Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Opinion
  • Slideshow

Weydiin Godmatay

W/Q Idiris M. Cali

Waxaad u’kaadisaaba, ood u kuurgashaaba, mar baad la keentaa. Waxaan liqi kari la’aa aaraa’da ku cabbiran tuducda ugu dambaysa ee jiiftada Af-ku-Siran, taas oo guud ahaan innagu hawadinaysa in aynu garanno, kana soo baxno, doorkeenna dadnimo ee nolosha. Waxaan ku talaqaatay, bilaabayna, qalimidda qooraal aan unkaheeda ku weydiinayo cidda ay tahay, haddayse jirto, ta’ bixin kartaa “awoodaha” Eebbe “lagaga maarmo” ee ay aaraa’daasu jimciyayso. Taas aniga oo u foollan baa Eebbe Weyne waxa uu qaddaray in warcelinta aan u jeellanaa ay iiga soo maaxato saarka Dabahuwan, ee uu isla abwaanku tiriyay.

Dhawr gu’ ka hor markii aan kobgalshaha Aftahan, oo waagaas noolaan jiray, ka aqristay maansada Af-ku-Siran ayaan xasuustaa in aan isweydiiyay: Agah! Waa kuwee tallow awoodaha Eebbe lagaga maarmo? Sababta oo ah, in yar ka hor waxa inta aan carrabka ku qaatay dhuunta ii mari waayay labada meeris ee uu sida badheedhaha leh abwaanku isu daba taxay: Lama siin awoodaha/Alle lagaga maarmee. Waxaan malayn kari waayay awoodabixiye aan Eebbe ka ahayn, markaas baan haddana isweydiiyay: Dhegah, yaa dadka siin kara awoodo, hadda ma’aha awood ee waa awoodo, ay Allahooda kaga maarmaan oo ay waliba, awoodahan dartood, kelinnimo ugu suubbato? Ilaahow ilaah kale ma jiro, Adiga mooyaane!

Warcelinta weydiintan dambe, oo duunkayga ka ahayd “Cidna” waliba xooggan, ayay maansada Dabahuwan loogu magac daray ku ugnan (salaysan) tahay. Maansadaasu waxay ku tixan tahay aaraa’ ku afjaran murtidii abwaan Maxamuud Tukaale Cismaan  (AHN) ee ahayd: Allaa weyn, [qofkii] aaminaa awood leh. Taas ayay dadka si xeeldheeri leh u xasuusinaysaa. Xaasha, abwaankii Dabahuwan tiriyay, kaas oo waliba Alla-aammin ah, loogama malaysto in uu ogyahay, dadkana u geeddigalinayo, jirista awoodo Eebbe lagaga maarmo. Waxayba aar’aadu dhabarjab weyn oo guuldarro leh ku tahay cidda Fircooniyiinta ah ee sidaas ka dhadhansata, dabadeedna ku dhaayo, dhago, iyo dhur beelka qabaysa.

Waagii Nebi Muuse (NNKH), Fircoonkii qooqay wuxuu qooqu geyaysiiyay in dadka uu ku qooq-dillaacsatay uu rabbinnimo u sheegto. Si uu taas ugu caddaymo helana, awoodo dadku Eebbe u ogyihiin buu isku talbiisay: Kuu doonana dilyayaa, tuu doonana nooleeyaa. Inuu addoon wax addoonsada yahay haabkiisa kuma uusan qaban. Inuu “dadka” uu abwaan Hadraawi maansada Af-ku-Siran ku xusayo ka mid yahay ismoogsii. Inuusan heli karin awoodo uu ilaahnimada uu isla mutaxay ku ahaado ismoogsii. Inuusan kelinnimo, baahiba la’, awoodin ismoogsii. Ismoogsii Runta ismoogsii, wuxuusan awoodin isa sii. Waa Runtan waxa uu Hadraawi inoo tixayo, markuu qoray: Dadku waa addoommoo, lama siin awoodaha, Alle lagaga maarmee, keli lagu ahaadee, ha illaawin baqashada.

Haa! Dadku waa addoomo, oo la iskuma diiddana. Haa! Dadkan lama siinnin awoodo ay Alle kaga maarmaan, oo waa iska addoomo waxsiin u afkalaqaadan. U fiirso, “siin”ta meeriska labaad ee tuducdan ku xusan waxa ay lid ku tahay “keensasho.” Dadka waa la siiyaa, oo loo qaddaraa, ee ma keensadaan. Kolkaas, waa xaasha in ay keensadaan awoodo ay Alle kaga maarmaan. Dhanka kale, haddii ay siin tahay, Eebbe ayuunbaa Waxbaxshe ah. Waanan ognahay, hadda ognahay, in uusan Eebbe dadka siinnin awoodo ay ku Kelinnimo sheegtaan. Eebbe Isaga ayuun bay u ahaatay Kelinnimo. Kolkaas Eebbe cidna uma uu baahi qabo. Qofka baahan, ee raba inuu Eebbe si buuxda ugu naxariisto, waa inuusan hilmaamin baqashada uu Eebbe siisay mudnaanta ah: Ka idiinku sharfan, Eebbe agtiisa, waa ka idiinku dhawrsiinyaha badan (Xujuraat, 13).

Kolka, waa iska weydiin godmatay, god dheer Alle geeda, weydiintii labada siyoodba ahayd ee aan isweydiiyay. Inkasta oo qof madaxa ka caabuqaystay uu shar uun ka siyaadsan lahaa godmatadaas isweydiinteeda, anigu waxaan dhabtii ka kororsaday cashar lama illaawaan ah: Waxaad u’kaadisaba, waad la keentaa. Abwaan Hadraawina labadiisan maanso meelo la duri karo kuma yaalliin. Waxaase taas dhaadan qof ogsoon sida uu abwaan Hadraawi uga qotodheeraystay Sayid Xuseen Nasr dhanka deegaan-u-doodka; iyo Ruumi, dhanka Quraan-maanso-ku-tixaynta;* iyo qof kale oo aragbadane ahba sida ay murtidiisu uga Run-gaadhsiisan tahay. Eebbe ha daayee, waa abwaanka abwaannada. Af-ku-Siran iyo Dabahuwan baa u daliil ah.

Idiris M. Cali
Dhanjac: [email protected]

———-

* Eeg dhugmada 6d ee maqaalka, “Rūmī and the Sufi Tradition” ee uu qoray Sayid Xuseen Nasr.

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.