Friday, November 24, 2017
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

TAXANAHA TARJUMAADA AF SOOMAALIGA EE BUUGGA GUBAN: CUTUBKA 5aad

Jaalle Kacaan

Qore: Cabdiladiif Cige
Tarjume: Boodhari Warsame

Maalintii xigtay ayuu Janankii u cid diray odaygii in uu u yimaado. Dabadeed Gacanyarihiisii ayuu u faray reerkii ina’adeerkii, si uu Tusmo u ogeysiiyo in Xoogsade oo laga soo wareejiyay xabsigii ciidammada lagu sii hayn doono saldhiga booliska degmada, ilaa amar dambe. Odaygii madaxa cillaannaa, isaguna mid wiilashiisa ka  mid ah ayuu u diray guryihii tolka, gaar ahaanna odayada iyo garcastu in ay isugu yimaadaan gurigiisa xilliga casarka. Jananka ruuxiisu waa uu ka soo qaybgalayaa shirkaa. Odayaashii, sidii laga sugayay ayay iyaga oo qoodaynaya aqalkii si isa soo taraysa u soo dhoobteen. Markaa ayaa dhammaantood loo gudbiyay qol fadhi wayn leh oo shirarka noocan oo kale ah loogu talagalay. Barkimihii cukanaa ee isugu jiray dangiigsi, sinteecsi iyo saldhigga ayaa qaab laydi xeraysan loo safay darbiyadii qolka, intii bannaannayd ee dhexena waxaa lagu goglay dermooyin roogag qurxoon ah. Intii la isu soo ururayay ee gaar ahaan Janankii oo ay ka doonayeen in uu arrinta u furfuro la dhawrayay ayay odayaashii wararkii maalintaa si guud isaga sii waraysteen. Si kasta oo ay arrintu sir culus u ahayd, isaga iyo raggan tolki ahiba waa u bareersanaayeen shirkan. Iyaduba waa maad e, waxay aad ugu xushmaynayeen jagada uu dawladda ka hayay darteed, taa oo ahayd mid xayndaabka tolka dhaafsiisan. Waxa uu u ahaa uun nin ay ku tashanayeen oo golaha dawladda u joogay tolki.

Janankii ayaa yimi, isaga oo dharkiisii shacabka xiran. Markii uu fariistayna dhammaan inta u istaageen ayay kal iyo laab u salaameen.

Odayaashii waxay ugu horreyn shirkii ku fureen mahadnaqa Eebbe iyo Magaciisa Wayn oo uu shirkii ku bilaabmay.

”Waxa aannu shirkan isugu nimi in aannu walaalkayo dhibka haysta uga gurmanno. Waxaannu halkan u joognaa waa in aannu isla garanno waxa haysta iyo sababta keentay. Ilaa iyo imminka, waxaannu ognahay uun in millatarigii uu u xirnaa laga soo daayay oo ciidanka booliska lagu wareejiyay. Intaa wixii dheerna Jananka oo hadda nala jooga ayaannu uga fadhinaa in uu noo faahfaahsho. Sidii caadada ahayd, marka uu Jananku noo dhammeeyo warbixintiisa, dhammaanteen waa ay noo furantahay in sida ay nala tahay aannu ka naqdo arrinta.”

Sidaa ayuu Bixiye hadalkii ku qaatay:

”Walaalayaal, waxaynnu la wada soconnay heerakii kala duwanaa ee arrintani soo martay. Sida aad ka wada dheregsantihiin, waxaynnu maraynnaa xilli adag oo taariikhdeenna ka mid ah, aynnuna isku deyaynno in aynnu qaab dawladeed cusub u guurno. Habkeennii hore, xasha e, dhaqan wacan ayuu ku salaysanyahay. Markii se ay xilliga casriga ah foodda is dareen, waxaa laga fursan waayay in la dhexdhexaadiyo labada. Dhaqanka Soomaalidu xaqsoor ayuu ku dhisanyahay, laakiin siyaasiyiintii gurracanaa ee dawladdii hore ayaa u adeegsaday habdhaqanka tolaysiga in ay khatar ku geliyaan habkii hore iyo kan Jamhuuriyadda madaxa bannaani higsiga fikradaha kobocsan ku dhisan ku beegsanayso, labadaba. Adeegsigoodaa gurracan ayaa ahaa mid aan dan u gelayn farqiga ballaaran ee u dhexeeya labada hab, marka la beegsanayo in dhidibadda loo aaso hab xooggan oo lagu caabbin karo quwadaha waawayn ee adduunka ka jira maanta. Horraantii, waxaannu dhaafin waynnay in aan ka gudubno aragtiyihii dibusocodka na ragaadiyay ahaa ee ay ka tageen kuwii markii dambe doortay in ay dayacaan higsiyadii fikradaha korran ee qaarad dhammi ku taamaysay. Ha se ahaatee, Jamhuuriyadda cusubi waxay go’aansatay in aanay kanshaheeda cusub u adeegsan kaliya ka miradhalinta fikradahaa uun e ay sidaa oo kale u adeegsato xeelad ay in yari kaga hodmaan hantida qaran iyaga oo Soomaali dhabarkeeda fuushan.

’Riyada cusub’, waa sida Afrikaanku beryahan leeyahay e, haddiiba ay kaaga macdahay, waxay caqabad wayn ku ahayd in sees xooggan loo dhigo qaran Soomaaliyeed iyo Afrikaba, taa oo jiilal badan oo soo socda u diidaysa in ay gobannimo si qumman ugu noolaadaan. Kuwii musuqmaasuqu dilooday ayaa ku cidlaystay majaxaabinta yoolashii suubbanaa ee horseedka Soomaali u kacay, waaba horseedkii Afrika oo dhan aan iraahdo e; iyaga oo u adeegaya gumeystayaashoodii hore, si ay u sii jirto xagaldaacinta ay ku hayeen qarankayaga, qaaraddayada iyo xoogga dadkooda ee raasamaalka u ahba.

Waxaan faraha ku haynnaa maanta waa rajada jiilasha naga dambeeya. Waa taa midda aan u go’aansaday in aan ku biiro kuwa hankii dib ugu soo nooleeyay kacaan awood wax ku muuquuniya, si ay carri Soomaal ugu duwaan dhabbaha kuwii aragtida fogaa aanse helin cid ku dhiirrata in ay mar uun la hinjiyaan.

Haddaba, hadda ayaannu haleelnay in aannu fikirkaa waddada qumman cagta u saarno. Hase ahaatee, Golaha Kacaanka wali waa ay ku adagtahay inuu aragtidaa hirgeliyo. Waxaannu dagaal kharaar ku la jirnaa dabadhilifyada dahsoon ee Imberyaalaysiga u adeega, annaga oo isla markaana dhidibbada u aasaynna hab ugu horreynba ay ulajeeddadiisu tahay daryeelidda qaranka oo idil e aan loo dhisin uun in yar oo ku naaxda.  Waxaa fara kulul nagu haya kuwo doonaya in ay nagu burburiyaan adeegsiga habka tolaysiga qayaxan ku dhisan, iyaga oo si wacan ula socda kana faa’iidaysanay sida uu guud ahaan Soomaali ugu waynyahay ee loogu ibtileeyay. Kacaanku wuxuu u qirsanyahay habkaa tolaysiga ah sidiisii dhaqanka ahayd; waa wanaagga wax wadacunka aan eexda lahayn ku salaysan e. Markase lagu murgiyo habka dawladnimada casriga ah, waa horseedka eexda nintooxsiga ku salaysan ee salkeedu yahay uun walaalo kala dhinta oo ugu dambayn gayaysiisa cirirbgo’ aan laga soo waaqsan. Tan waxaa ku diirsada gumaystayaashii oo ay noo beddeleen uun kuwo ay iyagu meesha uga tagoodeen. Dhammaantood tolka ayay ka soo jeedaan, ka mase mid aha.

War iyo dhammaanti, waxa aannu halkan isugu nimi waa in aan faahfaahin ka helno arrintii walaalkeen Xoogsade haysatay. Midda aan doonayo in aad dhammaantiin si cad u wada dhaaddaan waa tan ah in, in kasta oo wax badan qaldanyihiin, mucdii aragtidaa dheeri ay wali nooshahay, docfaruur badanba ha lagu hayee. Intaa aynnu arrimaha tolaysiga u suxulduubaynno, yaanay qar naga tuurin tooxsiga danta gaar ahaaneed ama inay koox aad u yari kaligeed ku takrifasho danta guud.”

Markaa ayuu hadalku wuxuu u furmay odayaashii kale ee shirka fadhiyay. Sidii caadada ahayd ayaa la isaga gurayay hadalka oo loo maqlayay koobinta loogu jiibinayo hadba kan hadalka wata iyo sida ammaan isaga iyo laandheerenimadiisa toleed loogu maydhayay. Waa hadal ka gurid iyo ammaan si xarrago iyo xirfad leh la isu dhaafsanyo.

Odayga xigay ee hadalka la wareegay waxa uu ahaa mid aftahannimo looga dambeeyay oo ka yimi Miyiga shishe. Naanaysta qoyskiisu waxay ahayd ”Libaaxya-u-gale”, taa oo ku tilmaamaysa nin belo oo aan lagu dhicin.

”Nasiib u ma aan yeelan in aan Jananka la kulmo hadda ka hor, iskuulna xataa carri Soomaal ka ma aan gelin waligay, iska daa mid aan dhulal fog ugu dhoofo e. Walaakayo, Jananka wayn, labadaaba iskuul buu ka dhigtay, labadoodana xeeladahooda sida aayar aayarka ah habkayagii hore u barabixinaya wax wayn oo badan ayuu ka yaqaan. Nin miskiin aniga oo kale ahi waxba ka ma garan karo himmilada qaran tol ka ballaaran oo ka awood badani ku hirto. Waa fikrad aad u baaxad wayn oo ku salaysan fikrado waawayn oo kobocsan aadna u dhaafsiisan tan toleed ee nintooxsiga iyo iska riixidda tolalka kale ku dhisan. Haa, waa dhab oo haddii aynnu si qumman oo aan cidna lagaga haybaysan ugu mintidi lahayn midaynta Soomaal, gees ka gees, waxaan gaari lahayn baraare ballaaran iyo horumar u soo hoyda annaga, Africa iyo dunida inteeda kale. Nasiibdarro, wixii aan taa ka gaari lahaaba waxaa hagaasiyay dhabtii tiil waayaha iyo carriga Soomaal. Si ay ahaatose, dhabtu waa in aniga iyo inta madashan ila fadhidaaba aannu ka dhigannahay waagan iyo dadkiisii oo taayadu aanay tan tolka dhaafsiisnaan karin. Aan idiin raaciyo e, tani waa ceebta dhab ahaaneed ee haddana caadada inoo ah.

Haddii se aan hadalkaygaa dambe wax ka soo reebo: waxa walaalkayo Xoogsade ku dhacay ma ahan arrin siyaasad la xiriidha. Haddii aqoonta dheer ee aan Soomaali u leeyahay u cuskado, waa ay iska caddahay in gardarro aan geed loogu soo gabban loo la kasay, sababtuna aanay wax kale ahayn e tolka uu yahay darti aanay dhaafsiisnayn. Waxa aad taa kaga gaabsataan, ninkani sinnaba uga ma suurowdo jaajuusnimada ay ku eedeeyeen. Kaaga daran e, marka loo eego sidii wajigabaxa lahayd ee xaaskiisa iyo carruurtiisa loogu hor jiiday markii xabsiga loo taxaabayay! Si fiican ayaannu u naqaan Xoogsade, oo aabbihi baannu naqiin, annaguna waxaannu nahay ilma’adeertii dad u xiga ee laga doonanayo in ay gardarrada tolalka kale uga gaashaandhigaan. Maantase, in kasta oo ay iska muuqato in arrintu mid toleed tahay, haddana tolkayo kaligi meel taagan u ma babacdhigi karno daadka dawladeed ee rogmanaya. Mudane Janan, waxaannu kaa doonaynnaa in aynnu isku dhan arrinta ka aragno, waa tan tolka ee ay dhab ahaan ku yuururto e, annaga oo quuddarraynaynna in aad awooddaada dawladeed u dhaqaajiso danta tolka, sida kuwa ku la midka ah ee tolalka kale ay aabigayaga ugu dhaqaajiyeen.

Aanse ku wayddiiyo e, sow ma ahayn kuwii ina’adeerkayo xoogga ku muquunshay kuwo adiga kaa garaaddo hooseeya oo awoodda buuxda ee dawladda adeegsanaya? Raqba waa ku raggeed, nin walbaana tan uu waayihiisa kaga taliyo baa waayo dambe looga aayaa nolosha adduun. Haddii Eebbe aqoon kugu mannaystay, waa in aqoontu qofka ku hagtaa oo bartaa dhabta taal waayaaha uu la noolyahay, qofka uu yahay, waxa uu qaban karo, iyo inta awooddiisa dadnimo gaarsiisantahay, gaar ahaanna waayaheennaan milgihii fikirkii qarannimo ee aan ku taamanynnay loo afduubtay u adeegsiga aabiga tolaysi.

Haddaba, Bixiyow, tubta toosan noo hoggaami oo ka imow fikradahan aad ku dheggentahay. Dhabta taal la ma dhaafaankeeda ka eeg, haddii kale waxaad adna ku gawracnaan doontaa in aad u joogto in kale oo badan oo Kacaanka majaxaabisa una baasbaxa in badan oo aan wax galabsan oo tolkayaga iyo kuwa la halmaala ah. Dhammaantood waxay eersan doonaan fikrado macmacaan ayse mar hore malgeen jaalaayashaadu, iyo walle  sida aad u moogtahay waaga aan la huri doonin ee talo faro ka haadi doonto!”

La soco cutubka xiga.

Boodhar Maxamed warsame
bodhari.warsame@gmail.com


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2017 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.