii hore iska dhiibay, kaas oo ah Itaaliya. Sidaasi waa sida ku qoran sharciyada Midawga Yurub u degsan, waana la igu fuliyay. Dalkii i qaabilay markii hore ayaan dib ugu soo laabtay, aniga oon garaneyn meel aan wax ka billaabo iyo qof aan ku dego oo i martigaliya intii maalma ah. Waxaan gaafa-wareegaba, waxaan helay hablo u dhashay dalka Romaaniya, waxaana ka codsaday in aan la dego, wixii qarash ahna dhinaceyga kala baxo. Ma jeeb marneyn oo keyd lacageed waan heystay. Ka dib, markii aan salka dhulka la helay, waxaan naftayda ka dhaadhiciyay in ay iska illowdo geeddi danbe iyo waqti lumis, kuna kalsoonaato halka qaddarta Eebbe dhigtay.

Isbarasho yar ka dib, gabdhihii Roomaaniyaanka ahaa waxey ii soo heleen shaqo. Ma ahayn shaqo ay gabadha Soomaaliyeed qabtaan, balse, qofka raba in uu isbixiyo, wax walba oo uu dheef lacageed ka helayo wuu qabanayaa. Shaqdu waxey aheyd beeraha Cinabka in aan ka shaqayno, annaga oo koox dumar ah. Subax walba waan kallihi jirnay, waliba si wada jir ah. Waxaan soo shaqeysaneynay siddeed saac, annaga oo waliba ku qanacsan in aan dhididkeenna cunno, qofna u gacan-hoorsaneyn. Dad yar oo Soomaali ah ayaan iska garaneynay magaalada, walow ay la yaabbanaayeen gabadh beer ka shaqeysa, goonideedana u nool, anigusa nolshayda qof kuma xireyn, wax walbuu yahayba. Xamaali iyo xoogsi dheer ka dib, waxaan ku fakaray in aan waqti siiyo waxbarashada, waana han iyo hiigsasho igu weyn, walow hooyo igu tartarsiiso guur iyo in aan unko qoys cusub, haddana naftaydu diyaar uma aheyn in aan xariir la sameeyo naf kale. Wali dhinacaas mugdi ayaa igaga furan, mana u jeedin iftiin yar xitaa. Waxaan dib u billaabay in aan habeenkii afar saac wax barto, waliba waxbarasho nidaamsan oo aayatiinka loo baxsan karo. Hammigaas ii qaadaadhignaa waxaa ku hareeraysnaa halis badan oo iiga imaan karta isla meesha aan ku noolahay, sida in aan habeenkii kaligay socdo, sida in ninku nooc walbuu yahay uu faduul iyo daandaansi la taaggan yahay dhabbo walba, balse, waan ku qasbanahay in aan dhexda dhuuqsado, dhaganaha ka fureysto waxa dadka kale iska dhaadhiciyaan.

Waxyaabaha aan ka dhaxlay kalinimada iyo in aan gooni u noolaado waxaa ka mid ah in aan ka raystay buuqa iyo walaaca ay isku shidaan qeyb ka mid ah dadkeenna. Ka fogaanshadeydu waxey galisay dad badan oo aan hayb iyo isir wadaagno in aan ahay qof fallaaga ah oo aan ku socon xeerkooda qalloocan, kaas oo ah in horay iyo gadaal la is kugu sii socdo habeen iyo maalin, oo war uun la dhuro. Haa, xitaa waxey xukminayeen sida aan u labbisto iyo sida aan danahayga uun ugu foognahay, taasina waa natiijada aad ka dhex helayso bulshadeenna, waliba marka aad ka xuubsiibato dhaqamada iyo caadooyinka aan la jaanqaadi karin nolasha na hor taal qarniga aan ku jirno. Haddaan u baahdo wahel iyo wareeg magaalo, waxaan raacaa dadka igu aragtida iyo dookha ah, ee ma raaco kuwa igu haybta iyo dhalashada ah uun, waayo mar haddii qaab nolaleedkii iyo fahankii nolashu kala gaddisan tahay, waa adag tahay sida waqti iyo waayo qurxoon loo wada qaato.

La Soco qybta 13aad.

W/Q: Cabdicasiis Maxamed Shidane.
Email: [email protected]
——————————–
Akhri sidoo kale

Qaybtii 11aad


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.