Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Faahfaahin: Weerrar Ismiidaamin ah oo Lagu Qaaday Xarrunta Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir

Muqdisho-(WDN)- Ku dhawaad 19 ruux ayaa ku geeriyootay qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay gudaha xarrunta degmada Wadajir, sida ay laamaha caafimaanta u shegeen wardheernews iyadoo gebi dhaan dhismaha xarunta degmada uu soo gaaray burbur laxaad leh.

Qaraxa ayaa ayaa ahaa mid aad u xooggan, waxaana loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ahaa nooca ay Soomaalida u taqaano Hoomey, kaasoo ka mid ahaa gawaarida caanaha keenta.

Gaarigan ayaa sida ay Dadka Halkaasi ku sugnaa noo shegeen waxaa u suura gashay in uu gudaha u galo Xarrunta degmada,halkaas uu ku qarxay ugu danbeyn.

Goob joogayaalkan  ayaa sidoo kale noo sheegay in qarraxa uu saameeyay dhismayaal ka ag dhow xarrunta degmada, waxaana jugta qaraxa ay aheyd mid magaalada oo dhan laga maqlay.

Dadka Dhaawacmay waxaa ka mid ah Guddoomiyaha degmadaasi iyo Xoghayihii oo la sheegay in uu soo gaaray dhaawac fudud sida laamaha amaanka ee dowladda Soomaaliya ay warbaahinta u sheegeeng

Afhayeenka wasaaradda Amniga Dowladda Soomaaliya Axmed Carab ayaa sheegay in Shabaab ay caadeysteen beegsiga Shacabka Soomaaliyeed, dowladdana ay ku howlan tahay sidii loo badbaadin lahaa Shacabkaas, waxa uuna ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed in meel looga soo wada jeesto Shabaab.

Dhanka kale maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ismiidaaminta ee ka dhacay xarrunta degmada Wadajir.

Waa qaraxii u horeeyay ee noociisa ee lagu weerraro mid ka mid ah xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir oo aan horay looga baran in la bartilmaameedsado.

Qarraxan ayaa ku soo beegmaya xilli ay magaalada Muqdisho ka socoto hawlgalka xasilinta ammaanka casimadda, kaasi oo loogu talogalay in lagaga hortago qaraxyada noocan ah.

Ra’iisalwasaare Xasan Cali Kahyre ayaa cambaareeyay qaraxa.

Maxamed Nuur Amiin

Wardheernews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.