Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Xus Jacayl! (Gabay)

Waxaa tiriyay Kayse-Galaydh waana  gorfayntii Cabdixakiin Marayare    

Xus jacayl waa tix tilmaamaysa figta ugu sarraysa ee jacaylku gaadho amma gaadhi karo. Jacayl keliya  ma ahan ee waa naf u lagdan naf kale oo ay bidaysa weheshi. Jacaylku sidiisaba wuxuu dhib iyo kadeed badaa laba qof oo dhul ahaan kala fog dareen ahaanse isku dhow – amma mid ahaantood! Dad badan baa jacaylka hafra oo mooda hawo dhalanteed ah iyo isyeelyeel. Waxaan se qabaa jacaylkii Cilmi Boodhari u god galay inuu yahay maqaaddiirta iyo halisaha badan ee dunidan yaalla! Waxaa jacayka lagu tilmaammaa inuu cudurrada qaarkood ka xanuun iyo warwar badan yahay. Dad badan buu noloshoodii galaaftay oo xabaal hoos maray, kuwo kale ayuu liiska naafada caashaqa dunida ku daray! Kuwo kale ayuu dullaystay oo addoonsaday! Kuwo kale ayuu xasuus uun kaga tegay oo daawada duni aan cidkale la arkayn – waa kolka lagu tilmaamo waallida,mase ahan waalli ee waa jacayl!

Tixdani waxa ay xusaysaa jacaylkaas halista badan. Sannadkii 2014-kii ayuu Kayse-Galaydh tixdan ka curiyey qiso jacayl oo la olog ahayd nin dhallinyaro ah, waana isla markii ay maansadu ifka timid. Fikradda Xus Jacayl siddaa waa farriin uu dirayo wiilkaasi! Macno badan inooma samaynayso inaynnu magaca ninkaas halkan ka  sheegsheegno,waxa se yaab leh sida halabuurku dareenka inanka uu ereyadan tixeed uga tarjumay – waxaad mooddaa inuu halbawlaha iyo uurkujirtiisa intuu qalay uu deetana wacaashiisa helay!

Ereyada ugu horreeya ee tixdu ka ambabaxayso waxa kamida “Qalbi xalan” – waa astaanta qofkasta oo wax jeceli yeesho qalbi xalnidu. Qalbiga cid jeceli isla markaana  cid ma necbaan karo oo ma lahan awooddaa laba dareen oo isdiiddani gudihiisa ugu wada jiri karaan! Kol haddii dareen jacayl jiro waa inuu nacaybku daaqadda ka baxaa!

Erey kale oo baydadka hore ee tixda ku jira ayaa isna ah fal markasta ka dhexdhaca qofka wax jecel gudihisaa – waa maan aan xasillayn!

Ugu dambayn Xus Jacayl waxa ay horteenna soo tubaysaa waxyaalo aannu jacaylku xammilahayn – waa kolka uu leeyahay:

Kun xodxodo rag wada xiijiyoo kow la xulufayso
Iyo xiise aan sii ridnayn oo xasarad keena
Xannaaneey ka dheerow jacayl taa xammili waaye!

Halkan waxa ku maansaysan maahmaahdii Xaawaleyda lagu xiifaali jirey ee ahayd “Gashaantidu kunna way la haasowdaa,kowna way ka raacdaa!”.

Tixdan Xus jacayl ma ahan wacdi wadaad hana ka doonin wax aan cishqi ahayn!

Tixdu waxa ay ku leedahay maqal codka qalbiyada wax jecel:

Qalbi xalan xasuus aan gudhayn laab xubbigu seexdo
Xammil caashaq wadne kuu xafidan xididdo kuu oomay
Xubno jamasho xaglo kuu darsaday maan xasili waayey
Xus ku haybsha hammi kuu xawilan xiise kugu naaxa
Iyo dookhaad xaradhaamisaan kugu xannaanshaaye.

Sidii baan xasuus ugu gam’aa tan iyo xaataaye
Kama furin xakamahaad ogayd dhiig xammaallada`e
Xiddigyahay ifaysaa adaan kugu xubeeraaye
Adigaan haween kugu xasilay xulashadaydiiye
Xuuralcayn la moodyeey adaa xulay hankaygiiye
Xarragadiyo laafyaha kolkaad xarrakadaynayso
Suunniyaha la soo xooday iyo xaadda dhabankaaga
Xirribaha madow ee indhaha lagu xayaysiiyey
Xubno jalaqsanleeyeey timaha sinnaha xaabaaya
Kolkaan soo xasuustuu qalbigu kuu xardhanayaaye.

Galin kama xagline waan sidaa xeerkan kuu galaye
Ku xisaabtan adigaan haween xaas ku bidayaaye
Oo xeeladdiinii ha falin Xaawa lagu sheegay,
Xigmaddaas haddaan kuu furfuro xidid abbaarkeeda
Ragga xeerku galaybaa qabtiyo xaakim wacadkiiye
Haweenkuna waxay xaasilyiin goortay xiloyiine
Xilkas yari ka dheerow jacayl taa xammili waaye!

Kun xodxodo rag wada xiijiyoo kow la xulufayso
Iyo xiise aan sii ridnayn oo xasarad keena
Xannaaneey ka dheerow jacayl taa xammili waaye!
Xidhiidhkiyo shukaansiga raggaa xarakadeeyoo leh
Iyo maanigaa sida xilkaa xeerka dhaqankeenna
Xannaaneey ka dheerow jacayl taa xammili waaye!
Xurmo yari xajiin aan dhibsado xeelad iyo baano
Ereyada xishoodkiyo ka madhan maan xasilintiisa
Xannaaneey ka dheerow jacayl taa xammili waaye!

Xilligaan ku guursado hadduu calafku ii xeebto
Xalay baad dhaxdoo naag kalaad soo xodxodanaysay
Iyo waar xaggaad aadaysaa xuguf hinaaseedka
Xannaaneey ka dheerow jacayl taa xammili waaye!

Xigasho – DIIWAANKA DHEELLITIRE:Sooyaalka iyo Tixda Kayse Maxamed Xuseen “Galaydh”

F.G – DHEELLITIRE waa buug Kayse Maxamed Xuseen tixdiisa ku ururiyey oo sannadaha soo socda ifka iman doona,haddii Eebbe idmo.

Qalinkii: Cabdixakiin M. Maxamuud “Marayare”
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.