Saturday, August 18, 2018
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Xildhibaan Axmed Cabdi Taajir oo lagu xidhay Kismaayo

Muqdishu (WDN)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Kismaayo, ee xarunta ku meel gaadhka ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, ayaa sheegaya in maanta la xidhay Xildhibaan Axmed Cabdi (Axmed Taajir), oo maalintii shalay aheyd uu Baarlamaanka Jubbaland ka qaaday Xasaanaddii (immunity). Arintan ayaa ka damabeysay markii lagu soo eedeeyay Md. Taajir fal dambiyeed ah in uu ku kacay been abuur ku aadan liis Xildhibaano (forged signature) uu hormuud ka ahaa, kuwaasi oo waday qorshe Mooshin lagu kala dirayay Golaha Wasiiradda Jubbaland.

Md. Taajir ayaa xildhaano badani ku eedeeyeen in uu si been abuur ah, oo aanay waxba kala socon uu magacyadooda oo wata saxiix aan dhab aheyn, ugu daray liiska Xildhabaano soo jeediyay Mooshin kalsoonida lagala noqonayay Golaha Wasiirada Jubbaland.

Wararka Mooshinka ka dhanka Dowlad  Goboleedka Jubbland, ayaa maalmahanba la is la dhexmarayay magaalada Kismaayo iyo guud ahaan Soomaaliya.

Qorshaha Mooshinkaasi lagu kala dirayay Xukuumadda Jubbaland, ayaa la sheegayaa in uunan qabsoomin, kadib markii uu buuxin waayay tirada looga baahan yahay in Mooshin la horkeeno Baarlamaanka Jubbaland, tiradaasi oo ah 20 Xildhibaan.

Md. Xasan Taajir, ayaa sheegay in uu wali yahay xildhibaan, xasaanaddana lagaga qaaday si aan sharciga waafaqsaneyn

Waraka ayaa sheegay in aanay wax rabshado iyo qalalaase toona ka dhicin goobtii laga kaxeeyay Md. Taajir iyo guud ahaan magaalada Kismaayo.

WardheerNews, Muqdishu


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2018 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.