Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Wasiirka Dastuurka oo Sheegay Inay la Shaqeyn Doonaan Guddiga Barlamaanka iyo Midka Madaxabannaan Arrimaha Dastuurka

Waasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa maanta kulan wadatashi ah la yeelatay Guddiga Kor-joogteynta Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka.

Ujeeddadka Kulanka ayaa ahaa in la dardar-geliyo wadashaqaynta sadex geesoodka ah ee ka dhaxeysa Wasaaradda iyo Gudiyada.

WasiirkaArrimaha  Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wadashaqayn iyo midnimo ay tahay in lagu wajaho hawlaha baaxadda leh ee horyaalla Wasaaradda iyo Guddiyada.

Md.  Xoosh oo ka hadlayay ujeeddada kulanka ayaa sheegay   in uu ahaa inaan isla garanno sida aan u wadashaqayn laheyn maadaama hawlo badan noo yaalaan, shacabka Soomaaliyeedn inooga fadhiyaan hawl ballaaran oo ah in Dastuurka dib-u-eegis lagu sameeyo.

“Wasaaradda waxaa ka go’an in ay wadashaqayn dhaw idinla yeelato” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Gudoomiyaha Guddiga Kor-joogteynta Arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Xildhibaan Cabdiqaybdiid iyo Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista Dastuurka Maxamed Dahir Afrax oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa waxa ay soo dhaweeyeen in wadashaqaynta la dardar-geliyo loona midoobo hawsha Qaran.

Ugu danbeen war murteyeedki ka soo baxay kulanka waxaa saxaafadda la wadaagay wasiirka Dastuurka, Guddoomiyaha GudigaDastuurka labada Aqal iyo Midka madaxa Banaan.

Kulanka ayaana kusoo idlaadau guul iyo isfaham laga gaaray.

Maxamed Nuur Amiin
Wardheernred’ Muqdisho.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.