Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Xus Qaran

W/Q: Cabdullaahi Janno

Daafaha dunida, magaalo walba, degmo walba, xaafad walba …waa dabaal-deg iyo damaashaad. Waa u farxad iyo reynreyn Soomaalida. Waa calamo lulanaya iyo ciid qaran. Waxaa goobta cammiray dhallinyaro jidbeysan oo xiran funaanado uu ku sawirnaa calankii buluugga ee xiddigta cad dhexda ku lahaa. Kuwo kalena calanka qudhiisa ayayba huwanaayeen. Waxaa socday qudbooyin gumeysi-diid iyo xuska geesiyaashii soo halgamay. Waxaa yimid fannaaniin iyo abwaanno dadkii ku asqiyay murti iyo madadaallo aan kala go’ laheyn. Waa xuskii Kowda Luulyo—iyo xafladdii madaxbannaanida Soomaaliya.

Soomaaliya Xaflad
Xaflad, maalinta xoriyada

Fagaare ku yaallay xaafad ka mid ah dalka Ingiriiska ayaa waxaa munaasabadda Kowda Luulyo lagu casumay madax iyo marti ka kala socotay jaalliyadda Soomaalida iyo dawladda dalka Ingiriiska. Marti-sharaftu waxay harsanayeen gudaha teendho cad oo waasac aheyd. Kuraasta ay ku fadhiyeen waxaa hor yaallay miis dheer oo la dul saaray ubaxyo, calamo yar yar, iyo caagado biyo qabow ku jireen.

Barre waa wiil todobiyo toban jir ahaa, kuna dhashay dalka Ingiriiska. Waxaa xafladda keenay aabbihiis si uu wiilku wax uga ogaado taariikhda dalkii awoowayaashiisa. Wuxuu Barre isha la raacayay ajandihii xafladda. Wuxuuna dhageystay oo u kuur galay qudbadihii kala duwanaa ee goobta ka dhacayay. Saacado ka dib, xafladdii waa lagu kala tegay.

Barre iyo aabbihiis waxay soo raaceen baskii guduudnaa ee labada dabaq lahaa.

“Haye, Barre,” ayuu yiri Abbihii wiilka. “Sidee u aragtaa xafladdii maanta?”

“Caadi ma aheyn,” ayuu yiri Barre oo muusoonaya. “Waan ku heystay.”

“Qoraal ka diyaari,” ayuu yiri aabbihii wiilka oo isaguna muusoonaya. “Kuna soo daabac joornaalka iskoolkaaga, oo ciyaalka iskoolka kula dhigto ugu faan taariikhdaada.”

“Horta aabbe su’aal?” ayuu yiri Barre oo u soo jeesanaya dhankii aabbihiis.

“Oo ah?” ayuu yiri aabbihii.

“Aabbe Soomaaliya xor miyaa?” ayuu yiri Barre.

“Maxaad sidaa ku tiri?” ayuu yiri aabbihii oo indhaha yuruuriciyay.

“Ma aqaan,” ayuu yiri Barre, “laakiin teleefishinka mar walba waxaan ka arkaa wararka AMISOM oo dhul cusub ka xoreynayso Shabaab. Haddana waxaan maqlaa maamul-goboleed hebel iyo maamul-goboleed hebel waa col iyo Itoobiya ayaa dhexdhexaadinayso. Misana waxaan maqlaa hawada diyaaradaha Soomaaliya waxaa laga maamulaa xafiis UN-ta oo Nayroobi ku yaallo. Misana waad og tahay Soomaaliya ma lahan hal xafiis oo boosto ah—xasuuso ciiddii hore waxaan waayay boosto aan haddiyad ugu diro ina abtigeey joogo Soomaaliya.”

“Waa su’aalo aad daliishooda keentay,” ayuu yiri aabbihii wiilka oo neef weyn soo tufaya, “hayeeshee bal jawaabta adigu raadi.”
Barre baaskiil ayuu ka dhakoolay. Boorso ayaa dhabarka u saarneyd. Wuxuu soo galay masjid ay Soomaalidu maamushay. Xafiis ay kutubo badan dhex yaalleen ayuu sii galay. Waxaa dhex fadhiyay oday qabay dhar wada cad, duub cadna uu madaxa ugu xirnaa. Tusbax ayuu ku werdinayay. Wuxuu ahaa imaamkii masjidka—wayna isa salaameen.

“Magaceygu waa Barre,” ayuu yiri wiilkii, “hal su’aal ayaan jeclaa inaan ku weydiiyo.”

“Adduun su’aalo badan dheh, oo misana jawaab yar,” ayuu yiri Imaamkii oo tusbaxiisa hadba hal sii deynaya. “Soo fadhiiso. Su’aashu waa maxay, wiilyahow?”

“Sheekhow waxaan maalin hore ka qeyb galay,” ayuu yiri Barre, “xaflad lagu maamusaayay xuska Kowda Luulyo. Ishaydu ma aysan qaban culimo ka socotay masaajidda. Haddaba ma waxaa jiro sabab u diiday in ay culimadu ka qeyb gasho munaasabaddii Kowda Luulyo?”

Waxaa muusooday Imaamkii.

“Bismillaahi,” ayuu Imaamkii hadalka ku billaabay. “Su’aashaadu waa su’aal aad u fiiro dheer. Jawaabta haddii aan kuu soo koobo, qofka Muslimka ah ficilkiisa wuxuu ka fiiriyaa in uu Eebbe u dhaweynayo ama ka fogeynayo. Munaasabadda Kowda Luulyo haddii la yiraah taariikh ahaan ayaa la isku xasuusinayaa, su’aashu waxay tahay qaabkee?”

Barre wuxuu qalinka ku boobayay ereyadii Imaamka.

“Qaabka ay hadda u dhacdo,” ayuu yiri Imaamkii, “xafladdan waxay ku tumutaa Xudduudaha Sharciga Eebbe Weyne.”

“Sidee, macnaha?” ayuu la soo booday Barre oo indhaha galka ka bixiyay.

“Waa marka koowaadee waxaa lagu banneystaa isdhexgalka rag iyo dumar,” ayuu yiri Imaamkii. “Labo, waxaa badata dayacaadda salaadaha oo dad badani ay haleeli waayaan. Saddex, waxaa la sii xayeeysiiyaa in ay imaan doonaan fannaaniin dhallinta habeenkii ku dhafriya tumasho iyo fisqi. Muslimku waa inuu isweydiiyo, meel ay waxaas ka dhacayaan Ilaah ma kuu dhaweynaysaa? Muslimkii haa yiraahdo, naftiisaa been u sheegtay. Haddii ay jawaabtu maya noqoto—wayba tahaye—meel aan Ilaah kuu dhaweynaynin culimo ma soo xaadirtaa? Malaa’igi ma soo xaadirtaa?”

Halkan ka akhri sheekada: Xus Qaran

Cabdullaahi Janno
Kala xiriir qoraaga: [email protected]
Ama facebook.com/Cabdullaahijanno


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.