Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Taariikh Nololeedkii Abwaan Boon Xirsi (AHUN)

W.Q. Ibraahim Cali Axmed

boon-xirsi
Abwaan Boon Xirsi

Waxaan maanta halkan idinku soo gudbinayaa intii aan ka garto ama ka xasuusto AHUN Marxuum Abwaan/Jilaa  Xuseen Xirsi Caddib (Boon Xirsi Bowdya Gaab) oo 17.12.2016 si kedisa ugu geeriyooday magaalada Hargaysa oo uu daganaa Taariikh noololeed kiisii iyo tariikhdiisii faneedba.

AHUN Abwaanku waxa uu ku dhashay miyi, gaar ahaan deegaanka Balligubadle, hooyadiina waxa la odhan jiray Cosob Ibraahim. Inkastoo marar badan oo abwaanka la weydiyay Xilliga uu dhashay uu kaga jawaabi jiray kaftan laakiin waxa uu geeriyooday isagoo da’diisa lagu qiyaasi karo toddobaatan ama aad ugu dhawba.

Waxa uu marxuumku ku soo barbaaray dhulkaas miyiga ah ee qoyskiisu degganaayeen haseyeeshee markii danbe waxa uu usoo wareegay xaggan iyo magalada Hargaysa oo uu ka billaabay Shaqo, isagoo kuraya, waxaanu ka shaqeeyay Hudheelada isagoo noqday mudalab aad ugu fiican hawshaas. Muddo yar kadib waxa uu u wareegay Jabuuti halkaas oo u muddo kusoo qaatay dabadeedna waxa uu ku soo laabtay Hargeysa, waxaanu dib uga billaabay shaqaqdisii hudheelada. Waxa uu marxuumku ka shaqeeyay hudheelkii Ibraahïm Cawar iyo kii Maxamed yare ee ku yaalay suuqa badhtankiisa gaar ahaan Heegada isaga oo shaqadiisa aad ugu fiicnaa.

Goorma ayuu haddaba Xuseen is ogaaday inuu leeyahay hibada hal-abuurnimo, waxna jili karo?. Waxa uu ogaaday markii uu afaray iyo geeraaro gaagaaban oo aad loogu qoslo tiriyay oo bulshadii wada gaadhay aadna dadku u jeclaysteen. Jilaanimadiisu waxa ay muujisay oo dibada u soo saartay Shaqadiisii.

Waxa uu haddaba  fanka ka billaabay in uu wax la sameeyo oo koox markaas la unkay sanadkii 1973 oo la odhan jiray Halgan oo ay lahaayeen Ciidankii Guul wadayaashu oo u sameeyay Abwaan Maxamed Cabdi Wayrax. Heestii ugu horeysay ee Boon Xirsi (AHUN) diiwaanka fanka gashay ee uu sameeyay waxay ahayd Ilwaad oo uu qaado Maxamed Faarax oo ay kawada tirsanaayeen kooxdaas. Heestiisii labaadna  waxay ahayd Heestii uu aadka ugu soo caan baxay oo la odhan jiray Tunka Qaban Ogaa Cadaw, Tabcunbay ku marayan Tuudh Wiidh oo labadaba uu laxameyay Maxamed Faarax.

Riwaayadii ugu horreysay ee uu wax ka jilo oo ay Kinsi Xaaji aadan (AHUN) kawada qayb qaateen sanadkii 1973 waxa iyana la odhan jiray Jacayl waa kane kaalay, waxaana hal-abuurkeeda lahaa abwaan Axmed Saleebaan Bidde. Markii uu noqday jilaa caana oo dadka aad usoo jiitay, waxa uu ku biiray hobolladii Waaberi, riwaayaddii ugu horreysay ee uu qayb qaatay ee Waaberi uu la jilayna waxay ahayd Dumistii Aqalkayga iyo Arooskii Inankayga oo sannadkii 1976kii laga keenay xagga Muqdisho isagoo galay kaalintii Cabdiraxmaan Aw Koombe oo Muqdisho kaga hadhay kooxda. Ruwaayadda Aw Koombe waxa uu u hadlayay sida Muqdisho looga hadlo, Boon Xirsi ayaa isku dayay inuu sidii Aw Koombe  oo kale u hadlo laakiin taasi way ku adkaatay.  Maxamed Yuusuf Cabdi(AHUN) oo Boon mar walba dhiirigalin jiray ayaa ku yidhi sidaadanbaad kaga fiicantee ku jil.

Intaas kaddib Boon Xirsi waxa uu noqday jilaa caan baxay oo dadku aad uga helaan, waxa uuna ka qayb qaatay ruwaayado aad u badan oo ay ka mid ahaayeen Nin Qasbaya Jacayl Ma loo Quudhi Karaa, Galbeed Waa La Xoreeyey, Wadhaf iyo Shinbinbiro, Ninba Tacabkii Taloy kaa Maal, Hablaha Maanta iyo Nin u Hooladay Guur, Ha Waalnaado Jacaylkuye aan Weerarka Aadno iyo Riwayaddii Ninba Tima xamar ee ay Wada lahaayeen AHUN abwaankii weynaa ee isna Jilaaga weyn ahaa Meecad Miigane inkastoo ay dhici karto in aan qaar illaaway ama aan garan waayayba.

Boon AHUN bilawgii sideetamaadkii waxa uu u wareegay Jabuuti hal kaasna waxa uu ku sameeyay Riwaayad la odhan jiray Ikhtiyaarka Ruuxii leh Is Roggu Wuu u Bannaanyahay. Waxa Kale oo uu ka qayb qaatay Ruwaayado badan oo xiligaas ka soo baxay Jabuuti. AHUN Boon muddadii u danbaysay oo dhan waxa uu ku noolaa magaalada Hargeysa Ilaa intii uu xaqu u yïmid.

Gebo-gebo

Waxaan doonayaa in aan qoraalkan uga faa’idaysto hal arrin oo intiina badanba aad ogtiihin, waa daryeelka dadka bir-ma-gaydada ah sida fannaaniinta ama Abwaannada. Haddaynu tusaale u soo qaadano marxuumka waxa lasoo darsay xanuun indho la’aana inkastoo aanu qalbiga ka indha beelin isla markaana meelo badan la mariyay oo dad muwaadiniin ahi iska xilsaareen haddana araggii uma soo noqon.

Haddaba waxa aan indhaha laga qarsan karin tan iyo burburkii dayaca iyo daryeel la’aanta baahsan ee dadkii mudanta ahaa haysata nooloshooda iyo caafim̂aadkooda. Aaway xuquuqdii ay mudnaayeen? Bal ka warrama ilaahay baan idïnku dhaarshe imisa Abwaan ama Fannaan xaaladda ay ku suganyihiin maanta. Guduudo Carwo, Bas-baas iyo qaar kale oo badan qïimo leh oo amaba darxumo u dhintay ama maanta la il daran. Arrintaas waxa canaanteeda leh cidda masuuliyaddeeda leh. Waxaan Hadalkayga ku soo gabagabaynayaa AHUN Abwaanka, waxa uu ahaa Geesi Waddani ah oo naftiisa dadka iyo dalkaba u hibeeyay.

W/Q: Ibraahim Cali Axmed
Email: [email protected]

Taariikhyahan ku xeel dheer Fanka iyo Suugaanta Soomaalida
Hargeysa, Soomaalilaand.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.