Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Maqaallo.
  • Opinion
  • Slideshow

Xilka Qaadista Raysal Wasaaraha Soomaaliya: Fursad Cusub Mise Fashil labaad

W.Q. Biixi Cismaan Diriye

culusowKhilaafka madaxda dawladda Soomaaliya ee hadda, ayaa dad badan oo Soomaali ah iyo dadka iyo dawladaha daneeya arrimaha Soomaalida ba war-war geliyay. isqab-qabsiga madaxda sare ee Soomaaliya ayaa ahaa mid caado u noqday dawladihii Soomaaliya soomaray muddadii KMG lagu jiray, dhaawac waynna u geystay dawladnimada iyo kalsoonidii ummadda Soomaaliyeed ku qabtay maamulladaas.

Xilligan waxa ay Soomaaliya hanatay dawlad rasmi ah oo sharciyan iyo siyaasiyan ka mas’uul ah dadka iyo dalka Soomaaliya oo dhan, magac kasta iyo maamul kasta oo ay leeyihiinba. Dawladdan, ayaa ku dhalatay dadaal ay beesha caalamku gardaadisay, taageero dhinac dibloomaasiyadeed, siyaasadeed, dhaqaale iyo militariba ay la garab istaagtay si loo soo afjaro fadhiidnimada dawladeed ee 20-ka sanno kabadan ragaadisay Soomaaliya. Sidoo kale ayay u kasbatay taageerada dadka Soomaaliyeed iyada oo beddelkeedana laga dhowrayay isbedel dhab ah iyo talaabbooyin laxaad leh oo la xidhiidha xoojinta ammaanka, soo celinta midnimada oo dhaawac weyni gaadhay, dhisidda iyo xoojinta hay’adaha dawliga ah, dib u heshiisiinta iyo dib-udhiska qaranka IWM. Hasayeeshee, Sanad kadib waxba isma bedelin, waxaana rajooyinkaa dumiyay, dadaaladaana badhifuray dhismaha xukuumad tabar daran iyo doorashada Raysal Wasaare aan waayo aragnimo iyo aqoon u lahayn hoggaanka iyo maamulka  waa Raysal Wasaare Saacid e.

Xulasho Taariikhi ah oo Horseedda Fursad Midnimo Soomaaliyeed

RaXil ka qqadista Raysal Wasaarha ee xilligan kala guur ah, ayaa noqon kara fursad cusub ama dibu dhac labaad.  Kadib xil ka qaadista Raysal Wasaaraha, ayaa waxa horyaalla madaxwaynaha doorasho istaraaatiiji (strategic) ah oo runtii ku ah laylis iyo imtaxaan labaad. Ma ku dooran doonaa raysal wasaaraha cusub karti, aqoon, waaya-aragnimo, xil-kasnimo, Soomaalinimo iyo iyada oo la tix galinayo miisaanka siyaasadeed iyo soo celinta midnimo Soomaaliyeed? Mise, arrimo hoose iyo dano gaar ah oo la xidhiidha dabadhilifnimo, saaxiibtinimo, iskooxaysi, damu jadiidnimo IWM? Kala doorashada arrimahan, ayaa waxay jeexi doonaan toobiyah guusha ama huli doontaa dalluunta guul darrada.

bubaSi kastaba ha ahaato’e, hadal haynta musharixiinta saaran miiska madaxwaynaha, ayaa dad yaw farabadan iyo dawlado badan oo daneeya siyaasadda Soomaalida yididiila geliyay. Saxaafadda waddanka (xataa kuwa Somaliland) ayaa maalmihii ugu danbeeyey si laxaad leh uqaadaa dhigayay una odorosayay in Prof.Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa laga yaabo in loo magacaabo raysal wasaaraha bedelaya Saacid. Xulashada Prof.Buubaa ee la filayo, ayaa waxay iftiiminaysaa rajo xooggan iyo fursad cusub oo dib loogu dhisayo kalsoonida ummadda , noqonaysana taariikh cusub oo loo jeexay  ummadda oo lagu bishlayo midnimada, laguna soofaynayo xidhiidhka caalamka ee shakigu hadheeyey sababo aqoon darro iyo maamul xumo awgeed oo ka timid xukuumadda xilka sii wareejinaysa.

Midnimadu Waa Mudnaanta Koowaad

Arrinta ugu muhiimsan ee Madaxwayne Xasan Sheekh iyo dawladdiisa hortaalaa waa arrinta soo celinta Midnimada iyo Isu-keenidda waddanka kala qoqoban. Run! Waa la bogaadiyay tallaabada hore loo qaadday ee xagga wada hadallada bilaabmay ee Somaliland iyo Soomaaliya, hasayeeshee maxaa taa ku ladhan oo keeni kara wada hadal dhab ah? Faanwaynaa ‘ku kaaje Ayaan nin u aqaanaa’, wada xaajoodkaasi waa uun dhalanteed, geedsare waab iyo indhasarcaad aan qorshe iyo ujeeddo mugleh oo uu xambaarsan yahay aanu jirin. Waa biyo col dhaanshay mana muuqato tanaasul muuqda oo labada dhinac midna diyaar u yahay marka la eego sida hadda wada xaajoodyadu u socdaan. Sidaa daraadeed waxaa biyo kama dhibcaan ah in lagu daro xarfado dheeraad ah. Waa in loo jeesto sidii tabo iyo xeelado dheeraad ah oo lagu waajahayo arrintan loo la iman lahaa oo ay ugu horayso kasbashada quluubta iyo maskaxaha Shacabka Reer-Waqooyiga. Waa in la badhxo barnaamijyada maskax maydh ka ah ee dadka reer Waqooyi 20kii sanno ee ugu danbeeyey la durdurinaayay iyada oo loo marinayo idaacadaha, TV-yada iyo ta ugu daran oo ah manaahijta (curricula). Sida taa lagu heli karaana waa in muraayaddii ay iska dhex arki lahaayeen la rakibo oo la sudho Villa Soomaaliya oo macnaheedu yahay in markooda loo hibeeyo hoghaanka ummadda Soomaaliyeed. Waliba hadda!!!

Ayaan Darro!! Reer-Waqooyi waxa si aan caddaalad ahayn loogu shaanbadeeyey midnimo-diid, waxaana qayb ka ah fahan xumada iyo aqoon darrada balaadhan ee madaxda reer Koonfureed-ka ka haysata dadka  Reer-Waqooyi; waa mid tilmaamaysa sida ay ugu guul darraysteen in ay abla-ableeyaan duruufaha, taariikhda iyo dareennada kala duwan ee Waqooyiga yaala. Midnimada hal-hayska noqotay ee madaxda iyo dadka Koonfurtu iyo fogaynta dadka ugolon-golay gobanimada iyo midnimada ummada iyo waliba abaal marinta iyo aqoonsiga dadka taariikhda ku galay kala goynta ummada, ayaa ah wax aan isqaban. Dadka reer waqooyi waxaa lagu hanan karaa ma ah in wada hadallo madhalays ah lala galo oo kaliya ee waa in si ficil leh loo tusaa in aan laga lahayn Soomaaliya.

Yaan qalad bambe lasamaynin! Waraaba utaag maya maya!!   Dadka reer waqooyi ee utaagan midnimadu (oo meel walba ku nool ciidaana ka badani) marna ma aqbali karaan in loo soo cumaamado cid ka mid ah dadkii 20 kaa sanno ay dooda kula jireen ee ka shaqaynayay kala go’a qaranka. Waa in la ogaadaa in ummada Reer waqooyi cid midnimada ku meteshaa ay jirto, sida dadkaa laga yeelaana ay sawir iyo tusaalaba utahay waxa reer waqooyi uyaala kuna sugaya Xamar. Raggasi waa rag aan marnaba  midnimada afkooda ka qaadin ee ku wardiyaayey 22-kaa sanno duruuf kasta oo ay ku jireenba. Waa ragga ehelkoodii iyo carruurtoodii uga saahiday mabda’ooda iyaga oon manfac raadinaynin; waa rag aan ku niyad jabin lix bilood sidii Axmed Ismaaciil Samatar. Waa rag u dhabar adaygay garawsho la’aanta ay kala kulmeen umadda Soomaaliyed ee fadhigeedu yahay Xamar. Waa Ragga ay ugu horeeyaan: Prof. Ismaaciil Hurre Buubaa, Dr. Ali Khaliif Galaydh, iyo ragga la hal maala. Intaa waxa dheer in raggani ay maanta yihiin ragga ugu mudan ee Soomaali kala dabaalan kara xaaladda ay ku jirto xag midnimo, xag istrataji iyo siyaasadeedba. Si gaara aan u tilmaamo e, Waaya-aragnimadiisa siyaasadda arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah, ta dunida Islaamka ah iyo ta Carabtaba,  aqoontiisa maaliyadeed iyo ta xagga dhaqanka iyo taaariikhda Umadda Soomaaliyeed, miisaankiisa siyaasaded ee waqooyiga iyo xidhiidhka uu la leeyahay qobolada Soomaliyeed intooda badan oo ay ugu horreeyaan gobolada Awadal, Sanaag iyo Sool, iyo gobolada min Hargeisa ilaa ceerigaabo oo uu asal ahan ka soo jeedo, iyo gobolada Puntland  iyo kuwa koonfurtaba, Prof. Ismaacil Hurre Buubaa waa xul aan la gafi Karin iyo fursad hortaalla madaxweyne Xasan Sheekh.

Haddaba, Soomaaliya waxay ku jirtaa xili kala guur ah (cross-road) oo halka wax laga billaabo iyo sida wax loo dhaqaajiyaa ay noqonayso dhaabad taariikhi ah oo dhidib unoqon karta astaynta sooyaaalka Ummadan. Looma baahna in madaxweynuhu soddon cisho uu fool eryo waxay dihataana uu dhicis ku danbeeyo sidii dhacday xiligii Saacid la keenayay. Waa in casharro laga korodhsadaa dhacdooyinka waana in karti, halabuurnimo, aqoon iyo Soomaalinimo ay noqdaan kuwa aad wax ku xulataa, ogsoonawna in libta iyo waxtarka uu soo hooyaa qofkaasi aad adigu magaceeda iyo maamuuskeedaba iska leedahay  ka madaxweye ahaan.

Ugu danbayn, Ummada Reer-Waqooyina waxay uga baahan tahay walaalahooda Soomaaliyeed aqoonsi, ma aha aqoonsi in ay dawlad gaar ah yihiin balse aqoonsi ah in ay Soomaaliya leeyihiin, in aan Soomaaliya laga xigin. Hadda! Waana xilligii taa la muujin lahaa, waxaana la dhawrayaa dhawaaqa magaacaabista ee Villa Soomaaliya ka yeedha.

W.Q. Biixi Cismaan Diriye
Hargeysa
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.