Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

XUKUUMADDA FEDERAALKA EE SOOMAALIYA – SOO BANDHIGID HANAANKA DOORASHADA SANNADKA 2016

Hordhac

Iyadoo la xasuusan yahay go’aankii ay wada qaateen Baarlamaanka FS iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya 28-kii bishii Luulyo 2015, oo ahaa in, iyadoo la eegayo xaaladda dalka ka jirta, aysan suurta gal ahayn doorashooyin (qof iyo codkiisa ah), in la
qabto 2016, Sidoo kale iyadoo Xukuumaddu xusuusanaysa warmurtiyeedkii ay soo saareen madaxda Soomaaliyeed 21kii bishii Setembar 2015, ee ay ku heshiiyeen inay daahfuraan hanaan wadatashi qaran oo lagu go’aaminayo hanaanka doorasho ee sannadka 2016 ee ugu haboon uguna macquulsan, oo si sharci ahaan ay u ansaxin doonaan una hirgelin doonaan
hay’adaha federaalka ee ay arrintu khuseyso,

Cumar Cabdirashid
Cumar Cabdirashid

Iyadoo xusaysa labadii kulan ee Madasha Wadatashiga Qaran ee la kala qabtay Oktoobar iyo Diisembar 2015, iyo geeddi socodkii wadatashiga qaran ee loo wada dhammaa lagana wada qaybgalay ee ka dhacay dalkoo dhan iyo qurbajoogta oo gacan ka geystay in la kala caddeeyo mabaadi’da iyo xudduudaha muhimka ah ee hanaanka doorashada ee 2016, si waxtar lehna uga qaybgaleen una taageereen xubnaha Baarlamaanka Federaalka oo ahaa qaybta ugu weyn ee ka mid ahayd Madasha Wadatashiga Qaran,

Iyadoo maanka ku haysa baaqii Muqdisho ee 16-kii Diisembar 2016, ee laga soo saaray dhammaadkii kulan weynihii labaad ee Madasha Wadatashiga Qaran, ee ay xubnaha Baarlamaanka Federaalku ka qaybgaleen laguna garowsaday natiijada wadatashiyada qaran oo ahayd inaan jirin hal nooc oo doorasho oo ay wada qaateen dhammaan dadka Soomaaliyeed, iyadoo la eegayo fikradaha kala duwan ee laga qabo afarta hanaan ee doorasho;

Iyadoo sidoo kale maanka ku haysa baaqii Muqdisho ee kor ku xusanaa oo dejinaya mabaadi’ iyo hawlo muhim ah oo hoorseeda hanaanka doorashada 2016, oo ay ka mid tahay in hanaanku uu ka koobnaan doono in la sameeyo Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare, iyo in ergooyin doorasho ay ku kulmi doonaan kuna codeyn doonaan caasimadaha dowlad goboleedyada federaalka, iyagoo ay ka midyihiin wakiillo ka socda haweenka, dhallinyarada iyo bulshada rayidka; iyo inay jiri doonaan tiro ugu yar oo cayiman oo haweenka looga qoondeeyay labada aqal ee baarlamaanka.

Iyadoo xusaysa qaraarkii ka soo baxay Golaha Shacabka Federaalku 27-kii Janaayo 2016, ee uu ku caddeeyay inuu soo dhoweyn doono hanaan kastoo doorasho oo looga guuri doono Agoosto 2016, ee la isku afgarto.

Iyadoo garowsan Go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ahaa go’aan ay si wadajir ah ku gaareen Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka kulankooda caadiga ahaa 28- kii Janaayo 2016, kuna saabsanaa nidaamka doorasho ee hanaanka doorasho ee 2016,

Iyadoo ayidaysa dadaalladii lagu bixiyay wadatashiyadii lagu gaaray heshiisyadii ku aaddan hanaankaan doorasho ee ugu haboon uguna macquulsan ee la qabto sannadka 2016, oo uu ka mid yahay heshiiskii 3-dii Abriil 2016 dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.

Iyadoo soo dhaweynaysa ogolaansha beesha caalamka ee go’aankaas, oo uu ka mid ahaa warmurtiyeedkii kalfadhiga aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirada Urur-Goboleedka IGAD ee 31-kii Janaayo 2016, ee ay Golaha Wasiirada Urur-Goboleedka IGAD ku muujiyeen taageerada ay u hayaan go’aanka Dowladda Federaalka ku aaddan nidaamka, kana codsaday dowladaha xubnaha ka ah Urur-Goboleedka IGAD iyo saaxiibada beesha caalamka, oo ay ka midyihiin Qaramada Midoobay, inay ka wada shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa qaswadayaasha geeddi socodka siyaasadda iyo amniga Soomaaliya; iyo warsaxaafadeedkii Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ee 28kii Janaayo 2016, ee ay xubnaha Golaha Amaanka soo saareen qaraarka tirsigiisu yahay 2232 (2015), ee lagu qeexay in aysan jiri doonin dib u dhig lagu sameeyo muddada hanaanka doorashada Soomaaliya; oo ayna xubnaha Golaha Amaanka ku aqoonsadeen in hanaanka la soo jeediyay uu u baahanyahay isu tanaasul ka yimaada dhammaan dhinacyada, mar kalena ay ku celiyeen baaq ay u jeediyeen dhammaan dhinacyada iyo hay’adaha Soomaaliya ee muhimka ah ee ay arrintu khuseyso, oo uu Baarlamaanku ka midyahay, taas oo lagu boorinayey in ay khilaafaadkooda meel iska
dhigaan isla markaan si wadajir ah uga qayb galaan geeddi socodka siyaasadda, sidoo kalana ku xuseen in shakhsiyaadka ku kaca falal kasta oo khatar geliya nabadda iyo dib-uheshiisiinta Soomaaliya lagu qori doono liiska dadka tallaabooyin laga qaadayo,

Iyadoo soo dhoweynaysa go’aanka ay madaxda Madasha Hoggaanka Qaran si wadar ah ay ugu qaateen qaabka hanaanka doorashada, sida lagu qeexay warmurtiyeedkii ay soo saareen 12-kii Abriil 2016, ayna garowsadeen ogolaanshaha beesha caalamka ee qaabkan, Iyadoo Xukuumadu garowsan war-saxaafadeedki Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ee 21-ka Abriil 2016, ee ay ugu baaqeen Baarlamaanka inuu si dhakhsa ah ku ansaxiyo qorshaha hirgelinta ay go’aamiyeen madaxda Madasha Hoggaanka Qaran, iyadoo hoosta ka xariiqaya in hannaan doorasho oo si nabad ah, daah furan, oo loo wada dhan yahay
uu dadka Soomaaliyeed dhammaantooda u noqon karo tallaabo taariikhi ah ee horey loo qaaday,

Halkan ka akhri: Qorshihii Doorashooyinka oo Dhamaystiran

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.