Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Taariikh Kooban: Cusmaan Geri

W/Q Faysal Cabdi Rooble

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajucuun.

Waxaa markay taariikhdu ahayd  bishan August 24, 2016, magaalada Seattle ee gobloka Washington USA ku geeriyooday Alaha u naxariisto Cusmaan Yusuf Xaaji Aadan (Cumaan Geri).  Cusmaan waxa uu ahaa markii uu geeriyooday  70- meeyo  welina aan sideetankii gaadhin.

XusussCusmaan waxa uu ka mid ahaa odayaasha kasoo jeeday deegaanka Jijgjiga, halkaas oo uu ku dhashay kuna barbaaray.  Markay taariiikh ahayd dabayaaqadii 1940-kii ilaa bilowgii 1950-kii, waxuu Cusmaan ka mid ahaa dhalintii guntiga u gaabsatay halgankii Gulub iyo halgankii ka dambeeyay ee uu hormuudka uu ka ahaa xisbigii SYL.  Waxaa Cusmaan lagu xasuustaa sadex arimood:

  1. Xiliyaadii SYL waxa uu la shaqayn jiray odayadii ay kamid ka ahaayeen Xaaji Cabdi Buux, Cabdi Ciise, iyo Cali Gudaal oo u olollayn jiray halgankii SYL.  Waxaa uu Cusmaan ka qayb galay lacag ururintii Banka Jigjiga laga ururinayey (fundiraisng) si qareen loogu qabto Cabdilaahi Ciise oo xiligaa Talyaanigu Muqdisho ku xidhay arimo halganikii xornimo doonka ah ku saabsaan.  Waa xiligii Jigjiga iyo Galbeedka laga heesi jiray:

        Ninkaa Cabdulaahi Ciise
       Cadaanka u xidhan
       Ka Calaa Cali
       Allow Caawi

  1. Arinta labaad ee Cusmaan lagu xasuustaa waa xadhigii dheeraa ee dawladdii Itoobiya xilgii Mangistu ay u gaysatay, isagoo muddo aad u dheer ku xidhnaa jeelka Alambaqa.  Waxa Cusmaan qeyb taariikhi ah oo lama ilaawaan ah uu ka qaatay dagaalkii  dheeraa ee loo soo galay wiiqinta iyo ladagaalanka faashistihii Mangistu. Markuu dhamaaday dagaalkii 1977, waxa dawladda Soomaaliya ku badashatay illa toban sarkaal (Prisoners exchange), si Cusmaan looga soo daayo xabsigii arxanka darnaa ee Alambaqa. Markii Muqdisho la keenay, waa xiligii dagaalku dhamaaday, Cusmaan waxa loo qaaday Masar si loogu soo daweeyo.  Waxa aanu Marxuumku ka bogsan waxyeeladii ka soo gaadhay jidh dilkii Alambaqa loogu gestay.
  2.  Csumaan nin dheer, maariin casaan xiga oo jamiil ah ayuu ahaa.  Ilaahay xarago inta uu nin siiyey Cusmaan Geri ayuu siiyey.  Waxaa uu ahaa reer magaal meelo badan ku soo noolaa sida Jigjijga, Dirdhabe, Berbera, Wajaale, Hargaysa, Muqdisho, Ardisababa iyo Seattle.  Dhulmar dhaayo leh ayuu ahaa.

Allow Qabriga kuu nuur Jano Fardowsana kaa waraabi.

Faysal Cabdi Rooble
Email: [email protected]

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.