Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Soomaaliya iyo Abaaraha: Isbarbardhigga abaartii Dabadheer iyo abaartaan Siman iyo talo soo jeedin

W/Q Dr. Axmed Dalmar

Maqaal hore ugu soo baxay WardheerNews, waxaan kaga hadlay abaartii Dabadheer kaalintii ay ka qaateen takhaatiirtii Xoogga Dalka Soomaiyeed iyo guushii laga gaaray. Waxay iga ahayd bogaadin takhaatiirtaas iyo dowladdii markaas jirtay. Inkastoo aan dul maray, maqaalkaas kuma soo qaadin wax dhaliil ah ama daldalooladii jirey oo waxaan weli aaminsanahay guud ahaan intii waaya aragnimada iyo aqoontu ogolaayeen waagaas in la qabtay. Nasiib darro, lagama faa’iidaysan waaya aragnimadii iyo casharadii laga bartay abaartaas duruufihii jirey awgood, sida dagaalkii Itoobiya, dagaalkii sokeeye, dawlad la’aantii muddada dheer iyo kala qaybsanaanta Somaalida.

Arrimahaas iyo innagoo musiibo (crisis) kasta u aragna sidii dab meel ka kacay oo dab damini ku filan tahay (fire fight) ee aan dib loo eegayn maxaa keenay iyo sidee looga tababushaystaa mid kale, waxay ina dhaxalsiiyeen markale in abaar tii ka daran ay Soomaaliya ku habsato 2015-2017kii (sooyalkuna asagaa isa soo cesha). Abaartaas oo loogu walqalay magaca Siman oo loola jeedo dad iyo duunyaba si siman bay u asiibtay, waana ka darantahay abaartii Dabadheer, sida dad badani qabaan, inkastoo aanan weli gunteedii la gaarin.

Gargaarkii Abaarti Dabadheer 1974-1975

Abaarihii Soomaaliya soo maray iyo guud ahaan abaaraha waxa keena iyo waxyeeladooda waxaan kaga hadlay maqaalkaygii hore. Waxaan isku dayayaa in maqaalkaan aan ku soo qaato abaartii Dabadheer iyo abaarta hadda taagan ee Siman waxay ku kala duwanyihiin, maxaa tii hore laga bartay iyo side tan hadda loo wajahaa.

Maxay ku kala duwan yihiin labadaas abaarood? Farqiga labadaas abaarood wuxuu isugu biyoshubanayaa laba arrimood aragtidayda: xilliyada ay ku soo beegmeen iyo duruufaha jiray waqtigaas oo labaduba arrima guud ah.

Abaartii Dabadheer waxay ku soo beegantay:

  • Soomaaliya oo dawlad awood lihi ka jirtay (sidey rabtaba ha ku timaadee) leh kala dambayn, nidaam, ciidan iyo shaqaale caafimaad oo gurmad samayn kara. Dawladdaas oo markaas 5 sano jirsatay, weli waa ka fiyoobayd maamul xumadii iyo dhibaatooyinkii sannadihii dambe ragaadiyey, aakhirkiina sababay burburkeedii.
  • Ayadoo lagu jiro ololihii horumarinta reer miyiga (Agoosto 1974- Maarso 1975) oo 25,000 ardayda dugsiyada sare loo diray miyiga. Waxaa la yiraahdaa sabab ayagaa u ahaa in abaarta baaxaddeeda la ogaado markay qaylo-dhaan ka keeneen.
  • Dadka Soomaalida ah (ha ku kala duwanaadeen aragtida ay ka qabeen dawladda) oo isku duubnaa Soomalinimadana aaminsanaa.
  • Dowlad saaxiib ah (Soviet Union) oo ay Soomaalia lahayd oo hiil iyo hooba la garab taagnayd (mahaddaasna waxaa lahaa Dagaalkii Qaboobaa- Cold war).

Arrimahaasoo dhami oo ay dawladdu hormuud u ahayd waxay keeneen in loo gurmado dadkii abaaruhu wax yeeleeyeen, lana badbaadiyo, intii ogolaydna loo raro koonfur iyo meel beera leh, intii kalana markii la doogtay ay ku noqdaan degaanadoodii

Dad ku wax yeeloobay Abaarta Siman

Abaarta Siman waxay ku soo beegantay:

  1. Soomaaliya oo 26 sano weli kala qoqoban, aan lahayn dowlad awood leh oo kala dambaynta iyo nidaamka sugi karta, musuq maasuq baahsan iyo wax is dabamarin. Ciidan iyo shaqaale caafimaad oo lagu tashan karo gurmadna samayn kara oo aan jirin. Shacabka oo aan aamin ku qabin dawladda, ayna ku sii yaraanayso wadaninamdu. Sida loo ildaran yahayna looma alle la’e.
  2. Horumar laga gaaray xagga is gaarsiinta; laamiyada Beletweyne-Burco, Garowe-Bosaaso ma jirin xilligii abaartii Dabadheer, mobile phone, duulimaadyada oo ku baahsan dalkoo dhan, free market.
  3. Soomaali badan oo dibadda u qaxday, badanaana ka shaqaysta, inkastoo aan la eed tirayn, gurmadka abaarta qayb libaax bay ka qaadanayaan. Dadkoodana waa taakuleeynayaan.
  4. Soomaaliya oo aan dowlado saxiib dhab ah lahayn oo la macaamisha dowlado mid waliba dana gaara ka leedahay Sooamaliya.
  5. Siman waxay kaloo ku soo aaday xilli dadkii aamineen in ay isku tashadaan oo aynan dawlad wax ka sugin; biyo dhaamis, raashin gaarsiin iyo xitaa in xoolaha (siiba ariga) baabuur lagu raro oo la geeyo meeshii caws lagu sheego, ishkinkana (geela iyo lo’oda) galay loo shiido. Dadkii xoolohu dhaafeen tuulooyinka iyo magaalooyinkay yimaadeen, waxayna ku tiirsan yihiin ehelkooda iyo qaraabadooda ha kala joogen guda iyo dibedba.

Isbar-bar dhigga labada abaarood wuxuu ku tusayaa sida hab dawladeedka iyo bulshadu lug ugu yeelan karaan gar gaarka abaarta. Xilligii abaartii Dabadheer, dawladu xoog bay lahayd , wax walbana ayaday gacanta uug jireen, (free market)freedom kalana iskaba daa. Dadka qaarbaa (economists) qaba in arrimahaasi ay ka mid ahyeen sababaha baaxadaas u yeelay abaarta. Laakiin dawladda waagas jirtay waa ku dadaalaysay in ay wax qabato, inkastoo ay mar dambe ogaatay baaxaadda abaarta, isgarsiin la’anta jirtay awgeed; kaalintaas waxaa u buuxiyey  ardadii ololaha  reer miyiga oo ka qayla keenay.

Dawladdu isla markiiba waxay bilowday in ay soo aruuriso dadkii, oo xeryo gar gaar u furto, xalkaas kaliyaana u furnaa; tirada xeryaha, dadka ku jiray iyo intii ku dhimatay ka fiiri maqaalkaygii hore.1 Dadaalkaas niyad samida ahaa wuxuu keenay dhibaatooyin caafimaad oo dadkaas halka meel laysu keenay waxay isqaadsiiyeen cudurayday kala qabeen oo dhimashada badan keenay. Casharka ugu muhimsan oo laga baran karo abaartii dabadheer waa abaabulka xeryaha (dhib iyo dheef), gadaal baan ka sii faahfaahin doonaa. Hadda dowlad wax aruurin kartaa ma jirto shacabkana u malayn mayo in uu meel isugu keeni karo dadkaas. Waa fiican tahay in sida hadda ay arrintu tahay oo dadku kala joogaan meelahooda haddii wax loo qabanayo in meelahooda wax loogu qabto, siday suurto gal u tahayse maqaan.

Abaarta Siman weli waa socotaa, ilaa hadda dadaalku mayara, lamana saadaalin karo sida wax noqon doonaan haddi roobka gugu (waa April) baaqdo

Abaartii Dabadheer casharradii laga korosan lahaa ina dhaafe oo waatan aynu la rafanayno Siman. Maxaa talo ah oo looga gudbaa dhibaatada abaarta siman loogana faaiidaystaa waaya aragnimada laga dhaxli karo?

Muddada gaaban (short term): Abaarta siman waxaa loogaga gudbi karaa in dadka meelaha ay kala joogaan loogu geeyo biyo, raashin, daawo iyo tallaal.Waxaa igu maqaala ah in adduunku u soo gurman doono Soomaaliya booqashadii UN secretary kaddib; waxaa dhici karta in dawladda iyo dad kaloo ay dhici karto in ay dana gaar ah ka leeyihiin ay soo jeediyaan in xeryo la abaabulo oo dadka meel laysugu geeyo. Yey dhicin tii abaartii Dabadheer dhacday  oo kale. Dadka abaartu haleesho waxa ugu daran oo hayaa waa nafaqo darro oo ah hooyada cuduradoo dhan (difaac la’aanta oogada awgeed), marka dadka saas ah oo cuduro kala duwan qaba meel laysugu geeyo, waxaa dhacaysa in si sahal ah ay isu qaadsiiyaan cudurada sababaana in cudura badani (sida jadeecada, shuban iyo kuw kale) ka dilaacaan xeryaha dadkuna u dhintaan cuduradaas. Haddii laga fursan waayo in xeryo gar gaar la abaabulo, waxaan soo jeedin lahaa in xeryaha loo aqoonsado rug caadimaad oo kale oo inta aan dadka laysu geyn in Bara caafimaad (control) oo dadka lagu lakala sooco (triage) la abaabulo, oo intii fiyow meel gooni ah la geeyo horeyna laga tallalo, intii isku cudur qabtana ayagana isku meel la geeyo lana qiimeeyo sidii loo tallali karo laguna daaweeyo.

Xeryaha gargaarka abaaraha iyo kuwa qaxootigaba waxaa caado u ah in si habaqle ah dadku ugu soo gurmaan ayagoo cuduro kala duwan qaba; waxaa lagama marmaan ah in si joogto ah loo kormeero dadka xerada ku nool si isla markiiba (real time) loo ogaado qofkii buka iyo cudurkii ka dilaaca kara xerada.

Inataas aan soo sheegay oo dhami waxay u baahan yihiin abaabul culus (shaqaale caafimaad, dad maamulka yaqaan, ciidan suga nabadgalyada, raashin nafaqo leh, daawo, tallaal), abaartii Dabadheer waa haysannay intaasoo dhan, tallaalka maahee; hadda lama haysto wax u dhow intaas, haddii lahelana sida loo maamuli doono lama hubo.

Waxaase hadda lahaystaa fursad ah in haydaha caadimaadka sida MSF,Medical Corp iyo intii kaloo la heli karo laga codsado in ay xeryaha ka howl galaan oo gacan siiyaan shaqaalaha xeryaha.. Fursadaasi ma suurtoobin xilligii abaartii Dabadheer, inkastoo cuduro halis ah laga helay hal xero, siyaasadii dawladdu ma ogolayn in shaqaale reer galbeed ah la keeno nabad galyo awgeed (cold war).

Waxaa kaloo ila haboon in xeryuhu ku meel gaar ahaadaan oo dadku ogaado in xeradu weligeed furnaanayn. Waa masuuliyadda dowladda in ay qorshayso siday ka yeelaso dadka ay soo xeraysay iyo qorshaha ay ka leedahay (bar bar dhig abaartii Dabadheer), dadka qaar baa rabi kara in ay weligood joogaan oo (dependent) noqdaan, dadnimadoodii iyo karaamadoodiina halkaas ku lunto

Muddada fog: (Long term)

Waxaa abaarta looga gaashaaman karaa in la hirgaliyo barnaamij horumarineed ee Reer Miyiga iyo caafimaadka dadka siiba fayadhowrka (public health) oo kor loo qaado.

Madaama abaartu haleesho xoolo dhaqatada waxaa ila quman in barnaamijka horumarinta reer miyiga xoogga la saaro ayadoo:

  • Dabagal joogto ah lagu samaynayo xaaladda xoolo dhaqatada (xoolaha iyo daaqa).
  • Meelaha oomanaha ah oo ceelal laga qodo ama si kale biyaha loo gaarsiiyo.
  •  Cawska oo la beero, lana kaydiyo, Xoolaha oo la baro in caysh la siiyo (hadda waaba la bilaabay) iyo caafimaadka xooloha oo la daryeelo.
  • In la aasaaso heer degmo iyo gobol hay’ad maaraysa xaaladaha deg-degga ah-musiibooyinka (Emergency management agency) oo arrimahaas daba gasha, la socota xaaladda xoolodhaqata, saadaalisa abaarta (drought monitoring), qorshaysata wax ka qabadka haddii loo baahdo (raashin, daawo, lacag, shaqaale); si hay’adaas iyo guud ahaan hayadahoo dhan hawshooda u gutaan waa in loo dhiibaa dad xirfadlayaal ah oo aan lagu qaybsan saamiga (4.5) oo Soomaaliya ladagay.

Xagga Caafimaadka: Caafimaadka dalka oo guud ahaan kor loo qaado waxay sahlaysaa wax ka qabashada dhibaatooyinka la xiriira abaaraha iyo musiibooyinka kale. Sidaan soo sheegay cudura badan baa ka dilaaca xeryaha hadda iyo waagii abaartii dabadheerba ,welina qaran ahaan ma lihin hal sheybaar oo bacteriology/virology leh oo sheegi kara bacteriga ama virus ka keenay cudurkaas intaan ogahay.In la abuuro hay’ad abaabusha gurmad caafimaad (First responders) oo ku qalabaysan takhaatiir, kalkaaliyeyaal, shaqaale kale, haysata kayd cunno nafaqo leh iyo daawooyin. Hay’daasi waxay heegan u ahaanaysaa in meeshii looga baahdo ay dhaqso ku tagi karto waxayna noqonaysa laf dhabarka waxqabasho kastoo caafimaad.

Waxaan ku soo gunaanadayaa maqaalka oraahdii ahayd: Markaan tabar hayeyna talo ma hayn, hadda oo aan talo hayana tabar ma hayo; waxaan ula jeedaa oraahdaan in markii aan dawlad xoog leh ahayn, oo gurmad aan samayn karnay maalma gudahood, ma aynaan haysan horumarkaan hadda lagaaray, adduunkoo oo dhan oo inoo furan oo ganacsigu xor yahay. Hadda oo aan sidii hore dhanno oo aan haysano horumarkaas aan soo sheegay, ma lihin dawlad xitaa dalka isu furi karta iskaba daa wax qabade ama xitaa isu duwi karta wax qabadka xitaa haddii laynoo soo gurmado. Waa nasiib darro inaan cawrino 40 sano ka hor howlihii l qabtay ayadoo meelaha qaarkood laga itaal darnaa. Ilaahay hayna waafajiyo khayrka, Soomaalidana dhibaata haka dul qaado.

Dr. Axmed Dalmar
Email:[email protected]

———

Tixraac:
Dr. Ahmed Dalmar,Abaartii Dabadheer, 1974-75, Xeryihii Gargaarka Beer iyo Caynabo iyo Kaalintii Takhaatiirtii Xoogga Dalka Soomaliyeed. WardheerNews. Sep.23/2012 

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.